Waxayno wadda ogsoon nahay in aeegayada kala duwan ee habka casriga ah lacagaha la iskugu diro ee Zaadka Iyo E-dahabku ay door weyn ka qaateen horumarka ballaadhan ee Somaliland ku talaabsatay geeskasta, iyadoo ay adeegyadaasi fududeeyeen in uu qof si hawlyar lacag ugu diro dhammaanba deegaanada kala duwan ee Somaliland iyadoo aan wax khidmad ah laga qaadayn isla markaana ay si deg deg ah u gaadhayso lacagto meeshii loogu talo galay markiiba.
Haddaba Xukuumadda Kulmiye iyada ayaa abuurtay sicir bararka markaa ma haboono in ay sicir bararka ay iyadu abuurtay ay kula gal-galo shirkadaha la mahadiyey ee shacabku u adeegaya ee Dahabshiil iyo Telesom.
haddii aan hal Tusaale ka soo qaato faa’iidada Zaadka iyo E-dahabka u leeyihiin bulshada , waxa inagga filan, tusaale reer guuraagu ama xoolo dhaqatadu marka ay ka guuraan halkii ay deganaayeen ee ay meel kale u hayaamana, waxay sitaan telefoono iyadoo ay la xidhiidh cidii dhaqaale u haysay, isla markaana ay meesha ay tagaan-ba laacagta loogu soo dirayo Zaad ahaan ama E-dahab ahaan.
Waxa kale oo tusaale inoogu filan xiligan abaarta in dadka hayaama ama haajiray ay badanaa ku tiirsan yihiin lacagta loogu diro adeegayda Zaadka iyo E-dahabka, odhaaha aan ka guntay oday reer miyi ah dhawaan ayaa waxay u dhignayd sida tan:
“waxaan dareemayaa lacag la’aaan ee ZAAd shan doolar ama shilin Soomaaliland oo aan ku shaaho isoo dira.”
Xaqiiqdii si fudud buu u helay xawaaladna ma yaqaan tuulo geed hoostii ayuu raashin iyo shaah uu NAFTA Ku qabto kaga iibsanayaa adeega Zaad ama E-dahab doolar ama shilinka Somaliland, waxaan ku soo gunaanada adeegyada Zaadka iyo E-dahabka waa la mahadiyey runtii.
Ganacsade Calinuur xuseen gahayr “Cali Dareen”)