Gabowga, Maqaarka, Muruqyada iyo Lafaha
Gabowga
“Markii an noqday da’da dhexe waxa aan xaqiiqsaday xaqiiqooyin badan oo shaqsi ahaanneed, mana ihi sidii aan ahaan jirey . Waxa hubaal ah , in aan noqday qof xikmad badan , laakiin jidhkaygu uuma eka ,uumana dhaqaaqayo sidiisii hore, waxaanan ka shaki qabaa in aad adna illa arragtay xaqiiqooyinkan” sidan waxa cutubka ku billabay Dr. Benjamin.
Mar kasta oo aynnu sii da’ weynaano jidhkeena waxa ku yimaadda isbedello waaweyn : maqaarkeenu wuxuu noqdaa mid khafiif ah oo qallalan , muruqyaduna way caatoobaan , lafuhuna way jilcaaan oo waxay noqdaan kuwo in ay iska jabaan ay fududdahay .Nasiib darro , si buuxda ugama dheregsanin hababka aynnu u noqono kuwo da’ ah oo gaboobey , laakiin waxaynu og nahay in midkeenna aanu difaac iskii ah u lahayn gabowga , si fiicana weynu u fahansanahay.
Sida ugu fudud haddii aan u idhaahdo, gabowgu waa waddarta caqabadaha unuqyadeenu ay ku lumin karaan shaqadooda , taas oo marka dambe u sii gudbeysa xubnaha kale , marka u dambaysana jidhka oo dhan wada gaadhaysa oo uu jidkhu joojinayo gebi ahaan in uu u shaqeeyo sidii uu ahaan jirey markii horre. Sisoo kale, diraasado badan ayaa isku deyey sidii ay u sharrixi lahaayeen sababta aynnu u gabowno, midkastaana waxa ay la timid caddeyn. Arragtiyaha caanka ah waxa ka mid ah arragtida Ciriqa Hidde-sideha oo isku dayeysay in sharraxdo taranka unugyada iyo sida ay saamayn ugu yeelan karaan gabowga, kuwa kalena waxa ay ka eegayaan dhanka khatarta deegaanka ka timaadda , sida wel-welka iyo dhaawacyada kale ee kaga iman kara isla deegaanka uu ku nool yahay qofku ( welwelka iyo dhaawac ama xanuun qofka ku jira ayaa soo dedejin kara gabowga ) .
Si ka duwan sidaas, arragti cusub ayaa ayaa ina tuseysa in insuliin caabbisku uu yahay midka sababa gabowga, caddayntanina waa mid xooggan. Tijaabooyin caafimaad oo lagu sameeyay nooleyaal kala duwan sida hiiska, dirxiga, duqsiga iyo walada ayaa ina tusaya in insuliin caabisku uu xidhiidh la leeyahay cimriga qofka. Noolayaashan yar yar ayaa hoos loo dhigey heerka insuliintooda, waxaynna sababtay in muddo nololeedkoodu uu kordhay 50% marka loo eego intii horre ay caadi ahaan noolaan jireen nooleyaashani. Muhiimaddu waxa ay atahy in aad ogaatid , in noolayaashan aan waxba laga bedelin habkii xubnaha jidkoodu u soo saarayeen insuliinta balse waxa la siiyey cuntooyin hoos u dhigeya insuliintooda , hase yeeshee dadka looma adeegsan karo natiija arragtidan !
Waxa doqonimo ah in aad isku daydo in aad dhammaan dhibaatooyinka gabowga oo dhan iyo sababta ugu weyn ee keentaba dhakada ka saarto insuliin caabbiska . Weli , xaqiiqada lama dhaafaanka ah ee taageeraysa arragtidani waa in dadka cimrigoodu raagaa ay had iyo jeer yihiin kuwo heerka insuliinta jidhkoodu ay tahay mid dhexdhexaad ah , qodobada kale ee saamaynta ku lehna waxa ka mid ah miisaanka jidhka iyo jinsiga qofka ( lab ama dhedig) . In taas waxa dheer, daka hiddo ahaan u leh insuliinta badan waxa ka cimri dheer dadka aan hiddo ahaan u lahayn insuliinta badan, waxa sidoo kale cilmi baadhis dhowaan soo baxday lagu caddeeyay arragti odhanysa dawooyinka insuliinta hoos u dhigaa waxa ay sidoo kale hoos u dhigaan gabowga. In kastoo, habka gabowgu uu yahy arrin ay qodobo badani saameeyaan, astaamaha gabowga muujiya wax ka mid ah maqaarka oo isbeddela, muruqyada oo miisaankoodu yaraado , lafaha oo jilca , iyo kuwo kale oo badan , intubana waa caqabaddo ka dhashay insuliin caabbis.
