Mindhicirooyinkeena iyo kelyaheenuba waxa ay muhiim u yihiin nolosheena waxayna ku hawlan yihiin sidii uu jidhkeenu nadiif u ahaan lahaa oo waxa ay joojiyaan saaraan-na dhammaan qashinka jidhka soo geli lahaa. Balse , waxaa naxdin leh in labaduba ay aad ugu nugul yihiin insuliin caabbiska( insiliin caabbisku waa marka ay insuliintu badato ee uu jidhku ka jawaabi waayo ).
Waxaana argagax mudan oo in aad looga qiiroodo ah in ku dhowaad boqlkiiba lixdan iyo saddex qof oo leh insuliin caabbis ama macaanka noociisa labaad ay waajahan xanuunada uur ku jirta ku dhaca. Sidoo kale, insuliin caabbisku waa xanuunka hoggaaminaya in qodobada saamaynta ku leh in ay kelyuhu fadhiistaan. Haddaba, jawaabta aynnu ka bixinayno insuliintu waa mid aad xihiidh u la leh caafimaadka uur-ku-jirteena iyo kelyaheena, waxaana aynu aad ugu baahan nahay in aynu xakamaynno heerka insuliinta jidhkeena .
Dheefshiidka iyo Insuliinta
Hab-dhiska dheefshiidka waxa kamid ah xubno tiro badan oo ay ku jiraan kasoo billow afka illaa dabadu, oo weliba ay wehiliyaan xubno kale sida beerka, xameetida iyo ganacu. Dhammaan xubnahani waxa ay u shaqeeyaan si wada jir ah si loo dheefshiido cuntada , nafaqadana lagaga soo nuugo mindhicirka oo ka dib la soo raaciyo dhiigga.
Si lamid ah sidaas, hab-raacani wuxuu maraa tallaaboyin ka;a ged-degisan ; tusaale ahaan , waynu calaalinnaa cuntada ka dib-na waynu liqnaa ( dheecaano candhuufteena ku jira ayaa ka qayb qaata oo shaqadooda markan soo bilaaba) , sida ay u sii socoto cuntadu waxa ay ku dhacdaa caloosha , waxayna us sii gudubtaa mindhicirooyinka, sidoo kale waxa ay qanjidho kala duwanin kusoo dayaan dheecaano fudeydiya dheefshiidka , isla markaana cuntada ayaa loo jejebiyaa qurubyo yar-yar, ugu dambayna marka laga dhiggo dareere khafiif ah oo nuugi karo , waxa nuuga gidaarka mindhicirka waxaana la raaciyaa dhiigga.
Si kastaba ha ahaatee, taalaabo kastaa waxa ay u baahan tahay in talaabadii ka horeysay ay si adag usoo shaqaysaya oo si adag loo soo dheefshiidey cuntada . Balse, insuliin caabbisku wuxuu khalkhal geliyaa dhammaan tallaabooyinkaas dheefshiidku maro .
Laab Dilaaca
Si aynnu u dheefshiidno cuntada caloosheenu waxa ay soo dhiiqdaa dheecaanno ay aashitadu ku badan tahay. Laakiin, ogow calooshu way xamili kartaa aashitadan maxaa yeelay waxa ay leedahay axal (mucus) ama dareere siibsiibanaya oo ka ilaaliya in aashitadu ay waxyeelo u geysato caloosha, laakiin hungurigu uma adkaysan karo oo ma laha axal. Sidaas darteed , waxa hungurigu uu leeyahay muruq giraan ah oo xaga hoose ee caloosha xigta kaga yaala , isla markaana ka qabta in dareerayaasha calooshu adeegsanaysaa ay soo galaan hunguriga .
Balse, haddana dareerayaashan calooshu waxa ay weli awood u leeyihiin in ay soo gaadhaan hunguriga maxaa yeelay hungurigu iskama xajin karo milankan aashitada ah , waxaana suurto gal ah in hunguriga uu nabar ku samaysmo.
Ku dhowaad kala badh (illaa boqolkiiba afartan) ka mid ah dadka qaan gaadhka ah ee markanka ku dhaqani waxa ay dareemaan laab-olol waana calaamad ina tuseysa laab dilaac. Haddii aynnu dib ugu yara noqonno cutubyadii hore waxaynu soo sheegnay in kor uga badan kala badh ka mid ah dadka qaan-gaadhka ah ee reer Maraykan ay yihiin kuwo lagau arki karo calaamadaha insuliin caabbiska, ma aha wax lala yaabo in aynnu mar kale barano in cudurrada bahwadaagta ah ee la xidhiidha dheefshiidka kiimikaad ay xidhiidh xooggan la leeyihiin lab-dilaaca iyo cudurka ay bah wadaagta yihiin ee gaastarida (GERD). Gaar ahaan aynu eegno laba ka mid ah cudurrada isbiirbiirsaday ama bahwadaagta ah ee dheefshiidka kiimikaad sida ay xidhiidhka ula leeyihihiin laab dilaaca (Inusliin caabbiska iyo xaydha xubno-gudeedyada) .
