1)Hordhac Faalada:-
qoraalkaygu igama aha in aan Maagayo Masuulka uu khuseeya ee waa in aan tuso in dadka ku Jiro muwaadin la xisaabtamaya masuliyiinta shaqaalaha ugu ah cashuurta uu bixiyo. Anigu xaqbaan u leeyahay in aan la xisaabtamo masuul kasta oo dawalada ka tirsan ee adigu hadaad marti ku tahay oo aad xaqaagaga ka martido masuuulka adiga kuu shaqeeya waliba aad amaan iyo is-xilqaan ugu darayso. Qalinbaaa Kalkii Galay,
Aniga oo ku eegaya indho-abwaan tiknoolojiyeed ee casrigan isticmaalka aqoonta tiknoolajiyadu tahay xudunta horumarka nolosha dadka iyo dhaqan-dhaqaalahooda.
Siyaasada dawlada ee ICT-da waxa aan ka akhriyey buug-yare kooban oo lix iyo toban bog ah. Tusmada buuga sida ku xusan waxa loo hormayeeyey sagaal cutub oo sidan u kala horeeya :-
1)Hordhac
2)falaqayn xaalada guud ee ICT
3) Caqabadaha ka jira ICT-da dawlada
4)Hamiga Siyaada ICT-dawlada
5) maamulka tiknoolijiyad casri ah
6) Halbeegyada iyo hagayaasha ICT-da dawlada
7) Amniga Xogta
8) Cilmi baadhista iyo Horumarinta ICT-da
In kasta oo aanan xogogaal u ahayn in ay jiraan midabo iyo far-qoraalo ay xukuumada ugu talo gashay dabaacadaha bugaagta dawlada iyo xog-sidayaasheeda lakin bug-yaraha waxa jaldi u ah labada midab ee akhtarka iyo buluuga ah, oo ay ku weheliyaan astaanta qaranka sawirkeeda iyo sadex (Jigsaw pussle ah oo isa-sudhan). Qoraalka bogoga guduhu wuxu isna ku daabacan yahay midab boor-dhalaal ah, fartu tahay (Calibri 12) iyo midab Akhtar falaadh gudubani ku xayndaaban tahay oo lagu qoray cinwaanada cutubyada iyo tirsimaha buug-yaraha.
Kelmada wasiirka oo boga labaad ku qoran aya wuxu ku tibaaxaya in ay tahay markii kowaad ee Somaliland cugatay in ay taabo-galiso siyaasad suuraynaysa hab-adeegsiga ICT-ga ee laamaha dawlada kala duwan. Waxa kale oo wasiirku sheegay in siyaasada ay bud-dhig u tahay cilmi baadhis ay wasaaradu samaysay iyaga oo kaashaynaya kuliyada ICT-ga ee jaamacada Hargaysa. Waxa kale oo isna xusay ujeedooyinka iyo hadafka laga leeyahay samaynta siyaasadan ay tahay in la helo teknoolajiyad tayadeedu sarayso, in la xakameyo kharashka ku baxa, ilaalinta bedqabka xogta dawlada, ilaalinta agabka kaydinta xogta dawlada, xoojinta isku-xidhnaanta dawlada, horumarinta ICT-ga dawlada oo cilmi hagayo iyo kobcinta shaqaalaha ICT-da dawlada.
Wasirku wuxu hoosta ka xirdhayaa in siyaasadani xooga saarayso sidii loo shiniyeyn lahaa halbeegyo iyo hageyaal cilmiga ICT-ga ku qotoma, tayeynta maamulada ICT-ga ee dawlada, maaraynta mashaaricda ICT-ga dawlada, horumarinta aqoonta ICT-ga dawlada iyo gogal-xaadhka Hirgalinta dawlad ku shaqaynaysa hab electaroonig ah (E-government). Waxa uu wasiirku ku gunaanadayaa kalmadiisan mahadnaqa kuliyada ICT-ga ee Jamacada Hargaysa, mahadnaqa shaqaalaha wasaarada iyo in siyaasadan la hor keenay wasaarada Golaha Wasiirada. Waxa xiga in boga afraad ay kaliya ku qoran yihiin sadex eray soo gaabintood oo kala ah in WIT u taagan tahay wasaarada isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada, ICT- tecknoolijiyad casri ah iyo PPP oo u taagan Public private partnership.
2) Naqdin iyo Guud-marka cutubka koowaad
Cutubka kowaad ee hordhaca waxa la xusay in daraasadii ay sida wada jirka ah u sameeyeen WIT iyo kuliyada ICT Jaamacada Hargeysa uu daarnaa in lagu ogaado isticmaalka laamaha dawladda laguna ogaaday:- 95% laamaha dawladu aanay lahayn miisaaniyad loogu talo galay, 76% shaqaalaha dawladu aanay ku qalabsanayn agab ICT, 62% laamaha dawladu aanay lahayn waaxda ICT-ga iyo 77% laamaha dawladu aanay lahayn wax ilaaliya bedqabka xogtooda. Waxa intaa la raaciyey in hadafka siyaasadani ka duulayso gol-dolooloyinkaa daraasadu sheegtay.
Bal hadaba inaga oo dul joogsanayna cutubka koowaad iyo ka akhriste ahaan qodobada ka maqan ee aan tabayo in ay qumaynayd in lagu sheego cutubkan kowaaad. Horta erayga wasiirka fariimaha uu soo gudbiyey waxa wacnayd in lagu muujiyo tixraaca laga helayo warbixintii daraasaadka oo dhamaystiran. Waxa kale oo iyadna is-maandhaaf keenaysa sidii la isku ogalaysiinayo mida horaynaysa diyarinta siyaada maamulka ICT-ga laamaha dawlada iyo diyaarinta Hindisaha guud ee qaranka ee isticmaalka tiknoolijiyada. ( Somaliland National ICT strategy). Fariinta wasiirka ma qeexinta kaalinta cilmi baadhista ee kuliyada ICT-ga iyo ta wasaarada. Cilmi baadhistu ma mid ay mutadawaceen iyo in miisaaniyadi ku baxday iyo laanta wasaarada daraasada waday. Waxa kale oo fariintan uu wasiirku anaay iftiimin in golaha wasiiradu ansixiyeen iyo in kale. Waxa kale oo iyadna u muuqata in la dhayalsaday in la cadeeyo mudada dhamaystirka siyaasadani ku qaadatay wasaarada.
Aynu u nimaadno cutubka kowaad lagu sawirbixinayo heerka lamaaha dawlada ee isticmaala tiknoolajiyad in laga eegay dhinaca miisaaniyada, haysashada agab tiknolajiyeed ee shaqalaha dawlada, jiritaanka waaax ICT iyo ilaalinta bedqabka xogta . Waxa kale oo muuqata in aan warbixinta daraasada ka muuqan boqolayda laamaha dawlada ee isticmaala tiknoolajiyada, boqolkiiba tiknoolajiyadaha ay isticmaalaan nooca ay tahay sida( Internet based or software based). Waxa kale oo iyadna cutubka kowaad. Tirada guud ee laamaha dawlada iyo tirada muunad ahaan loo xulay ee baadhista ka fushay. Nooca cilmi baadhistu ahayd. Waxa kale oo iyadna cutubkan ka muuqata.
La sacoโฆ. Faalada cutubyada xiga