Faallo kooban: Buugga beerta xayawaanka (WQ: Axmed Cali Dirir)

Hordhac:

Buugga la magac baxay”Beerta Xayawaanka”wuxuu ka mid ahaa buugta maqalkoodu iiga horreeyey araggooda.Dhawr jeer ayey dhegaha iga ga soo duushay sheekada Beerta Xayawaanka oo siyaabo kale geddisan dadku u adeegsanayaan ama isugu hogatusaalaynayaan.Hamuum ayaan u qabay in aan buuggaa mar akhriyo oo aan ka nasto baadidoonkiisa.

Sannadkii 2015 dabayaaqadiisii ayaan sheekada “Animal farm” nasiib u helay in aan ku akhristo iyadoo”PFD” ku daabacan,dabadeed waan dhex mushaaxay oo ku daansha-daanshooday anigoo dhadhansanaya qaabka ay sheekadu u socoto iyo farriinta ay gudbinayso.Mar labaad iyadoo maanka qaybta wax kayddisa iigu duuban tahay ayaan la kulmay filim laga jilay sheekadaa oo aan isaga na daymada ku idlaystay.

Mar saddexaad anigoo xasuusaha sheekadaa la nool ayaa waxaa la yaab igu noqotay mise i faraxgelisay markii aan arkay sawir uu soo dhigay sawirqaade Yusuf Dahir Baraha bulshadu ku kulanto,sawirkaas oo iftiiminayey buuggii oo ku qoran Afka hooyo.Ma fileyn in buugga la tarjumay,balse xaqiiqda gadaal ayaan ka ogaaday.Iyadoo xiisaha sheekadaa aan u qabey waxba iska beddelin ayuu buuggii si dhibyar gacantayda u soo galay, oo muddo kooban aan kaga haagay.Dabadeed waxaan jeclaytay in aan halkan idiinku xarriiqo qaybaha sheekada ugu muhiimsan.

Buugga waxaa qoray” Eric Althor Blair”oo xagga qoraalka lagu garan ogaa Georg Orwell.Qoraaga buuggu wuxuu ka mid ahaa qoraayadii ugu caansanaa qarnigii tegey.Wuxuu allifey sheekooyin masraxeed farabadan oo dunida saamayn ku yeeshay.Sheekooyinkaa uu curiyey waxaa ka mid ahaa;Animal farm,Ninteen Eight four,Shooting and Elephant,Homege Catalonia,Keep the Aspidistra Flying iyo qaar kale oo badan oo markii danbe loo beddelay filmaan.

Georg Orwell asalkiisu wuxuu ahaa Ingiriis,balse wuxuu ku dhashay 1903-dii waddanka Hindiya oo xilligaa Ingiriisku guumaysan jirey.Waxbarashadiisa wuxuu ka bilaabay carriga ingiriiska Dugsigii lagu magacaabi jirey Eton Collage.Georg Orwell markii uu dhammeeyey Dugsiga sare wuxuu noqday Askari naftiise hure ah oo ka soo dagaallamay waddammo badan.Muddo ka bacdi wuxuu noqday macallin iskuul.Aakhirkii wuxuu ku danbeeyey Weriye ka hawlgala idaacadda”BBC”iyo Qoraa dunida laga xiiseeyo qoraalladiisa.Georg Orwell waxay qoraaladiisu u badnaayeen sheeko faneedyo siyaasadaysan oo xanbaarsan afkaarihii kala duwanaa ee dunidu ku hirdamaysey.George Orwell 1950 ayuu u geeriyooday cudurka Qaaxada ee”Tuberculosis” isaga oo da’diisu 46sano tahay.

Sheekada aynu faallada ka bixinayno ee” Beerta Xayawaanka”Waxay soo baxday 1945kii waxaa la sheegaa oo meelo badan lagu qoraa in uu uga jeeday Orwell dhacdooyinkii siyaasadaysnaa ee keenay kacdoonkii midawgii soofiyeeti ee aakhirkii ku danbeeyey keligii taliska.Sheekadani waxay ku wareegaysaa beer xayawaan ku xaraysnaa sida cinwaanka buuggu tilmaamayo.Xayawaanku gebi ahaan waa ay hadlayaan sida Binu Aadamka.Waana shaqaysanayaan,ismaamulayaan oo aakhirka dawlad dhisanayaan.Qoraagu wuxuu Xayawaanka kalasiinayaa derejooyin kala geddisan.Qaarkood sida dhaqankoodu yahay ayuu meel sare joojinayaa.Qaar fariidnimo ku tilmaamayaa,qaarna nacasnimo ficilladooda laga dheehan karo,qaarna daacadnimo,balse Soomaalida dhaqankeeda aan la qummanayn haddii lagu fiiriyo.