Xidhiidhka uu lab-dilaacu la leeyahay xaydha xubno-gudeedyad (xaydh ay yeeshaan xubnaha uur ku jirtu ) waa mid si fudud aad u fahmi karto , ugu horreyn in uu qofku uur ku jirta iyo agagaarkeeda xaydh ku yeehsaa waxa ay cadaadinaysaa deegaanka u dhow, oo ay ku jirto calsooshu, taasina waxa ay kordhinaysaa cadaadiska caloosha , waxaana ay debcin kartaa dulaca hoose ee hunguriga . Sidoo kale , sida aan soo sheegay insuliin caabbisku waxa uu kordhiyaa ama dhiirigeliyaa in xubno-gudeedyadu ay xaydh yeeshaan. Tan qudheedu khataraha ayay ku jirtaa, balse xaydha xubno-gudeedyada ayaa ah sababeeyaha ugu weyn ee keena laab-dilaaca laakiin keli kuma aha suurta galnimada xaaladan’e waxa wehiliya qodobo kale.
Intaa waxa dheer, dhakhaatiir u dhashay dalka Taywan ayaa baadhitaanno ku sameeyay qodobo kala duwan oo xidhiidh la leh hab-nololleedka shaqsiyaadka , waxaynna ogaadeen in insuliin caabbiska oo ka maddax-banaan ama aanay wehelinin xaydha xubno-gudeedyada, dhiir karka , iyo qodobo kale oo badani uu horseedi karo laab-dilaac , waxayna ku qiyaaseen boqoley ahaan boqolkiba toban iyo shan (15%) ka mid ah dadka laab dilaaca leh in laab dilaacoodu uu ka dhashay insuliiin caabbiska . Waxaana caddayn inoogu filan maadaama oo dadka leh labadaba (laab-jeexa iyo insuliin caabiska) ay xaaladdooda laab dilaac sii xumaato mar kasta oo insuliin caabbiskoodu sii durko.
Si ka duwan sidaas, marka ay xaalddan darani sii socoto ee aashito badanni soo gaadho hunguriga, wakhti dheer ka dib qeybta hoose ee hungurigu waxa ay bilowdaa in ay iska difaacdo aashitada dib ugu soo fatahysa , waxaana dib u qaabayn lagu sameeyaa lakabka ugu sareeya ee muruqa hoose ee hunguriga , tiiyoo laga dhigayo dahaadh adag waxaana loo eekeysiiya dahaadhka mindhicirka oo kale( waa dahaadh adkaysi u leh aashitada cuntada ridiqda).
Si kastaba ha ahaatee, in dahaadhkaasi uu samaysmaa waa xaalad gacan saar dhow la leh insuliin caabbiska . Balse, keliya , in hungurigu dahaadhkan samaystaa khatar weyn ma aha , balse waxa ay mararka qaar-kood keeni kartaa in qofka ay ku adkaadaan liqitaanka ama uu dhibsado liqista cuntada. Si kale haddii aynu u eegno, ma wanaagsana dhammaan isbeddelka ay qaybtan hoose ee hungurigu samaysaa maxaa yeelay marxaladdiisa u dambaysa dahaadhkaasi wuxuu isu beddeli karaa kanasrta hunguriga ku dhaca.
Calool Xidhanka
Aynu sii wadno qoraalkeenii tooshka ku ifinayey marinka dheefshiidka. Caadi ahaan si cuntada aynnu cunaa ay u gaaadho mindhicirooyinka ugu dambeyna jidhka looga saaro , waxa mar-na kala baxa mar-na isku soo uruura mindhicirooyinka waana xaalad madax banaan oo ay mindhicirooyinku si iskood ah u sameeyaan. Si ka duwan sidaas , marka ay jirto xaaladdan calool xidhanku waa mid aad u halis badan oo mindhicirooyinka iyo calooshuba ay talax gabayaan , isla markaana aanay suurtoobaynin in cuntadii ay hoos u sii dhaadhacdo ama laga saaro jidhka , waxaanu horseedi karaa in cuntadii mudo dheer caloosha ku jirto . Intaa waxa dheer , marka ay cuntadu ku sii raagto marinkan waxa ay keeni kartaa in ay samaysmaan dhagaxaan gufeyn kara marinkan mindhicirooyinka oo keeni kara xanuun xad-dhaaf ah oo asiibba minhicirooyinka iyo uur ku jirta hoose.
Sida la xaqiijiyey macaanka ayaa kow ka ah sababaha keena calool xidhanka . Balse, dadkan macaanka leh , ayaa sababta ku keentay xanuunkan loo tirinayaa in ay tahay dhaawac soo gaadhay dareen wadayaasha calooshooda. Waxaana la aaminsan yahay gaar ahaan in dareemashaasi yihiin kuwa ka masuulka ah isku soo uruurka iyo kala bixitaanka mindhicirooyinka si ay u shaqeeyaan. Sida la ogaaday dhaawacani wuxuu noqon karaa natiijo ka dhalatay sonkorta badan ee dhiigga la socota , balse insuliintuna keligeed way geysan kartaa dhaawacan dareemayaasha.