Maqaarka iyo Insuliin Caabiska
Maqaarku wuxuu ka kooban yahay unugyo badan oo kala duwan, kuwaas oo uu mid kastaaba qabto shaqo u gaar ah. Maqaarku wuxuu la shaqeeyaa insuliinta wuuna ka jawaaba. Waxa laga yaaba in aad maqashay in macaanku uu keeno arrimo la xidhiidha maqaarka , dadka leh macaanku waxa laga yaabaa in ay yeeshaan maqaar aad u qalalan oo cuncuna , waxay u nuglaan karaa caabuqyada maqaarka , waxaynna dhibaato ka mutaan daaweynta nabarrada ama bogsiinta nabarrada maqaarka haddii ay ka dhaawacmaan. Haddii aynnu dhanka kale ka eegno, caabashooyinkani waxa ay gebi ahaan ka soo bilaabmaan heerka sonkorta dhiigga oo kor kacda iyo khalkhallo ku yamaadda wareegga dhiigga , si lamid ah sidaas waxa jira xannuuno badan oo maqaarka ku dhaca oo xidhiidh la leh isbeddelka insuliinta, qaar badan oo ka mid ahina waxa ay soo ifbixi karaan ka hor inta aanu qofku qaangaadhin.
Dharbaanaha
Dharbaanuhu waxa ay noqon karaan astaan hor-dhac u ah insuliin caabbiska. Xaaladdan waxa keena marka unugyada soo saara maadada milaniintu ama midabeeyaha jidhku uu aad u shaqeeyo , sidoo kale jidhka daka madoobi wuu ka milaniin badan yahay jidhka dadka aan madowga ahayn. Haddaba,, sida unygyada kale ee jidhkuba uga jawaaban insuliinta ,unugyaddan milaniintuna way ka jawaabaan , waxaynna u baahan yihiin insuliin dhexdhexaad ah , balse marka insuliin badan lagu sii daayo dhiiga iyaguna waxay u shaqynayaan si xad-dhaaf ah.
Ugu dambayn , maadaadani marka ay korodho waxa ay keenaysaa in uu jidhku yeesho madowyo aanu lahaanjirn , madowganina meelaha laga dareemi karo ama uu asiibbi karo waxa ka mid ah meelaha jidhku iska xoqo ,sida xaglaha, luqunta iyo kilinkilooyinka hoostooda, mararka qaarkood qofku wuxuu ku yeelan karaa madowgan wejiga ,lugaha iyo gacmaha. Isbeddelkan maadadan midabeeyaha ahi ay ay keenayso waxa laga dareemi kara middab kasta oo uu qofku yahay, inkastoo dadka caddaanka ah ee jidhkoodu khafiifka yahay aad looga dareemi karo( waxa ugu muhiimsan ee lagu garan karo marka ay maaddadani khalkhasho waa haaro mad-madow oo qofku uu ku yeesho afka agagaarkiisa , kuwaas oo mar marka qaarkood la aaminsan yahay in ay yihiin kansar kudhaca middabeyaha jidhka ) .
Qof kasta oo leh insuliin caabbis, marka lagu daro dadka buurbuuran ama kuwa leh macaanka nooca labaad ayaa aad ugu dhow in ay isku arkaan astaamahan isbeddelka maqaarka. Intaas waxa dheer, astaamahani waxa ay qofka kaga muuqan karaan da’ kasta , xitaa waxa yeelan kara carruurta leh insuliin caabbiska.