Buugga”Beerta Xayawaanka”waxaa loo turjumay luuqado badan oo adduunka ah.1976-kii ayuu Maxamed Yuusuf Cartan (AHN) buugga u turjumay far Soomaali isagoo sifo sharci ah u maraya.Habka sheekada uu u tarjumay ama uu u tidcay,xeeladaha uu adeegsanayo iyo hodantimada afeed ee uu adeegsanayo ayaa ku soo jiidanaya,walaw xagga higgaadda qaabqoraalka aanad jeclaysanay.Waayo xilliga uu tarjumay qoraagu oo aad u fogaa iyo habka shibbanayaasha labanlaabma oo aan la isla meel dhigin xilligaa ayaad ka dheehanaysaa oo weliba la ashqaraaraysaa.

Qoraaga buuggu wuxuu qabaa in xarfaha farta Soomaaligu dhammaantood labalaabmaan,marka laga reebo xarafka “K”-da iyo xarafka” T”-da wuxuuna keenayaa tusaalayaal uu u cuskanayo aragtida uu qabo.Qaar kamid waa ay ina la jaanqaadayaan,balse qaar kamid aragtidiisa ayaan maanta suuroobayn in la adeegsado.

Waxaa la sheegay buuggu markuu soo if baxay in uu ka hor yimid Kacaankii Maxamed Siyaad Barre ee talada dalka maroorsaday.Wuxuuna ka mamnuucay in dalka la keeno.Waayo xilliga la tarjumay iyo xilliga kacaanku waddanka taladiisa maroorsaday ayaa isku aaddanaa.Qoraaga sheekada tarjumaya laftarkiisu waxa uu uga jeeday kacaanka.Odhanmaayo sidii buuggu u qorraa ayuu u turjumay,ma na odhanayo wax buu dheeraysiiyey,laakiin waxaan leeyahay sidii ugu macquulsanayd ayuu u soo turjumay.

QAABKA BUUGGA:

Buugga jeldigiisa midabbo badan ayaan ku arkay,maaddaama la turjumayo qof waliba midabkii uu jeclaa ayuu ka dhigtay,qaabkii uu doono na uu u ekaysiiyey.Buugta aan arkay ee afafka qalaad ku qorani waxay ka sinnaayeen jilaaga ama atooraha sheekada oo ah Doofaarka,dhammaantood dusha ayuu kaga sawirraa,qaarkood wershad ay xayawaanku dhisanayaan oo ubucda buugga aynu ugu tegeyno ayey jeldig ku sawireen.Magaca George orwell’na dusha sare ayey kaga sharraxeen.

Buuggan aynu gacanta ku hayno kuwaas badan ee la tarjumay ayuu ka mid yahay.Jeldigiisa sare dhabanka midig waxaa ku qoran”Beerta Xayawaanka”oo far waaweyn ah.Waa ay is dabataallaa oo waxaa sarreeya”Beerta”waxaana danbeeya”Xayawaanka”kala sarreyntaasi waa qurux ayaan u fahmay,waayo haddii laysku xejiyo waa ay dheeranaysaa oo qaabdarraanaysaa.Salka buugga waxaa ku qoran iyana”Beerta xayawaanka”taas oo sahlaysa marka uu marfishka buugaagta saaran yahay in sifiican loo arko oo buugaagta kale ka soocmo.Midab guduud ah iyo akhtar ayuu isugu jiraa oo kala sarreeya.Doofaar-diqle gaboobay ayaa dusha kaga sawirran.Magaca”George Orwell” iyo magaca tarjumaha oo la soo gaabiyey ayaa ku qoran “M.Y.Cartan”tolow maxaa loo soo gaabiyey ayaan isweyddiiyey,balse waxaan isku qanciyey malaha tarjumaha sheekada ayaa isna ku caan ah xarfahaa gaabsan ee magaciisu ku qoran yahay[M.Y.Arten]