Dhanka kale , haddii aynnu ka eeegno , cilmi-baadhis la sameeyay ayaa faleenbo ama sayloon ay ki jirto insuliin lagu rakibay ka qayb qaate-yaashii tijaabada , si xaaladda insuliinta jidhkooda loo xoojiyo oo loogu sameeyo insuliin caabbis gacan ku samays ah , waxaana la doonayay in la eego natiijada ka dhalan karta dhaqdhaqaaqa ay xiidmuhu sameeyaan iyo insuliin caabbiska , waxaana la ogaaday in xiidmuhu ay shaqadoodi yareeyeen boqolkiiba afartan(40%) kaddib insuliin caabbiskaas gacan ku samayska ah.
Run ahaantii, mindhicirooyinku ama xiidmuhu ma fulin karaan hawshooda haddii aaanay caawimooyin kale helaynin. Keligood, mindhicirooyinku waa tuumbooyin ay cuntadu soo dhex marto , oo marka dambena qashinka jidhka laga saarayaa sii maro , sidaas darteed waxa ay gaadiid u yihiin cuntada , biyaha iyo nafaqadana way soo nuugaan. Si uu u daco dheefshiid dhammaystirani oo ah ka hor iinta aanu nuugi taanku dhicin, mindihiciroorinku waxa ay ku tiirsan yihiin xubno badan si ay shaqadooda u gutaan, waxayna yihiin sidan ;
Beerka iyo Inusliinta
Haddii aynnu qiimayn lahayn xubanaha jidhka iyo shaqada ay qabtaan beerka waxaynu siin lahayn midka kaalinta koowaad ku jira. Beerku shaqooyinka uu qabto waxaa ugu muhiimsan in sunta laga soo saaro dhiigga, nadiifinta unugyada dhiigga ee gaboobay , kaydinta fiitamiinada, iyo in nafaqooyinka uu jidhku isticmaalo iyo kuwo kale oo badan. Shaqooyinkaas badan ee uu inoo hayaa waxa ay sabab u noqdeen in si gaar ah loo eego beerka , haddii ay tahay arrin caafimaad iyo mid caado dhaqameedba .
Dhaqamada Beershiyaanka gaar ahaan Iiraaniyiinta , kelmedaha sida kalgacalka leh la isu weydaarsado waxa ugu qaalisan “ jigar tala “ “ beerkii dahabka ahaa ” oo ah haddal muxubo ku dheen tahay marka loo eego luuqadooda ” , kelmaddani wuxuunoo ay ina tuseysaa sida ay u og yihiin in beerku uu muhiim yahay, “waa halka ay haweenka Soomalidu ka yidhaahdaan , “jiidh-kaygii” .
Inta badan qofka jidhkiisu ma wada noqdo mid insuliin caabbis ah illaa beerku uu noqodo mid insuliin caabbis ah, waxaana suurto gal ah in beerkuba uu ugu hor noqdo mid insuliin caabbis ah. Sidoo kale, marka beerka oo caafimaad qabaa uu dareemo insuliin ku jirta dhiigga , wuxuu u baahdaa sonkor badan , laakiin sonkortaas uma isticmaalo sidii caadiga ahayd , balse inta uu kaydiyo ayuu jidhka ku celiyaa iyada oo tamar ahaan ah.
Ka dib waxa ay sonkortaasi isu bedeshaa galaykojiin(glycogen) oo ah malikiyuullo badan oo sonkor ah oo isku tagey , sidoo kale ay wehliso xaddi aan badnayn oo baruur ahi. Sida darteed, tani waxa ay hoos u dhigeysaa xadiga sonkorta dhiigga ku jirta , taas oo caawinaysa insuliinta yar. Laakiin, marka insuliin caabbis uu jiro , beerku wuxuu keeni karaa xaalad daran oo xanuun ah , wuxuuna kordhin karaa sonkorta dhiigga iyo baruurta, wuxuuna u bedeli karaa kolesterool , taasina hore ayaynu ku soo sharaxnay in kolesteroolku uu xidhi karo xiddidada dhiidha iyo halbowleyaashaba .
Si aan la mid ahayn sidan , caadi ahaan , galaykojiinta jidhkeenu wuxuu u siticmaala tamar kayd ahaanneed, oo ku kaydsan beerka iyo muruqyada. Sidaas awgeed, marka jidhkeenu dareemo in tamar loo baahan yahay , ama laga jawaabayo sonkorta dhiigga oo hoos u dhacday ama la taageerayo deefshiidka ayaa dib sonkor ahaan loogu soo celiyaa waxaana lagu soo dhex daraa dhiigga qulqulaya.
Laakiin , waxa dhibaato ah , in marka uu jiro insuliin caabisku aanu shaqadan beerku qaban karin , sidaas awgeed, wax galaykojiin ah ma keydiyo , insuliintuna wax fariin ah oo sheegaysa in la kaydiyo ma siiso , sidaas darteed waxa uu beerku bilaabaa in uu burburiyo galaykojiintii uu hore u hayay taasina waxa ay kor u qaaddaa heerka sonkorta ee dhiigga ku jirta. Intaa waxa dheer marka aynu ka hadlayno xaaladdan, baruur-tuna waxa ay wadaataa dibaato kale oo tan ka duwan.