Burooyinka Maqaarka
Weligaa ma la yaabtay gaballada yar yar ee cadka ah ee ku samaysan jidhkaaga ama ma ku arragtay kuwo kale? Mar mar ka qaar waxa dhacda in dharbaanaha iyo burooyinkuba ay ka soo baxaan meelo aan aad u kala fogeyn (sida luqunta, garbaha wejiga ama dhabarka ) . Haddaba , dadka leh insuliin caabbisku way ka horyeelan ogyihiin burooyinka kuwa aan lahayn insuliin caabbiska ee dhiggooda ah. Xidhiidhka ka dhexeeya insuliin caabbiska iyo burooyinku, waxa suurto gal ah in uu yahay natiijo ka dhalatay insuliinta badan ee dhiigga la socota, taas oo carin karta unugyada kiratiinosaytiska oo ah kuwa ka masuulka ka ah qaab-dhismeedka maqaarka.
Haaro Cas-cas
Haaraha cas-casi waa waa xanuun soo jiitama oo maqaarka ku dhaca , laakiin way ka duwan yihiin cambaarta maxaa yeelay cambaarta waxa keena fangi , balse xanuunkan qofku wuxuu yeelan karaa astaamo u dhow kuwii cambaarta sida finan cas-cas oo la moodo in meeshu ay jidhka kasoo sareyso oo xuub cadna yeesha sida cambaar cadka oo kale . Badanaa haarahan cas-casi waxa ay ku samaysmaan jilbaha , jiqillada , madaxa iyo saablaydaba. Si kastaba ha haatee , qofku wuxuu qaadi kara da’ kasta oo uu yahay balse , inta badan wuxuu dadka ku dhacaa qiyaas ahaan marka uu qaan gaadho illaa 35 jirkiisa inta u dhaxaysa. Ma ogin waxa dhabta ah ee keena haarahan cas-cas , laakiin waxa ay u muuqdaan natiijo ka dhalatay habdhiska difaaca qofka iyo mid hiddo ahaaneedba. Tan dambe ee aan sheegay waxa ay xidhiidh la leedhay insuliin caabbiska . Dadka leh haarahan cas-casi waxa ay yeelan karaan khakhal kuyimaadda habka jidhkoodu cuntada u qaato, sida insuliin caabbiska oo kale. Run ahaantii, xidhiidhka ka dheceeya insuliin caabbiska iyo haaraha cas-casi aad ayuu u xooggan yahay , waxaana dadka isnuliin caabbiska lehi ay saddex jeer uga khatar badan yihiin qaadista qaadista haaraha cas-cas marka la barbar dhigo kuwa aan lahayn insuliin caabbiska .
Fin-doobka
Fin doobku, waxa uu dadka ka soo baxaa ama aad caan ugu yihiin xilliga uu qofku qaan gaadhka yahay illaa dhallinyarnimadiisa , waxaana lagu arki karaa finnankan oo af-cad ama af-madow leh wejiga, qoorta, dhabarka iyo qaybaha kale ee jidhka oo dhan. Ha ahaadeen, kuwo dhuuban ama cayillan’e daka leh fin-doonku way ka insuliin badan yihiin dadka aan lahayn findoobka. Mar diraasad lagu sameeyay xidhiidhka ka dhexeeya insuliinta iyo fin-doobka , oo rag fin-doob leh iyo kuwo aan lahayn la siiyey millan sonkor ka kooban si ay u cabbaan , waxa insuliintoodu ay afar jeer kor u kacday kuwii buurbuurnaa ee findoobka lahaa, halka ay laba jibaarantay heerka insuliinta dhiiga la socota ee kuwii dhuu-dhuubnaa ee fin-doobka lahaa.
Illaa iyo haatan , waxa aynnu soo falanqayney oo dhammi waxa ay tilmaamayaan cudur dhalliyahan qarsoon ee isnuliin caabbiska. Inkastoo ay istaahisho in il-gaar ah lagu eego, haddana qaarkood way adag yihiin in la arko, sida kala xidhanka ku dhacaya maskaxdaada ama kala xidhanka dhiiggaaga , balse waan arki karnaa isbedelka ku imanaya maqaarkeena.