Dhabanka kale ee buugga waxaa uu leeyahay midab cad waxaana qormo kaga hadlaya Maxamed Yuusuf Cartan(AHN) oo qaabka sheekada kaga sheekaynaya.Jaamac Muuse Jaamac ayaa is na qormo kooban ku tilmaamaya in daabacadan labaad ee tarjumadda sheekada Beerta Xayawaanku kamid tahay taxane cusub oo la yidhaahdo” Isweyddaarsi”taas oo ah silsilad soconysa oo farta afka qalaad ku qoran loo turjumaya afka hooyo,kuwa ku qoran afka hooyana loo tarjumayo afafka qalaad.Sidaana layskuweyddaarsanayo.

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 135 xaashadood.
Waxaa xaashadda koowaad iyo labaad lagu bayaaminayaa meelihii lagu daabacay buugga iyo xilligii la daabacay.Waxa uu qoraagu ka digayaa in aan sheekada buugga la iska la degin iyadoon ruqsad la ga haysan ciddii ka masuulka ahayd.Buugga waxaa 1979kii lagu daabacay dalka Masar.Daabacadda labaadna Mey 2011 ayey Redsea daabacday nuqullo ka mid ah.

UBUCDA BUUGGA

Sheekadu waxay ku bilaabmaysaa qaab aad u heersarreeya,waa qaabka xagga danbe iska macneeya ee kolba xasuusta kugu dila.Sida ay u xidhiidhsan tahayna lama moodo in la tarjumay,waayo ficilkasta oo xayawaan sameeyo waa uu muujinayaa.Bal u fiirso sida ay ku bilaabantay qaybtan hoos ku qoran oo aan xaashida koowaad ka soo jeexay si akhristuhu inoo la jaanqaado iyadoo aanan waxba ka beddelin.

” […]Ninkii lagu magacaabi jirey MR.Joonis ee lahaa beerta lagu magacaabo” Beerta Maanor”ayaa habeennimadii quful kusoo jebinaya Beertiisa,hasa yeeshee khamriga u isku badiyey ayaa illawsiinaya in uu sii xidho daldaloolada laga eego xayawaanka xareysan.Isaga oo kaalmaysanaya waageerka iftiinka faynuuskii uu sitey sameeyey ayuu markaas sii dhacdhacayaa qolqolka.Irriddii danbe ee guriga markii uu gaadhay,kabihii ayuu iska dhilliyey.Haan biir ku jirey oo qolka weyn taallay ayuu markaa ka shubtay Bakeeri,isaga oo is leh kaasi ha kuugu danbeeyo.Bakeerigaa markii uu laacay ayuu ku ciiray sariirtiisa oo afadiisu durba ka sii khuurineyso”

Waxaa iska cad halka ay ka unkatay sheekadu in ay ka muuqato xilkas la’aan Joonis uu ku kacay,balse laga faa’iidaystey.Xayawaanka beerta ku xaraysan oo uu ka mid yahay Doofaar diqle gaboobay oo Mijir loogu yeedhi jirey ayaa xayawaanka shirinaya,shirkaas oo uu maalinnimadii sii shaaciyey.Doofaarku habeennimadii ayuu ku riyoonayaa riyo amakaag leh.Wuxuu u baxayaa meel sare oo fagaaraha ay Xayawaanku tuban yihiin ka mid ah.Hadal dardaaran ah ayuu jeedinayaa,wuxuu kale oo tilmaamayaa in Binu Aadamku xayawaanka dulmiyo oo inta uu ku shaqaysto aakhirkana cuno ama iibiyo.Dulmigaas ayuu ka dhiidhiyayaa wuxuu na xayawaanka xasuusinayaa hees uu yaraantiisii hooyadii ka maqli jirey.Heestaas oo ahayd guubaabin xayawaanka ku kellifaysa in ay kacdoon sameeyaan.Heesta iyadoon dhadhankeedii ka tagin ayuu Maxamed Yuusuf Cartan soo tarjumayaa.Waxaynu qaadanaynaa qaybta hore maaddaama ay heestu dheer tahay.