Xusuuso , in marka ay insuliintu fariin ahaan ku gasho beer caafimaad qaba uu beerku isla markaaba dalbado ama u baahdo sonkor xad dhaaf ah, wuxuuna u bedelaa baruur , baruurtaasna waxa lagu kaydiyaa beerka qayb-na waxa qaada dhiigga oo jidhka kale ee u baahan ayaa la gaadhsiiyaa . Haddaba mar kasta oo beerku fariimo badan oo insuliin ah helo waxa samaysma baruur, waana mid khatarteeda iska leh sidii aynu hore ku soo sheegnay.
Dufanka Badan Ee Dhiigga (Baruur)
Cutubyada hore ayaynu ku soo arragnay sida uu insuliin caabbisku u sababi karo duxda aan loo baahnayn ee uu jidhku yeesho. Insuliintuna sida caadiga ah waxay bedeshaa oo ay xumeysaa heerka kolesteroolka ah ee dhiigga ku jira. Haddaba,marka uu beerku soo saaro baruur , wuxuu soo saaraa baruur ribban oo la yidhaahdo balmitik aashito. Runtii ma aha baruurtani mid wanaagsan maxaa yeelay in ay ribanato duxda dhiigga la socotaa waa xanuun, waxayna horeseedi kartaa xanuunada dhiig wareegga ku dhaca, sidoo kale waxa ay sii xumeyn kartaa xaaladda insuliin caabbis ee jirtey. Balse , waxaad ogaataa in ay tanni dhici karto xitaa qofka oo aan cunin wax baruur ah ama nafaqo badan leh.
Beer Subagga
Halkii qulqulka dhiigga laga raacin lahaa duxda si qaybaha jidhka ee u baahan loo gaadhsiiyo, beerku wuxuu uruurin karaa duxdaas . Haddii uu baruur badan ama dux kaydiyana wuxuu gabayaa shaqooyinkiisii, wuxuuna geli karaa xaalad aad u daran. Duxda beerka waxa lagu qiyaasaa in ay xad dhaaf tahay haddii ay noqoto (5%) ama (10%) ka mid ah miisankiisa guud.
Taariikh ahaan , in uu qofku yeesho beer subag waxa loo arkeyey natiijo ka dhalatay khamro badan oo la isticmaalay sababtoo ah xubnaha kale ee jidhku ma burburiyaan khamrada, waxayna tagtaa beerka , haddii uu qofku muddo dheer isticmaalo-na waxa ay horseedaa in beerku uu subag yeesho , waxaana loo yaqaanaa beer subagga khamrigu keenno.
Si kastaba ha ahaatee, dadka caadiga ahina way yeelan karaan beer subaga. Sannaddahan u dambeeyay waxa Maraykanka ku soo badanaya dadka beer subagga leh ee aan isticmaalin wax khamro ah . Sidoo kale sannad kasta kor ayay u sii kacaysaa tiradani , waxaana suurto gal ah in ay ka badan tahay inta aynnu filayno, sababtoo ah xanuunkani waa mid aan la dareemi karin marxaladihiisa u horeeya.
Waxa layaab ah , in xanuun aan soddon sanno ka hor la maqli jirin uu yahay midka ugu caansan cudurrada ku dhaca beerka ee bulshooyinka waddamada reer galbeedku ay la liitaan . Si kastaba ha ahaatee ogsoonow in uu aad xidhiidh ula leeyahay insuliin cabbiska. Intaa waxa dheer, in qofku uu noqdo mid insuliin caabbis ah ayaa ah hor-galaha ugu xoogan ee hor dhaca u ah beer subagga. Sidoo kale , waxa dadkan insuliin caabbiska lihi ay 15jeer uga halis badan yihiin xaaladdan kuwa aan lahayn insuliin caabbiska ee insuliintoodu caadiga tahay.
Waxa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah noqotay in dadka buur-buuran ay badankoodu leeyihiin beer subag , hase ahaatee kuwa dhuudhuuban laftoodu way yeelan karaan haddii ay leeyihiin insuliin caabbis, waayo insuliin caabbisku wuxuu kordhiyaa suurta galnimada uu qofku ku qaadi karo insuliin caabbis. Waxa aad niyadda ku qabataa in haddii qofka dhuubani uu yeesho beer subag, ay tahay calaamad inoo sheegaysa in qofkaasi uu leeyahay insuliin caabbis, kama dambaystana wuxuu qaadayaa macaanka noociisa labaad (type two diabetes ) .
Xilliyadii hore oo dhan waxa beer subagga loo arkayey-uun in uu yahay natiijo ka dhalatay xanuuno kale oo qofka ku jira , balse waxa dhawaan la ogaaday in beer subaggu uu yahay xanuun dilaa ah oo hormuud u ah cudurro daran oo beerka ku dhaca, waxaanay dhammaantood gacan-saar la leeyihiin insuliin caabbiska .
Haddaba, marka uu qof ku dhaco beer subaggu, beerku wuu bararaa , haddii uu bararkaasi muddo kusii jiro-na ugu dambayn wuxuu yeelanayaa nabarro loo yaqaano hebatik/dhik faybroosis ( hepatic fiprosis ) . Kala badh ka mid ah dadka beer subagga leh ayaa ah kuwo leh nabarradaaas beerka. Si lamid ah sidaaas , kala badhkaas yeeshay nabarrada beerka , ayaa shantii qof ee kasta uu qiyaas ahaan mid ka mid ahi waajahayaa xaalad uu beerka oo dhami nabar isu beddelo oo la yidhaahdo “cirrhosis” (beerka oo shaaxid noqda ) , ka dib beerku wuu talax gabaa qofkuna wuxuu u baahanayaa in beerka laga beddelo si loo bedbaadiyo.
