Eygii Hajiiko “Hachico Dog” sannadkii 1923 (WQ: Qorane Axmed)

Eygii Hajiiko “Hachico Dog” sannadkii 1923.

Waa goob tareemadu ay istaagaan kadibna ka baxaan oo ku taala dalka Jabaan, laguna magacaabo Shibuuya. Maanta tareenka soo istaagay waxaa saaran eey yar, waa eey aan cidna la socon oo keligiis ah. Nin la odha jirey Isaboora ayaa arkay eeygii kadibna wuxuu u kaxeeyay gurigii uu degennaa. Ninkii iyo eeygii waxay noqdeen saaxiibo dhab ah oo isku fiican.

Ninku wuxuu shaqaale ka yahay Jaamacad ku taala magaalo kale, wuxuuna ka dhigi jirey kulliyada beeraha. Subax walba tareenka ayuu u raacaa markuu tagayo jaamacada, eeyguna kama hadho oo horay ayuu u sii raacaa illaa xaruunta tareemada ee ay magaalooyinka ugu kala gooshaan halkaana uu uga hadho. Muddo markii ay saaxiib ahaayeen, goobta tareemada ee Shubuuyana uu usii raaco, kana soonraavo ayaa ninkii soo laaban waayay habeen ka mid ah habeenada, iyadoo eeygiina uu weli ku sugayo xaruuntii tareemada oo uu kadaloobo derbi ku yaala meel gees ah keligiis.

Ninkii habeenkii xittaa ma imaanin gurigii uu degannaa, eeygii siduu u sugayay ninkii dib uma soo laaban waayo wuxuu ku xannuunsaday goobtiisii shaqada kadibna wuu ku dhintay.

Eeygii subax walba wuxuu u kalihi jiray goobtii tareemada si uu mar uun u arko saaxiibkiis waqti isku mid ah isagoo aaminsan in ninkii saaxiibkiis ahaa uu soo laaban doono, dadka safarka ah ama kuwa shaqaalaha ka ah goobta laga raaco tareemada ayaa eeyga cunto iyo biyo siin jiray.
Gu, xagaa, jiilaal iyo deyr, sanad iyo sanado badan ayuu eeygu goobtii ku sugayay saaxiibkiis, kaas oo aan weligiis soo laabanin.

Tani waa sheeko dhab ah, eeygan waxaa lagu magacaabi jiray Hachiko, sagaal sano kadib dhimashadii ninka ayuu geeriyooday Hachiko. Maanta waxaa jira dhawr taalo oo loo sameeyay eeygan oo laga dhisay xaruntii tareemada iyo jaamacadii uu saaxiibkii dhigi jirey, waxaa kale oo sheekadan laga sameeyay filim lagu magacaabo Hachiko –

Saaxiibkii nolosha.
Image may contain: 1 person, textImage may contain: 1 person, sitting and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, tree and outdoor