Iglan xoolaheedoow,
Eerlaan ku weedoow
Idil adduunyada
Oodkasta ku noolow
Akhbaar farax maleeyoo
Aayaheenna dahabka ah
Imaatinkiisa sheegay
Si aad ah u dhegeystoo
Inkastaba ha raagtee
Way iman ayaanoo
Dhibta aadmigaas wado
Afgenbi baa ku dhiciyoo
Iglan beeraheedaas
Anfaacigu ku badan yahay
Aadmiga la’aantiis
Asalkeenbaa u hadhiyoo

Goordanbe ayaa uu soo hambaabirayaa oo qori uu lahaan jirey kor u ridayaa.Xayawaanku waa ay kala dareerayaa.Aakhirkana dagaal ba’an ayey xaywaanku la gelayaan Joonis oo kaga caydhinayaan beerta.Dagaalkaa ay wada galeen ayaa waxaa ku dhimanaysa lax,aakhirkana laxdaa waxaa loo samaynayaa taariikh.Laba maalmood oo taariikhi ah ayey yeelanayaan.Waa maalintii laxdu dhimatay iyo maalintii ay iska kiciyeen ninkii beerta lahaa ee Joonis.Dagaalkaa waxaa billadgeesi lagu guddoonsiinayaa Doofaarkii hirdinta ku dhuftay Joonis oo lagu sheegayaa halyeey.

Laba doofaar ayaa beerta wax lab ah jooga,labadaas ayaa ku loollamaya xilka.Xayawaanku beertii Joonis waxay ka helayaan warqado ay ku bartaan farta ingiriisada ah.Aakhirkiina badidoodii waa ay baranayaan sida wax loo qoro,balse waxaa ku jira qaar qalbacan qaba oo aan kicin karayn xarfaha.Magacii beerta Moonar waxay u beddelayaan’’Beerta Xayawaanka”halkaas ayey xayawaanku.Toddoba sharci oo doofaar-diqle Mijir ugu dardaarmay ku dhaqangelinayaan.

1.Laba addinle waa nacab
2.Afar addinle iyo haaddu waa saaxiib
3.Xayawaanku waa in aanay gashan dhar
4.Xayawaanku waa in aanay ku seexan sariir
5.Xayawaanku waa in aanay cabbin khamri
6.Xayawaanku waa in aanay nafta ka goynin xayawaan kale
7.Xayawaanka oo idil waa siman yihiin.

Doofaar Mijir waa uu geeriyoonayaa,waxaana xilka ku loollamaya labadii doofaar ee labka ahaa.Isnuubar oo ah doofaarkii billadgeesiga la siiyey ayaa aakhirka xerada laga caydhinayaa.Isnuubar wuxuu ahaa doofaar fikir fiican,wuxuu xayawaanka u sharraxay calanka ay yeesheen iyo waxa uu u taagan yahay.Wuxuuna odhan jirey; calankeenna inta cagaarani waxa uu u taagan yahay beeraha Iglan “England”ee cagaaran.Qoobka iyo geeska ku sawirani na waxay u taagan yihiin Jamhuuuriyadda Xayawaanka.Isnuubar wuxuu hindisayey in xayawaanku samaystaan Wershad,balse waxaa diidanaa Doofaarka Naaboliyoon ee talada maroorsanaya.

Bilawgii Jamhuuriyadda Xayawaanku waxay ku dhalatay Jibbo dhammaantoodna waa ay is jeclaayeen,waxna waa ay wada qabsanayeen,balse xilliyadii danbe ayaa la is nacay oo beertii laga dhex arkay xayawaan;xayawaan kale guumaysanaya.Arrintaasi yaab ayey dhalisay.

Halkaa waxaa cad waxkasta oo jibbo lagu dhisaa in aanay riiq dheeraan.Waa na sida loo badan yahay ee dawladuhu ku dhaqmaan.aakhirkana u jebiyaan wixii ay ku heshiiyeen.aan sheekadii ku noqdee Boqorkaa meesha haystaa wuxuu samaysanayaa rag u nacamleeya oo aan ka hor iman.Idaha oo uu ku adkaa qoraalku waxay ku hadaaqi jirtey ereyadan’’Samaa laba lugood,xumaa afar lugood’’waxaa kale oo uu samaystay sagaal ey oo xayawaanka kale cabsi geliya iyo afhayeen Doofaar yar ah oo wuxuu yidhahdaba isagu ku raacaya ilaa xad gaadhsiinaya in ay yidhaahdaan” Boqorku yidhiyaaba waa run”khalad iyo saxba waa ay kula socdaan.