Laakiin, waxa suurto gal ah in qaar badan oo ka mid ah kala badhkaas aynnu sheegnay ee nabarrada yeeshay ama shantii qof ee kasta nabarradaas leh mid ka mid ah ayaa ka badbaadi kara talax gabka beerka, balse kuwaasna waxa ku dhacaya kansarka beerka, waana xaalad khatarteeda leh.
Xameetida iyo Inusliinta
Xameetidu waxa ay beerka kaga dhagan tahay dhanka hoose , waana lamaanaha beerka oo wada jir ayay u wada shaqeeyanaan si ay si habboon ugu dheefshiidaan baruurraha iyo duxda aynnu cuno. Si kastaba ha ahaatee , shaqada ugu weyn ee ay qabato xameetidu waa in ay kaydiso maadada baylka (bile ) , baylkuna waa dareere uu beerku sameeyo oo ah biyo milix leh , maado kale oo midabkeedu uu yahay jaalle oo loogu yeedho bilrubin(bilirubiin) , taas oo ka samaysan unugyo gaboobay oo dhiigga cas ah iyo dufan. Sidaas awgeed, walxahan oo dhammi marka ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan waxa ay burburiyaan baruurtii ama duxdii soo gashay mindhicirka, waxayna ka dhigaan mid la nuugi karo si loo gaadhsiiyo qaybaha kale ee jidhka.
Hase ahaatee , marka ay kaydiso xameetidu maadadan waxa ay jidhka u ogolaataa in uu dheefshiidi karo xaddi kasta oo baruur ah , iyadoo aan beerka lagu qasbaynin in uu markasta oo maadadan baylka loo baahanyahay soo dhiiqo xadiga la rabo.
Laakiin, khakhalka ugu weyn ee ku yimaadda xameetida, ayaa ah in marka uu bayl badani ku kaydo isla markaana noqdo mid ribban oo qaro weyn leh , in ay xameetida gudaheeda ku samaysmi karaan dhagaxaan.
Dhagaxaanta Xameetida
Baylku wuxuu dhagaxaanta u samyn karaa labadan hab: beerka oo soo saara kolesterool badan, ama xameetida oo aan bayl badan ku sii daynaynin mindhicirka . Si kastaba ha ahaatee, insuliin caabbisku labadan hab ee aynnu sheegnayba saamayn ayuu ku leeyahay.
Aan ku horeeyo faahfaahinta xaaladda ay jirto kolesteroolka badani iyo sida ay u sababi karto dhagaxaanta xameetida. Dhagaxaantan xameetidu waa kuwo iska samaysmi kara haddii balyka ay ku bataan midkood koleteroolka iyo bilirubiintu. Waxa aad ogsoonataa in beerku uu mas’uul ka yahay saarista jidhka laga saarayo unugyada gaboobey ee dhiiga cas, maadadan bilrubiintuna ay qayb ka tahay ama ka samaysanto unugyadan dhiigga cas ee gaboobey. Laakiin, insuliin caabbisku saamayn kuma laha maadadan inta aan ka ogahay.
Balse, insuliintu waxa ay door xooggan ka qaadataa xadiga kolestaroolka ah ee beerka laga soo saarayo. Marka la soo saaro kolestaroolkan waa in la raaciyo dhiigga ama loo beddelo bayl ahaan oo ka dib-na lagu kaydiyo xameetida .
Intaa waxa dheer, marka uu jidhku noqdo mid insuliin caabbis ah ee heerka insuliintu uu kor u kaco , beerku wuxuu bilaabaa in la soo saaro kolertarool badan oo ka badan intii caadi ahaan la soo saari jirey, taas oo keeni karta in balylka lagu daro kolesterool badan oo heerka baylkana kor u qaadaysa isla markaana ka dhigaysa mid ribban.
Cilmi-baadhiso badan oo caafimaad ayaa shaaciyey insuliin caabbisku uu yahay qodobka koowaad ee sababi kara dhagaxaanta xameetidda, gaar ahaan dhagaxaanta ay keentay kolesteroolku ee ku samaysma xameetida oo ah kuwa ugu caansan ee dunida oo dhan laga yaqaano . Sidoo kale caddeyn xooggan ayaa loo hayaa in insuliinta iyo insuliin caabbiskuba ay si toos ah u sabai karaan dhagaxaanta xameetida.
Cilmi-baadhis kale oo lagu sameeyay walo-da/jiirka ayaa adeegsanaysay in maalin walba xaywanaadaas yar yar lagu mudo insuliin muddo toddobaad ah , ka dib waxa lagu arkay in ay kordhisay dhagaxaaanta xameetida ee ka samaysma koletaroolka badan oo ku samaysmaya xameetidooda . Cilmi-baadhis kale oo saddexaad, ayaa adeegsatay jiir wax ka bedel lagu sameeyay oo beerka oo keli ah laga dhiggay mid insuliin caabbis ah , ka dib-na lagu quudiyey kolesterool gacan ku samys ah , wuxuuna yeeshay dhagaxaan aad u badan.
