Faallo Xiise-gelin iyo Hordhac Ah: Xabaalaha Daraawiishta Ee U Dhexeeya Xarshin iyo Hargeysa (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Buuggan Cidi Ma kuu Sheegtay: Hoggaamin iyo Af-hayen ee xambaarsan sooyaalka Nuur-Xaashi iyo Suugaanta Ismaaciil-Aflow waxa ku duugan taariikh iyo tix badan. Ma maqasheen Xabaalaha Daraawiishta ee u dhexeeya Xarshin iyo Hargeysa?

Sayid Maxamed ayaa ogaaday in ninka ka talada fiicani u yahay Nuur-Xaashi, waanu liqi waayay. Daraawiish ayaa ku soo duushay beelaha Galbeedka Hargeysa, kaddibna warkii sii ayay heleen. Nin abti loo yahay oo Darwiish ay ayaa sii tebiyay. Inta ay meeshii ka guureen ayay isku xeereen, oo hareereeyeen colkii Daraawiishta.

Askaxooda ayaa la guray sida uu warku igu soo gaadhay markii buugga la qorayay. Gurmadkii u dambeeyay ee soo gaadha, isna kaba-raaciyay waxa uu reer Yoonis/Jibriil Abokor. Kaddibna Sayidkii ayaa ogaaday “Reer Yoonis-Gaalaad dheh” buu yidhi. Gabayo ayuu Sayidku ka tiriyay. Sheekadaas ayaa ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan ee an ka maqlay bahdii gacanta ku haysay buugga Ma hubo in ay sidaas aan ku maqlay ugu jirto iyo in kale. Waa se la ogaan idanka Alle.

Ka hor dhici maay, waan ku faraxsanahay in uu soo baxay ama soo baxayo oo inna soo gaadhayo dhawaan.