Shaqaynta Muruqyada iyo Insuliinta
Celcelis ahaan qofkasta oo ku jira da’dii dhexe , muruqyadu waxay miisaanka jidhkiisa ka yihiin boqolkiiba labaatan iyo shan illaa boqolkiibaa soddon , taas oo ka dhigaty in ay noqoto xubinta ugu baahida badan insuliin dhexdhexaad ah maxaa yeelay muruqyadu waxa ay ka jawaabaan insuliinta , taas oo ku leh saamayn aad u badan , sida in ay ku leg leedahay koritaankooda iyo joogtaynta booratiinada ay u baahanyihiin. Si ka duwan sidaas, marka ay jirto xaalad insuliin caabbis , muruqyadu waa muhiim maxaa yeelay xadiga ay doontaba ha ahaato insuliintu’e muruqyadu waxa ay go’aamin karaan sida ay insuliinta jidhku dhexdhexaad u noqon karto .
Sidoo kale , waxa shaqooyinka ugu waaweyn ee ay muruqyadu qabtaan ka mid ah in ay reebaan sonkorta dhiigga la socota iyaga oo u jawaabaya insuliinta, marka ay sonkortu hoos u dhacdona waxa hoos u dhacaya xaddigii insuliinta. Haddaba , markasta oo xaddiga muruqyadu kordho ama yaraado waxa isbeddel ku imanayaa insuliintii jidhka. Guud ahaan , nuxurka ku jira xidhiidhkani wuxuu ku soo ururayaa mar kasta oo aynnu leenahay muruqyo badanni waa mar kasta oo aynnu leenahay qolal aynnu ku kaydin karno sonkorta ,waana mar kasta oo aynnu reebi karno sonkorta dhiigga la socota , taas oo innaga caawinaysa in insuliintu ay hoos u dhacdo , isla markaana aynnu joogtayn karno heerka insuliinta jidhkeena innaga oo ku soo dabbaalayna xaald degenaansho ah.
Haddaba, tiiyoo ay jirto xalad insuliin caabbis ahi, muruqyadu waxa ay ku jiri karaan xaalad insuliintoodu hooseyso , had iyo jeerna waa xubinta koowaad ee uu insuliin caabiskiu ugu hor saameeyo . Intaa waxa dheer, insuliin caabbisku waxa uu farogelin ku sameeyaa shaqadii muruqyadu qaban lahaayeen, wuxuuna hoos u dhiggaa awoodda muruqyada iyo firfircoonaantoodaba.
Diciifitaanka Muruqyada
Sakrobiiniya ayaa loogu yeedhaa xaalddan ay muruqyada qofku liciifayaan ee uu gabowgu dabada ka riixayo , qiyaas ahaan boqolkiiba hal (1%) ayaa talax gaba xubnaheena sannad kasta oo dhallinyaronimada ka dib ah , ama boqolkiiba hal ka mid ah awooddooda ayay lumiyaan sannad kasta oo oo uu qofku da’ sii noqdo . Caadi ahaan , in muruqyadu diciifaan waxa ay ka mid tahay gabowga , taas oo ay sabab u yihiiin isbedelo badan oo dheecanada ku yimaaddaa, sida dheecaannada koritaanka iyo andarajiinka . Laakiin mararka qaarkood muruqa waxaa ku iman kara khalkhal wuxuuna la qabatimayaa insuliinta , oo wuu ka jawaabi waayayaa insuliintii uu ka jawaabi jirey , sidaa darteed muruqu wuxuu waayayaa koritaankiisii caadiga ahaa .
Dhanka kale haddii aynnu ka eegno , si muruqu usii jiro ama uu u koro wuxuu soo saaraa booratiino badan oo uu ku bedelayo booratiinada uu luminayo .Balse , haddii uu muquruqu booratiin badan lumiyo oo aanu wax booratiin ah soo saarin xaaladdaasi waxay u muuqanaysaa mid aan haboonayn , maxaa yeelay caadi ahaan muruqu booratiino ayuu lumiyaa kuwo uu ku bedelayo kuwaas uu lumiyayna wuu soo saaraa , laakiin waxa aad u wanaagsan marka uu muruqu soo saarayo booratiino badan ,balsé uu luminayo kuwo aad u tiro yar.
Haddaba, insuliintu waxa ay carisaa in muruqu uu samaysto booratiin, waxayna ka hor tagtaa in booratiinnadu khasaraan, si kastaba ha ahaatee, insuliintu waxa ay muruqa ka caawisaa in uu dhexdheaad ahaadoo oo aanu booratiino badan luminin haddii aanu soo saaraynin booratiino badan .