Si kastaba ha ahaatee, xameetidu caadi ahaan awood ayay u leedahay in ay yarayso fursadda ay dhagaxaan ku yeelan karto, iyada oo baylka isu dhaafinaysa mindhicirooyinka. Taasina waxa ay ka caawinayaa in maadooyinka uu baylku ka kooban yahay sida kolesteroolku aanay fursad u helin in ay dhagaxaan samaysmaan.
Dhanka kale , haddii aynu ka eegno insuliintu waxay hoos u dhigtaa awoodda xameetida . Run ahaantii, mar kasta oo qofka ay sii korodho heerka insuliin caabbintiisu waa mar kasta oo ay xameetidiisuna sii itaal darrayso. Cilmi baadhis kale ayaa caddeynaysa, in tijaabo lagu sameeyay shaqsiyaad kuwaas oo muddo afar saacaddood ah lagu rakibbay faleembo ama sayloon amam dhiil ay ku jirto milan insuliin ahi , taas oo sababtay in shaqada xameetidu ay hoos u dhacdo.
Beerku wuxuu muhiim u yahay joogtaynta habbab badan , sida xakamaynta heerka sonkorta jidhka iyo ka saarista jidhka laga saarayo sunta dhiigga la socota . Balse, marka aynnu ka hadlayno nadiifinta dhiigga beerku keligii ma qaban karo shaqadaas, oo kelyaha ayaa qabta hawshan badankeeda , waxayna uu baahan yihiin in heerka insuliintu uu ahaado mid caadi ah oo aan kacsanayn.
Caafimaadka Kelyaha
Inkasta oo aanay kelyuhu ka mid ahayn marinka dheefshiidka , haddana waxa ay jidhka u hayaan shaqo u dhaiganta ta beerka .Beerku marka uu jidhka ka saarayo sunta waxaa loo beddelaa kaadi ahaan . Hase ahaatee, marka laga reebo kelyuhu in ay shaandho yihiin , waxa ay la sahqeeyaan xubno badan oo jidhka ka mid ah, waxayna innaga caawiyaan in la joogteeyo oo uu dheeli tir-naado heerka dhiiggeenu , caafimaadka lafaha, xaaladda beysnimo ama aashito nimo ee jidhka , iyo kuwo kale oo badan. Si koobaan haddan u idhaahdo haddii aanay kelyuhu si fiican u shaqaynaynin jidhkuna si fiican uma shaqaynayo.
Dhagaaxanta Kelyaha
Dhagaxa ku samaysma kelyuhu waa mid la aamin san yahay in uu yahay dhibaatooyinka wata xanuunka ugu kulul ee qof dareemo mara uu soo dhaafayo qofka isla markaana hoos ugu soo dhaadhacayo xameetida , waxaana la aaminsan yahay xitaa in haweenku marka ay foolanayaan xanuunka soo mara, uu ka daran yahay dhagaxaasi ( weydii haweenay xanuunkani soo maray isla markaana hore u soo foalatay midka xanuunka badan labadan hanaan , runtii waxa ay kuu sheegaysaa in dhagaxa kelyuhu uu ka xanuun kulul yahay foosha) .
Ka hor inta aanu dhaguxu samaynin dhaqaaqiisan daran ee uu jidhka kaga soo wada baxayo ee uu ugu damabayn suuliga ku imanayo, waxa ay kelyuhu dhagaxaanta jidhiidha ah ku uruuriyaan kaadi haysta ama dhuumaha kaadi mareenka . Tani waa xaalad insuliin caabbisku sababi karo maxaa yeelay waxa uu horseedaa laba isbeddel duleed oo keena in dhagaxaantan kelyuhu ay samaysmaan.
Ugu horreyn, insuliinta badan ee dhiigga la socotaa waxa ay sababaysaa in ay kor u kacdo xaddiga kaalsiyaamta ah ee dhiigga ku jirtaa. Haddii ay kaalsiyaamta dhiiga ku jirtaa badato-na waxa ay keeni kartaa dhibaatooyiin badan, oo ay ku jiraan in ay wadnaha saamayn ku yeelato, sidoo kale kaalsiyaamtu waa midda sababata dhagaxaanta kelyaha ku samaysma kuwa ugu caansan. Sababta ugu weyni waxa ay tahay in kaalsiyaamta dhiiga oo badataa ay xanuunkan keeni karto maxaa yeelay kelyuhu waa shaandho reebaysa qasin saarka dhiigga, sidaas darteed mar kasta oo heerka kaalsiyaamta dhiiggu ay badato shaandhada kelyuhuna waxa ay reebaysaa kalsiyaam badan oo ka badan intii caadiga ahayd.
Ugu dambayn , xaaladdu waxa ay gaadhaysaa in kaadida ay kelyuhu soo saaraan ay noqoto mid ay kaalsiyaamtu ku badan tahay, waxayna isu beddelaysaa jidhiidh ku samaysanta kelyaha oo noqota dhagaxaan. Waxa in si gaar ah aad u fahanto ah in insuliinta badani ay horseedi karto in heerka kaalsiyaamtu kordho , sababta oo ah in insuliintu ay kordhiso heerka dheecaanka baaratayroodhka (parathyroid) , oo shaqadiisu ay tahay in uu kor u qaado heerka kaalsiyaamta dhiigga ku jirta isaga oo adeegsanaya kaalsiyaamta la socota cuntooyinka aynnu cuno ama dib lafaheena uga soo nuugaya xaddi kaalsiyaam ah.