Xayawaanno kale ayaa jirey oo iyaguna iska daacad ahaa oo uu farasku ka mid yahay.Wax walbana ka qaban jirey beerta.Muddo yar ka bacdi ayaa Wershadii uu diidanaa Boqor Naabaliyoon oggolaanayaa in la dhiso,waxaana xayawaanku ka yaabayaan fikirkii uu keenay Doofaarkii la caydhiyey in ay dib u qaateen.Billaddii la siiyey Doofaarkii hore laga la noqday oo lagu tilmaaay shidheeye kalkaal weligiiba Binu aadanka la socday.Xayawaanku waa ay yaabayaan.Wixii la diidi jirey ama la amaani jirey ayaa aad yar oo dhalatay la tirtirayaa.Heestii ‘’Iglan xoolaheedoow” ayaa la beddelayaa oo waxba yahay laga dhigayaa.Shaqaalaha Boqorku waxay xayawaanka ku harawsanaya in heestaasi la qaadi jirey xilli kacdoon socday maantana aan loo baahnayn.

Qodobbadii lagu heshiiyey ee toddobada ahaa waa la beddelayaa,qodobkasta na waa loo samaynayaa cudurdaar.Waxaa la arkayaa boqorkii oo la saaxiibaya dadka oo ka iibinaya Ukunta Digaaga.Halkaas oo uu dulmi kula kacay.Isagoo xayawaan ah oo walaalkii ubadkiisa Binu aadankii la colka ahaa ka iibiyey.Meeye xayawaankii sinnaa? sawtan tii itaalka yarayd durba loo xoogsheegtay! Sawtan qodobkii sinnaanta ka hadlayey loo beddelay”Xayawaanku waa siman yihiin,balse waa kala mudan yihiin”Boqorkii sawkan iska cabbaya khamriga ee ku seexanayaa sariirihii xayawaanka ka mamnuuca ahaa,isagoo odhanaya durraaxadda haku seexananina ayaa loo la jeeday,durrxaadiina waan iska qaaday.

Bal eeg sida uu u mijo habaabinayo.Miyaan xeerarka ay ka mid ahayn”Xayawaanku sariir kuma seexan karo”Qodobkii ahaa xayawaanna,xayawaan ma dili karo ayaa isaga na waa la jabinayaa,waxaana la arkayaa xaywaan la qisaasayo.Ilaa idihii marka ay shirka joogaan ku hadaaqi jirey’’Samaa afar lugood xumaa laba lugood’’ayaa iyagana laga beddelayaa oo la odhanayaa dhaha’’Samaa laba lugood,samaa afar lugood.Magacii beerta xayawaankana waxaa loo beddelayaa magacii hore ee Beerta Mooris iyadoo weli xayawaankii beerta maamulaan!

Halkaas waxaad ka arkaysaa in Binu Aadankii ay ku tilmaami jireen cadaw mannaxaan ah ay ku milmeen.Necaybkii ay dadka u qabeenna waxay ka sii necbaanayaan Isnuubar oo ahaa Doofaarkii aragtidiisa lagu caydhiyey.Xitaa wershaddii ay samaynayeen oo mar dabayli ridday waxay ku tilmaamayaan in doofaarkii ay eryeen habeenkii inta uu u soo dhuunto isagu dumiyey.Xitaa qori uu lahan jirey Joonis ayuu boqorku ka iibinayaan nin beeralay ah oo agtooda degnaa,kaas oo markii danbe iyagii qorigoodii laga iibsaday dib loogu soo weerarayo.Dagaalkaa waxaa mar labaad soo weeraraya Joonis iyo raggii beeraha la deriska ahaa deggenaa.Guul kama ay gaadhin oo xayawaanku waa ay is difaaceen,laakiin dhaawacyo xun xun ayaa soo gaadhay,Wershadoodii ay sanawaadka dhisayeenna waa laga duminayaa iyagoo arkaya.Marka ay dablayda soo weerartay beerta ka baxaan ayaa Eydii ilaalada u ahayd boqor iyo doofaarkii afhayeenka u ahaa odhanayaan “Weynu guulaysanay” waayo waynakaa iska celinay cadawgii.Xayawaanka qaarkii ayey ka daaddegi weyday guusha la sheegayo,waayo nin meeshaadii kugu la dagaallamay oo Wershadaadii aad sanawaadka dhisaysay burburiyey, ayey ku leeyihiin waad ka guuleysateen!

