Faallo: Kulanka labadda Madaxwayne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Kulankii ay labadda Madaxwayne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo  ku kulmeen Magaaladda Adis ababa ayaa falanqayntiisu socotaa ilaa shalay , kaasoo qofba meel ka eegayay sidaa darteed waxay ila noqotay in aan ana aragtidayda ka dhiibto siday wax iila muuqdaan.

Labadda Madaxwayne ee shalay kulmay mudadii ay xilka hayeen waxaa ka dhex socday dagaal wejiiyo badan kaasoo faramo badan ka socday , mararka qaarna aad loo dareemayay xajmigiisa , sidaa awgeed wax kulan iyo wada hadalo ah oo dhex maray ma jiran mudadaa ku dhaw labada sanadood iyo dheeraadka.

Hadaba kulankii shalay dhacay waxaa la odhan karaa waxaa soo dedejiyay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin.

1- Loolanka kasoo cusboonaaday Aduunka oo badalay siyaasaddii Maraykanka ee Gobolkan kaasoo ay muuqato in Maraykanku danaynayo arrimaha geeska waayadan danbe.

2- Raysal wasaaraha Itoobiya oo danaynaya in arrinta labadan dhinac uu kaalin ku yeesho si uu ugu darsado muuqaalkiisa siyaasadeed oo u muuqda in uu isu dhigayo aktarka gobolka.

3- Wadamo kale oo iyana dabada ka riixaya xal u helista arrintan mudada dheer soo jiitamaysay.

Maxsuulka kulanka

Kulankan oo ahaa mid albaabudu u xidhan yihiin ilaa haddana aan wax wari kasoo bixin , waxay u muuqataa in maxsuulka keiiya ee kasoo baxaa noqon karo xumad jebin iyo yaraynta heer kulkii dagaalka labada dhinac ka dhex socday.

Duruufaha ku gadaaman

Sanadkan aynu ku jiraa waa sanadkii ugu danbeeyey muddo xileedka Farmaayo , sidaa darteed isaga iyo dawladiisu waxay ku jirtaa marxalad doorasho oo marba marka ka danbaysa sii kululaanaysa , sidoo kale Somaliland iyana sanadkan waxay ku jirtaa sanad doorasho , waxaana la filayaa marka lagga gudbo muranka gudidada doorashada in doorasho loo jeesto , sidaa darteed labada dhinac mid walba waxaa haysata duruufo u gaara sidaa darteed wada hadaladani xitaa hadii niyad wanaag laggu eego meel ma gaadhi karaan.

Dhinaca kale , doorashada ka dhacaysa Mogdisho cida ku guulaysata oo iyana la iman doonta aragtiyaheeda siyaasadeed ayaa saamayn ku yeelan doonta sidda uu noqon doono mustaqbalka wada hadal kasta oo yimaadaa , xukuumadda imika Farmaajana maba geli karto wada hadalo muddo dheer socda maxaa yeelay waqtiga u hadhay ba waa mudo kooban.

Sidaa darteed khariidada wada hadaladdu waxay muuqan doontaa doorahadda Mogdisho ka dhacaysa bisha labaad ee sanadka danbe dabadeed ,markaas ayaana la hilaadiin karaa sida ay wax u dhaqaaqi karaan , inta ka horaysana wada hadal rasmiya oo dhici karaba ma jirro.