Xidhiidhka labaad ee ka dhexeeya insuliin caabbiska iyo dhagaxaantan kelyaha ku samaysmaa waa saamaynta uu insuliin caabbisku ku leeyahay xaaladda beysnimo ama aashito-nimo ee kaadida (pH). Waxa caddayn inoogu filan in marka uu insuliin caabbisku jiro , kelyuhu ay yareeyaan soo saarista malikiyuullada aashitada ah ee kaadida , sidaas darteed mar kasta oo xaaladdii aashito-nimo ee kaadidu is bedesho (pH) oo ay noqoto mid beysku ku badan yahay , kaadidu ma mili karto malikiyuullo badan sida kaalsiyaamta oo kale , taasina waxa ay sababaysaa in uu kelyaha dhagax ku samaysmo .
Kelyaha Oo Talax-gaba
In kelyuhu ay talax gabaan waa xaalad halis ah oo ay gebi ahaanba keyuhu ku joojinnayaan shaqadoodii , xitaa tii shaandhaynta ama sifeynta. Haddaba nooca labaad ee macaanka ayaa ah midka ugu caansan uguna doorka roon leh sababaha keena in ay kelyuhu fadhiisataan. Xusuusnow in nooca labaad ee macaanku uu yahay insuliin caabbis, waxaana wax lala yaabo ah in insuliin caabbisku uu boqlokiiba konton kordhiyo suurta-gal nimada in ay kelyuhu fadhiistaan ama talax-gabaan. Sidoo kale, mar kasta oo ay sii xumaato xaaladda insuliin caabbisku waa mar kasta oo ay afar jibbaar korodho suurto gal nimada ay kelyuhu ku talax-gabaan, marka loo eego xaaladda ay inusliintu caadiga tahay. Waxaana suurto gal ah in xitaa heerka sonkorta oo aan sarraynin ay keliyuhu talax-gabi karaan!
Sida saxda ah ee insuliin caabbisku uu u sababi karo in ay kelyuhu talax-gaan waa xaalad aan weli la fahmin. Inkastoo , caddaymo dhowr ah la hayo , kuwaas oo tilmaamaya in talax-gabka kelyaha ay keeni karaan caqabado ka dhashay insuliin caabbisku ,sida dhiig-karka, iyo baruur-nida oo labaduba ah xaaladdo ay jirto insuliin badani. Si ka duwan sidaas, insuliintu waxa ay kordhin kartaa balaca kelyaheena ,tiiyoo qaro u yeelaysa shaandhada isla markaana sababaysa in ay adkaato in malikiyuulada laga soo reebbay dhiigga loo saaro kaadi ahaan .
Si kastaba ha ahaatee, halkan kuma soo wada koobi karo xidhiidhka ka dhexeeya labadan xaaladdood , laakiin , marka la is barbar dhigo kuwo ay kelyahoodu caafimaadka qabaan iyo kuwa ay kelyahoodu talx-gabeen , waxa saddex jeer iyo in kasii badan dhimasho keddis ah halis ugu jira kuwa ay kelyahoodu talx-gabeen, sidaas daraadeed, waxa waajib inagu ah in aynu goor hore ogaano qodob kasta oo khatar ku ah caafimaadka kelyaheena sida insuliin caabbiska oo kale.
Haddi aynnu sahashano oo aynnu moodno in marka uu macaanku inagu dhaco uun aynnu ogaan karno khatartan, taasi waa mid dib u dhac ah, maxaa yeelay waxa aynnu ogaan karnaa heerka inusliinteena oo ina tusi karta haddii uu jiro inusliin caabbis , ka hor sannado badan inta aanay weli sonkorta dhiiggeenu badanin ay naan si toos ah u yeelan macaanka nooca labaad .
Guntii iyo gunaanadkii , habdhiskeena dheefshiidka iyo qashin saarku xidhiidh aas-aasi ah ayay leeyihiin oo inoo sahla in aynnu noolaano. Waxa ay inoo sahlaan in nafaqadu jidhka gaadho oo jidhku uu nafaqo iyo cunto helo , isla markaana la burburiyo ka dibna wxii qashin ah dibedda loo saaro. Balse, marka uu heerka insuliintu isbeddelo shaqadooda ayay bedelaan labadan habdidhis , waxaanay beddelaan sidii loo dheefshiidayay marka dambana loo nuugayay cunta iyo sidii loo qashin saarayayba , sidoo kale waxa ay kelyuhu isbeddel ku sameeyaan heerka xaaladda beysnimo ama aashita-nimo ee jidhka (pH).
Dabcan , marka cuntada la soo calaaliyo ee la soo liqo , ka dibna diigga la soo raaciyo waxa ay ka mid noqotaa jidhka , sidaas darteed-na jidhku wuu isticmaala ama wuu kaydiyaa , waxaanay ku xidhan tahay hadba sida aynu wax u cuno. Balse mararka qaar kood dheefshiidkeena kiimikaad waxa ku iman kara khalkhal , sida aynu cutubka soo socda ku arki doono .