Aakhirka waxaa la arkayaa Binu Aadankii iyo Xayawaankii oo turub wada ciyaaraya.Boqorkii xumaa oo dhexda ugu jira cadawgii oo xitaa sida Binu Aadanka laba farood ku soconaya.Xayawaankii oo badidoodii dhimanayso,beertii oo jiilaal ba’ani ku dhacayo,balse ciddii maamulka u haysay aannay kaba qasnayd,wixii la nici jireyna la jeclaanayo.

GUNAANAD:

Sheekadan “Beerta xayawaanka” marka aad akhrinayso,waxaad isweyddiinaysaa meeye xayawaankii duurjoogta ugu muuqa weynaa sida;Libaaxii,shabeelkii,Maroodigii,Haribacadkii,IWM.Maaddaama beertu ay sidato magacii xayawaanka oo dhan.Farshaxamaystaha sheekadu George Orwell wuxuu isku koobayaa intii ka ag dhawayd.Cimaamadana wuxuu huwinayaa Doofaarrada.

Haddii aynu ku fiirino dhaqanka Soomaalida Geela ayeynu mudnaanta siinlahayn.Libaaxana boqorka xayawaanka ayeynu ku tilmaami lahayn iyadoo xayawaannada kale na martabad kala duwan inoo kala joogaan.Kala duwanaanta dhaqanka ayey taasi ka turjumaysaa,kuma na qasbi karno qofna,waxaan dhaqankiisa ahayn in uu inoo tebiyo ama aynu ku dhaliilno.Qoraaga buuggu na waxa uu tixgelinsiiyey sidii Orwell u dhigay.

Dhanka siyaasadda haddii aynu ka eegno Georg Orwell wuxuu dhisayaa dawlad kacdoon ku bilaabantay oo dulmi lagula kacay ka gadooday.aakhirkiina iyadii dulmigii adeegsatay,wixii kacdoonkii hore ku bilaabmayna iyadu dib u samaysay! Maxaa iskaga eeg Jamhuuriyadeenna barakaysan ee iyadu ba kacdoonka ku bilaabatay,wixii ay shalay ka gadoodayna iyadu dib u samaynaysa!

Run ahaantii sheekadan Beerta Xayawaanku waa sheeko qosol leh oo xikmad ku jirto.Waa sheeko farshaxankeedu aad u sarreeyo.Waa sheeko siyaasadeed wejiyo badan leh oo afkaar kala duwan xanbaarsan.Waa sheeko xilli walba taagan oo aad is odhanaysid malaha hadba waddanka akhristaha sheekadu joogo ayaa loo la jeedaa.Waa sheeko maankobcin ah oo akhristuhu ka faa’iidayo garaad sarreeya.Sheekadu waxay diirrada saaraysaa dadka madaxda ah qaarkood,kuwaasoo ku kaca Eexd,qabyaalad,sinnaan la’aan,nin jeclaysi iyo cadaawadda ay dadka ku beerayaan wixii aaan la aragti ahayni in ay yihiin cadaw.Inta badan na waddamada kelitalisku haystaan ayaa laga arkaa.Waddamada aan doorashooyinku ka qabsoomin oo iyagu ba iska ah” Dictatorship”ayaa ficilladaa iyo qawaaniintaa la burinayo ee hadba si loo dhalanrogayo laga arki karaa.

Ugu danbayn waxaan u soo jeedinayaa ciddii ku shaqa leh ama fasax u haysata soo saaridda buugga in ay nuqulladiisa oo aad u kooban ay kordhiyaan si uu u gaadho Soomaalida dalka iyo dunida kale ku dhaqan.waxaana aan odhan lahaa sheekadan buugga Beerta Xayawaanka ee uu tarjumay M.Y.Cartan(AHN) waa sheeko muhiim u ah dhallinyaradu in ay akhristaan,si ay uga dheehdaan waxyaabo badan oo daaha la saaro.Waxaana habboon in ay u huraan iibsiga buugga oo gorfeeyaan,falanqeeyaan,kana doodaan.wixii ay kala soo bixi karaanna ka qaataan iyagoo si togan iyo si taban ba u fiirinaya.

Dhammaad.