Faa’iidada iyo khasaraha ka iman kara maalgashiga tooska ah ee heer caalammi: DP World in Somaliland (WQ: Rashiid Odowaa)

Marka aynu qeexaynoo maalgashiga tooska ah (Foreign Direct Investment FDI)maalgashiga tooska ah waxa lagu micneeyaa marka ay Shirkad ka mida Shirk adaha waaweyn (MNC) ay maal gashato waddan aan ahayn waddankooda, muddo Sannado faro bad an ah,Sida maalgashiga ay shirkadda DP world oo kal e hadda ay Somaliland ka waddo,iyadoo 51%shirkadda DP worl ay qaadatay maalgashiga.

Maalgashiga aan tooska ahayni(Indirect Foreign Investment (IDFI) wuxuu yimaaddaa marka shirkad meel ama waddan kale ay maalgashigeeda ku marti qaaddo shirkad ama waddan kale inuu Qayb ka sii qaato waana Sida Ethiopia imika loo siiyay 19% maalgashiga dekedda Ber-Bera ee Somaliland.

Waa wax caadi ka ah Adduunka, horumarka adduun ka ka jiraa wuxuu ku yimaddaa maalgashi,iyo ganacs iga oo is dhex gala,mana dhici karto inuu waddan yidhaa anigaa kaligay is bixinaya,Somaliland oo aan Aqoonsi lahayn iyada hadalkeedaba daa,waayo iyadaa u baahan inay ka baxdo Go doonka,hab kasta iyo farsamo kasta oo ay maalgashi ku abuuri karto waa arrin loo baahan yahay,Sidaas ayay Somaliland oo ah ta iyada loo dhisayo dekeddu ay ku qaadatay 30% heshiiska ayaana sidaas ku dhamaaday.

Tusaale ahaan haddii ninka farsamo yaqaanka ah uu u furmi waayo Bool wuxuu adeegsadaa Baanad ka qaro wayn ama halka uu boolku ku Xidhanyahay ka soo furi karta,Sidaas darteed waa arrimo u baahan farsamo(Mechanism)marka ay noqoto Diplomasiya dda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah,marka ay rabto Somaliland inay ka tallaabsato caqabadaha Aqoonsi la aanta iyo hadallada kaga soo Duulaya Xukuumadda Taagta daran ee Muqdisho,waa arrinsaxa in lagu dhiirrado maalgashiga noocan oo kale ah.

Somalia ha iska hadasho waligeedba ee iyada wax ba yaan la isku mashquulin ayaan odhan lahaa,maadama aanay lahayn xayndaab hadalkeeda kala soocaya oo xattaa aanay sugaynin waxa ka soo bixi kara wada hadalka,loo ballansan yahay oo ay iyadu durbaan ka garaacanayso meel cidlo ah oo aan garowshiiyo u oollin.

Sidaas oo ah tahay haddana waxa loo bahanyahay in si dhow loola socdo wixii faa’iido darro ah ee ka iman karta Cidda maalgashatay waddankaaga waxad ku dadaalaysaa in aad faaiido ka hesho sidoo kale waa in la yareeyaa khasaaraha ay keeni karaan,ama wixii dhib ah ee ka iman karta Guud ahaan,waxana muhiim ah in ku talo galkeeda la yeesho.

Maxaa faaiido ay keeni karaan maalgashiga tooska ahi (FDI)

Faaiidooyin badan ayaa ku hoos jira maalgashiga iyo Xidhiidhka caalamkaba,dhaq dhaqaaq kastaa wuxuu dhaamaa inaad gacmaha laabato,guud ahaan markaan soo Ururino arrimahan ayaa laga faaiidaa maalgashiga waxana ka mid ah;-

1-waxa kor u kici kara heerka shaqo abuur ee waddanka waxana kordhaya xidhiidhka waddanku la leeyahay Dunida kale,

2-waxa kordhi kara waxbarashada iyo tababarrada

3-waxa kordhi kara Cimi baadhista,Technologiyada iyo Horumarka,

4-waxa kordhaya dakhliga cashuuraha

5-Waxa kordhaya maaliyadda kaydka ah

6-waxa kordhaya dhismayaasha iyo kaabayaasha Dhaqaalaha,(Infrastructure)

7-Waxa kordhaya Suuqyada ganacsiga Xorta ah ee waddanka,

Maxaa khasaare ay keeni karaan maal gashiga tooska ahi

Waxaynu eegi doonnaa dhibta ay keensan karaan maal gashadayaashu waxynu ka xusi donna qodobbo dhowr ah.

1-Waxay keensan karaan shaqaale ay dibadda ka keensadaan,iyagoo ka eegaya xagga qiimaha halkii ay ahayd inay waddanka ay martida u yihiin ka shaqaalaysiiyaan,

2-Shirkadaha waaweyn qaarkood ayaa Dowladaha ka awood badan xag dhqaale iyo xag Siyaasadeedba waxayna ku samayn karaan dalka (Domination)ama Shiiqin.

3-(Practice of transfer Pricing)Qiimaha oo ay bed bedelaan iyagoo Xirfad iyo Aqoon sare oo waayo aragnimo leh,sabatu waxay tahay shirkaddu waxay ku ilbaxday adduunyada hore u martay,mararka qaarkood cashuurta ayay yaraynkaraan meelaha qaar ay dantooda u arkaan lkn aan dan u ahayn waddanka Siiba waddamada soo koraya.4-Waxay dhibaato u gaysan karaan Deegaanka sida hawada oo ay ku sameeyaan Dikhow ama Pollution

5-Waxay qaadan karaan khayraadka dabiiciga ah ee waddanku leeyahay,

6-Waxay saamayn ku yeelan karaan dhaqanka umadda.

Maxaa la gudboon xukuumadda  Somaliland

Haddaba haddii is bar bardhig lagu sameeyo waxa hubaal ah in faaiadadu badantahay,hase ahaattee waa muhiim in si feejignaani ku jirto loola socdo,iyada oo aan waxba loo dhimayn xorriyadooda waana in la helaa guddiyo labada dhinac ah oo ka wada shaqeeya howlaha socda mar walba,la islana qiimeeyo hadba waxyaabaha aan lagu talo gelin ee soo baxa (Contingency theory) waa inuu jiraa Qodobo tilmaamaya in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabaha qaarkood haddii loo baahdo.

Iyo in la dhowro shuruucda la kala qortay laguna dadaalo sidii uu u noqon lahaa sharci buuxa oo taabbo gal ah.

Shirkadda maxaa waajib ku ah

Companiga ama Shirkadda waxa waajib ku ah inay habka ugu daacadsan ay ula shaqayso waddanka ay martida ku tahay (Host Country),

Sidaas si la mid ah Qawaaniinta Caalamiga ah ee maalgashigu waxay dhigayaan in loola dhaqmo sidii Company ama shirkad waddaniyiin ah oo la mid ah Sida TELESOM ama SOMTEL.

Waxa kaloo xaaraan ah in hantidooda qaab khasab ah lagula wareego (Expropiration) ama lagu dirqiyo waxyaabo aanay raalli ka ahayn.

Rashiid Odowaa

Political Analyzt

Khadarsalaan@gmail.com

O63-4101213