Waxa suurto gal ah dhammaan in ay isku xidhan yihiin xaaladdahani, waayo muruqyadu way dareemmaan waanay ka jawaabaan insuliinta , sidoo kale , dadka leh insuliin caabbisku xitaa ka hor inta aanay gaboobin waxa ay muruqyadoodu aad u lumiyaan booratiin xad-dheef ah , marka la bar-bar dhigo kuwa ay isku da’da yihiin ee aan insuliin caabbiska lahayn . Si yar oo fudud haddii aan u idhaahdo, isku soo wada xoori oo haddii aad leedahay insuliin caabbis waxa kugu adkaanaysa in ay muruqyadaadu koraan,sidoo kale haddii ay xaaladdani kugu timmaaddo waxa ay muruqyadaaduna u itaal dareyn doonaan sida dadka waayeelka ah.
Muruqyo-xanuun
Muruqyo xanuunku waa mid ka mid ah xanuunnada ugu caansan, waana xaalad uu qofku dareemayo xanuun aad u daran oo muruqyada ka haya , haddii aad weydiisid qof xanuunkani hayo “maxaad dareemaysaa ?” wuxuu kuugu jawaabi “xanuun uun baan dareemayaa “ . Muruqyo xanuunkan waxa u dheer daal, xusuus-lun, iyo jewiga oo ka gedmada. Marar badan waxa dhacda in aanu qofku sharrixi karin sida uu u xanuunsanayo iyo waxa uu ka qaaday, balse qaar-kood waxa ay isku arkaan uun kaddib qaliin ay galeen, xanuun kale oo ku dhacay dabadii , ama jug soo gaadhay kaddib , laakiin kuwo badan oo kale maba laha xaalad cad oo lagu sababeeyo.
Sid kastaba ha ahaate, dhowaanahan dambe diraasado badan ayaa shaaciyey in insuliin caabbisku uu keeni karo muruqyo xanuun. Si aan aad uga fogeyn sidan warbixino caafimaad oo badan ayaa iyagana lagu sheegay in dadka muruqyo xanuunka lehi ay khatar ugu jiraan macaanka noociisa labaad. Intaas waxa dheer , hore waxaan u soo sheegay in nsuliin caabbisku uu waxyeello u geysan karo hab-shaqeedkii muruqyada,halka insuliinta dhexdhexaadka ahi ay door muhiim ah ka qaadato caafimaad qabka muruqyada iyo joogtaynta awooddooda . Si ka duwan sidaas , muquryadeenu waxa ay noqon lahaayeen kuwo bilaa faa’iido ah haddii aanay lahayn qaab dhismeed adag oo u sahla in ay dhaqdhaqaaqaan , qaabdhismeedkaasna waxa siiya ama u sahla lafaha iyo kalagoysyada jidhkeena.
Inusliinta iyo Lafaha
Lafaheenu waxa ay inoo qabtaan shaqo ka badan keliya in ay qaab dhismeed inoo yeelaan , taas oo ah in ay inoo ogollaadaan in aynnu istaagno isla markaana dhaqaaqi karno . Sidoo kale, waxa ay gaashaan adag u yihin xubno-gudeedyada jidhka , waxa ay kaydiyaan macdanaha , waxayna soosaaraan dhiigga cas iyo ka cadba .
Sidii muruqyadu ay ugu baahnaayeen booraatiinka badan oo kale , lafaha caafimaadka qabaa waxa ay u baahan yihiin in la joogteeyo macdanahooda , marka ay saarayaan macdanihii gaboobay iyo marka ay dalbanayaan macdano cusub ba . Hawlgalkan, waxa ku lug leh laba unug oo la kala yidhaahdo ostiyobalaasti iyo ostiyokalasti. Ostiyobalastigu waa unuga ka masuulka ah koritaanka lafta iyo samaysanka lafta qaybaheeda cusub, halka uu ostiyokalaastigu yahay unuga ka masuulka ah beddelida qaybaha lafta ee gaboobay. Labadan nooc ee unugyada ahi waxa ay si joogto ah oo wada jir ah uga masuul yihiin joogtaynta caafimaad qabka lafaheena.