Sirta Ku Jirta Xayaysiiska
Sababta alaabooyinka tukaamada yaala loogu soo sawiro haweenka ama carruurtu waa wax iska caadi ah bulshooyinka dhankooda . Tuusaale ahaan , saliidaha iyo shaambooyada kala duwan ama caana boodhaha waxa ku sawiran carruur ama dumar madax qaawan. Haddii aanu labadaas midna lahaynna waxa qasab ah in uu shaygaasi lahaado sawir kale oo dabiiciya oo soo jiidasho leh. Sidoo kale wuxuu lahaan karaa shayga la xayaysiinayaa su’aal ku soo jiitada, ama qiima dhimis itaas ah (%) ayaanu samaynay ayaaba ku qornaan karta.
Haddaba ma is weydiisay sababta ? Sida ay qabaan culimada Cilmi-nafsigu, gaar ahaan laanta cilmi-nafsiga ee sida gaarka ah u eegta xidhiidhka shaqsiga, habdhaqanka wax iibsadaha iyo kooxuhu waxa ay u aragtaa arrintaasi in ay tahay khiyaamo aan yarayn!
Maxaa yeelay shay laga yaabo in aanad iib-sateed haddii aanu sawirkaas lahayn ayaad iibsanaysaa , iyada oo laga faa’iideysanayo qaybta nafteena ee aan baraarugsanayn ama baraad la’aanta loo yaqaano( unconscious) , muhiimadduna waa in fursad aad dareen farxadeed shaygan ugu eegtid lagaa helo ,isla markaana farxdaada iyo shaygan xidhiidh been abuur ah laga dhexaysiiyo. Waxaan ka wadaa haddii aan sawirradani ku oolin macno bacan kuuma samaynayo magaca shaygan la uidhaahdaa . Ku darso oo weliba dadku waxa ay aad u jecelyihiin in kolba alaabtan sawirkeeda iyo midadkeeda la yara beddelo si aan indhuhu uga caajisin ,waana khiyaamo labaad oo magacii ayaa maskaxdaada ku hadhay .
Muhiimadu waxa ay noqonaysaa in mararka qaarkood xitaa qalbigaaga lagu dhex xayaysiisan karo shay’yo aanad ka war haynin,siiba dumarka iyo carruurta. Waan ogahay in sida aynnu u badanahay ay innaga dhex guuxayaan macluumaadyo inaga oo baraad la’ si dhib yar ugu dhegay qalbigeena sida halhaysaha xayaysiisyada oo ka sii awood badan sawirkan. Si kale haddii aan kuu tuso Sooraan iyo jawaan riwaayadahooda dadku way jecel yihiin waana qosliyaayo ka caan ah geyiga Soomaalida , tiiyoo isla cilmigan ay shirkaddaha qaar-kood adeegsanayaan waxa laga codsadaa in ay xayaysiis sameeyaan,taasna waxa ay ku saamaynayaan kuna soo jiidanayaan boqollaal qalbi oo u godlada labadan jilaa .
Haddii ay kugu adag tahay in aad liqdo kelmadahan aan ku leeyahay, bal caawa marka aad guriga tagto warayso haddii ay carruuri kuu joogto ka dibna weydii alaabooyinka la xayaysiinayo mid ka mid ah . Waxa hubaal ah in xitaa meesha laga helo uu kuu sheegi doono ilmaha yari. Cilmi baadhiso badan ayaa lagu dersay waxaan lagu ogaaday in xayaysiisku uu isticmaalayo sasabasho iyo af-duub nafeed ama maskaxeed . Xayaysiisyada qaarkood waxa ay iila muuqdaan xad gudub nafeed ,waana tuug-nimo cad ku celcelinta badan ee shayga lagu celceliyo xayaysiiskisa tiiyoo la isticmaalo nooc kasta oo ka mid ah alaadaba wa lagu xayaysiiuo ee casriga ah ama soo jireenka ah.
U fiirso saamaynteeda iyo sida ay u shaqayso waxa suurto gal ah in aanay war badan ka qabin dhaqaale yahanadu ama ganacsadeyaashu ,laakiin waxa ay og yihiin oo hubaal ah in ay dad badan ku kasban karaan xayaysiiska . Si kastaba ha ahaatee ,xayaysiiska lagu celceliyaa wuxuu la mid yahay daroogo lagu mudayo qofka si uu si qasab ah ugu baahdo ama ugu jeclaado shay aanu aqoon u lahayn ama aad muhiimad badan ugu lahayn ama aan waxba kaga duwanayn shay kale oo uu haystay ama haysto. Si naf ahaaneed iyo jidh ahaaneedba xayaysiisku saamayn ayuu ugu yeelanayaa qofka maadaama laga shaqaysiknayo ama la carinaho dheecaannada baahida ee qofka. Ugu dambayn si naba ha uga faa’iideysan bulshadaada davnaangeeda hana h xayaysiinin shay aan manfac badan u lahayn,hana u caqli sheevan bulshada wax ma galabsatayda ah,haddii kale habkaasi kala iibsi noqon maayo ee wuxuu noqonayaa dhiigmiirasho.
Khaalid Curaagte