Haddaba, lafuhu si toos ah ugama jawaabaan insuliinta sidii muruqyada oo kale, sidaa daraadeed wax xog ah oo saxan lagama hayo in ay la qabatimaan insuliinta oo ay noqdaan kuwo insuliin caabbis ah iyo in kale . Si kastaba ha ahaatee, waxa aynnu sahan ugu jirnaa sidii xog badan looga heli lahaa, waxaana dhowaan inoo caddaatay in ay insuliintu masuul ka tahay joogtaynta miisaanka lafaha. Wada shaqayn ayay la leedahay insuliintu labadan unug ee ostiyobalaastiga iyo ostiyookalaastiga , maxaa yeelay waxa ay insuliintu xanibtaa shaqada unuga ostiyokalaastiga taas oo hoos u dhigaysa in la qashin saaro qayb lafta ka mid ah , waxayna sidoo kale kordhisaa koritaanka lafta , sidaas darteed waxay ka hor-tagtaa in lafuhu ay miisaan ahaan hoos u dhacaan.
Hoos U Dhaca Miisaanka Lafaha
Qaar badan oo inaga mid ahi way maqleen xaaladda ay lafuhu khafiifaan ee ay nuglaadaan . Mararka qaarkood lafuhu way khafiifaan uun laakiin ma nuglaadaan oo awooddoodi hore ee xoogga ahayd ayuun baa in yar oo ka mid ahi is dhintaa. Haddaba, tiiyoo la doonayo in la ogaado sababta ayay cilmi-baadhyaal badani isku deyeen in ay sahamiyaan saamaynta uu insuliin caabbisku ku yeelan karo caafimaad qabka lafaha iyo miisaanka jidhka. Ha noqdaan lafuhu kuwo miisaan ahaan ka culus ama yaanay ka cuslaan baruurta iyo muruqyada’e , jidhka hilibka badan lihi wuxuu leeyahay lafo waaweyn; insuliin caabbiskuna wuxuu xidhiidh la leeyahay baruurta aadka u badan.
Intaa waxa dheer, caddaymo xooggan ayaa shaacinaya in dadka leh insuliin caabbisku ay yeelan karaan lafo miisaan ahaan dhex dhexaad ah ama waaweyn oo ka waaweyn intii caadiga ahayd , kuwaas oo noqon kara natiijo la socota hilibka badan ee u kordha qofka , waxaana sidoo kale suurto gal ah in miisaanka laftu uu hoos ula dhaco miisaanka jidhka sidoo kale ay lafuhu yeeshaan dil-dilaac. Weli ma jirto dood cad oo ay cimi baadheyaal ku cadaynayaan xidhiidhka ka dhexeeya caafimaad qabka lafaha iyo insuliin caabbiska, waxaana sidoo kale ay war bixino badan oo caadimaad inoo shaacinayaan natiijooyin kala duwan oo arrintan ku saabsan .
Si ka duwan sidaas, misaanka lafuhu wuxuu astaan muhiim ah u yahay xanuunka daran ee kansarka dhuuxa ku dhaca. Dadka leh kansarkan dhiigga ayaa markaaba ka dhammaada oo waxa ay u baahan yihiin in marwalba dhiig lagu shubo ama dhuuxa lafaha laga bedelo tiiyoo qofka dhuuxiisa lagu bedelayo dhuux qof kale. Koox cilmi baadheyaal ah ayaa isku dayay in ay fahmaan dadka misaanka lafahoodu hoos u dhaco iyo kuwa aanu hoos u dhicin marka dhuuxa laga bedelayo, waxaanay ogaadeen in daka leh insuliin caabbisku ay waajahaan xaalad uu hoos u dhac ku iman karo miisaakii lafahaooda, marka loo eego kuwa aan lahayn insuliin caabbiska. Heerka insuliintuna waa qodobka keli ah ee lagu kala saari karayo kala duwanaanshaha labadan kooxood u dhaxeeya.
Carjowda Oo Dhammaata
Halka lafta caafimaadka qabtaa muhiimadda ay u leedahay nolosha tayada leh aynnu aad garowshiiyo uga bixnay, haddana waxba may tarteen laf aan lahayn kala-goys ay ku dhaqdhaqaaqdo oo caafimaad qaba. Xiliyadii horre carjowdu marka ay dhamaato waxaa loo fahansaanaa in ay tahay natiijo ka dhalatay miisaanaka badan ee qofka , laakiin waxa imika la soo fahmayaa in ay tahay natiijo la xidhiidha habka dheefshiidka iyo cunto-qaadashada jidhka oo ay masuul ka yihiin dheecaano ay ku jirto insuliin. Dad badan oo miisaankoodu sareeyo oo cilmi baadhis lagu sameeyay ayaa la ogaaday in kuwa carjowda lafahoodu dhammaatay ay yihiin kuwa insuliinta jidhkoodu xoogga u badan tahay .
Qaybta ugu mihiimsan ee kala-goysyadu ay ka kooban yihiin waa carjowda ; carjowdu way jilicsan tahay , waala leex-leexin karaa , lafahana waxa ay kaga naban tahay xaga dambe iyo afkaba . Sidoo kale, unugyada ugu waaweyn ee carjowda waxa loogu yeedhaa kondarosaytis, waxaynna ka jawaabaan insuliinta. Si la mid ah sidaas, waxa ay unagyadani masuul ka yihiin joogtaynta iyo isku dheelitirka iyo samaynta dahaadhka carjawda ee loo yaqaano matrikiska, oo ka samaysan walxo u baahan sonkor badan, sidaas darteed marka ay timaaddo xaalad insuliin caabbis ah kondarosaytisku masii joogtayn karaan dayactirka iyo samaynta matrikiska, waxaana dhacaysa in ay carjowihii laciifaan ama khafiifaan .
Walaxda kale ee muhiimka ah ee uu kala-goysku ka samaysan yahay waa “xaydh” dhareer ku jira kala-goysyada. Dhareerkan waxa sameeya unugyo khaas ah oo loo yaqaano sinofiyosayt, waana sidii kondarosaytyada oo kale oo waxay kalagoyska ka caawiyaan in uu shaqadiisa si habsami ah u guto . Balse , marka ay sinofiyosaydyadu dareemaan insuliin badan , way yaraadaan , waxaana hoos u dhaca soo saaristii lasoo saarayay dhareerkan , sidaas dared waxa xaydhan ama dhareerkan la aantiis dhacaya in ay lagfaha iyo carjowdu is xoqaan. Carjow dhammaadka iyo roomadiisanka waa in aan la isku khaldin! Maxaa yeelay roomadiisankuba waa xanuun soo jitaama oo ku dhaca kala-goysyada . Waxaanay iskaga mid noqon karaan xanuunka, balse roomadiisankuna wuu ku sii hano-qaadi karaa /xumaan karaa insuliin caabbiska.
Kal-goysyo Xanuunka
Kala-goysyo xanuunuku waa xaalad ay qofka xanuunayaan kala goysyadu kuwaas oo uruurinaya yuurig aashito . Kala-goysyo gaar ah ayuu xanuunkani badanka saameeyaa , sida addimada, lugta ( gaar ahaan suulka cagta ) curcurrada , faraha , iyo anqowga.
Yuurig –aashitada waxa caadi ahaan laga soo dhiiqa kelyaha waxana la soo raaciyaa kaadida , waana qashin loogu talo galay in jidhka laga saaro sida uu magacuba tilmaamayo . Si kastaba ha ahaatee, insuliin caabbiska ayaa bedela hab-socodkan yuurik aysiidha loo qashin saaro, oo kelyaha ayaa uruuriya, halkii ay ka qasin saari lahaayeen.
Ka dib dhiigga ayay ku badataa yuurik aashitadu waxayna fadhiisata dhammaan xubnihii aan sadarrada kore ku xusay, waxayna keentaa halcasho iyo xanuun , sidoo kale way bararaan kala goysyada ay ku uruurtaa oo waxay noqdaan qaar cas-cas oo dhiig-roor ah , waana xaaladda lagu garto kala-goys xanuunka.
Guntii iyo gebo-gebadii , muuruqyadeena , lafaheena iyo maqaarkeenuba waxa ay isku yihiin hal shay oo la isku yidhaahdo jidh . Waxaanay dhammadtood u baahn yihiin ama jidhkeenu u baahan yahay in insuliintu ay ahaato dhexdhexaad, isbedel taban ayaana ku imanaya haddii ay isbedesho insuliintu.