Dhawaan waxa aan akhriyay taariikh nololeedka halyaygii reer Africa ee Nalsan Mandela, kaas oo uu u bixiyay Socdaalkii Dheeraa ee Xoriyadda, anigu na aan u bixiyay Akhriskii Dheeraa ee Xoriyadda! Buuggu waxa uu ka koobanyahay in ka badan 400 oo bog, sida uu u balaadhanyahay ayaa micnaha ku jiraa na u balaadhanyahay. Buuggag iska qaro wayn, laakiin aanay wax sidaas u wayni ku dhex jirin ayaa badan, kani se kuma jiro. Buuggan waxa ku badan wax kaa qosliya, wax kaa yaabiya, wax darsi dhab ah ku bara, iyo waliba, wax qofkii calool jilicsan ka oohiya intaba.
Si ka duwan sida aynu ku aragno in badan oo ka mid ah buugta ay siyaasiyiinta Soomaalidu qoraan, Mandela waxa uu taswiir dhab ah ka bixinayaa socodkaas dheere e uu soo maray. Kama baqaayo in uu sheego qaladaadka uu sameeyay intii uu halganka ku jiray, iyo guulihii uu gaadhay intaba. Si kale hadii loo digo, Nalsan ma iska bixinaayo sawir ah keligii wax-garad iyo keligii qumane aan marnaba wax ka qaldamin. Waxa aan wada ognahay buugag ay nimanka qoray ku sheegteen wax kasta oo guul ahaa taariikhda gaaban ee siyaasadda Soomaalida, wax kasta oo guuldarro ahaa na, ay ku doodeen in ay ka digeen, laakiin la maqli waayay, buuggani se qaabkaas oo kale ma u dhigna. Al-muhim, buuggan in la akhriyo uun baa lagaga bogan karaa, waxa aan se qormadan isku dayayaa in aan tilmaamo meelihii sida goonida ah ii taabtay, iga yaabiyay, amaba hadii si kale loo digo, aan is idhi darsi dhab ah baa ku jira. Xasuusnaw, qoraalkani falanqayn buuggga aan ku samaynaayo ma aha, keliya waa tilmaamid meelo buugga ka mid ah, waxa aanan ku soo ururiyay sagaalka qodob ee soo socda, waana kuwan:
(Qaybta 1aad: 1 ilaa 6)
1. Nalsan Mandela waxa uu dhashay 1918, 2013 na waa uu geriyooday isaga oo 95 jir ah. Isaga oo 44 jir ah ayaa 1962 loo xidhay halgankii dadkiisa, isaga oo 71 jir ah ayuuna soo baxay 1990gii. Ka dib geeridii saaxiibkii Oliver Tambo oo ahaa hogaamiyaha A.N.C da, Nalsan ayaa xilkii madaxnimada loo dhiibay, waxaanu jabhaddii oo xisbi isu rogtay u hogaamiyay doorashadii loo dhamaa ee 1994 ee taariikhiga ahayd, taas oo keentay in 10kii May ee isla sanadkaas, uu Nalsan noqdo Madaxwaynihii South Afrikada cusub.
Maalintii xilka loo dhaariyay, waxa saf u soo galaaya janaraaladii ciidamada kala duwan ee waddanka, iyaka oo u cadaynaayay in ay Isaga daba joogaan oo awaamiirta ka qaadanayan. isaga oo ka dareen celinaayay sida ay janaraaladu yeeleen daqiiqaddaas taarikhiga ahayd, Nalsan waxa uu buugga ku sheegay, in muddo aan sidaas u fogayn ay isla janaraaladani ahaayeen kuwo ku foogan sidii ay u xidhi lahaayeen.
2. Tobankii sanadood ee u dhexeeyay 1975 ilaa 1985, ilaa lix jeer baa Nalsan loo soo ban dhigay in jeelka laga sii daayo, laakiin mar kastaba shuruudo kala duwan oo ka hor imanaaya qadiyaddii loo xidhay ayaa ku lamaanaa soo jeedimahaas oo dhan, isna lixda jeer ba wuu diiday in uu qadiyadiisa tanaasul ka sameeyo, jeelka ayuuna doortay. Madaxwaynihii waagaas ee Koonfur Afrika, Mr. P. W. Botha ayaa xataa baarlamaankiisii cunsuriyadda ku dhisnaa ka sheegay in Mandela uu yahay qofka xoriyaddiisa hor taagan, sababta oo ah waxa uu diidanyahay in uu aqbalo shardiga ah in aanay A.N.C xuquuqda dadka madaw ku radinin xabad iyo dagaal. Mudada dheere e uu afar gidaar dhexdood ku xanibnaa kolka la eego, go’aanka noocaas ahi waxa uu dabcan si waadix ah wax uga sheegayaa shakhsiyadda qofka aan ka hadlayno.
3.Kolkii Nalsan uu aabbihii geeriyooday, isaga oo kuray xoogle ah baa tuuladiisii laga soo kaxeeyay, waxaana magaalada loogu keenay Caaqilkii reerkooda oo kafaalo qaaday tacliintiisa. Nalsan waxa uu sheegay, in kasta oo uu wakhti badan miyigii ka sokeeyay, Hadana in uu dhib kala kulmay sidii magaalada iyo dhaqankeeda uu ula qabsan lahaa. Waxa uu sheegay maalintii u horaysay ee uu kiniisad tago, in ay is barteen gabadh yar oo la d’a ah, ayna aqbashay codsigiisii ahaa in ay sheekaystaan.
Nalsan waxa uu leeyahay inantii waxa igu dirtay walaasheed oo ka weynayd, taas oo ku tidhi badawgan dhawaan miyiga laga keenay kuuma qalmo ee wakhti ha iskaga lumen. Nalsan waxa uu yidhi, si ay inantii walaasheed uga dhaadhiciso in aan badaw ahay, waxa ay maalinti dambe igu marti qaaday gurigooda, waxaana la ii keenay cunto, waxaana la soo raaciyay malqacado iyo fargeetooyin. Gabadhii sheekada wadatay waxa ay walaasheed u sheegtay in ay bal u fiirsato cuntadaas iyo adeegsiga biraha wax lagu cuno sida aan u maamulo. Markii iigu horaysay ee birahaas aan gacanta ku qabto ayay ahayd, in la I eegaayo na waa dareemay, si xun baanan ugu fashilmay buu yidhi!
Dhacdadii taas u xigtay na waxa ay ahayd, kolkii dugsiga sare uu galay, iyo kabo buudh ah oo uu xidho kuwii ugu horeeyay wixii ka qabsaday! Sagxadda iskuulka (school floor) oo ka samaysan loox cusub, oo lagu siibanaayo, iyo xidhashada buudhka oo igu cusbayd dhib wayn baa iga gaadhay, in aan dhaco na marar baan ku sigtay. Waxa se iigu darnayd, buu yidhi, kolkkii aan maqlay hablo aan ag maray, oo iyaka oo aan igaba qarsanin hadalkii I maqashiyay, oo yidhi bal eega wiilkii reer-miyiga ahaa kabihii dhibaatada ka haysata. Malaha waligiiba kabo muu xidhanin. Inantii sidaas lahayd waxa aan wacad ku maray in aanan abidkay la hadlin, laakiin Hadana muddo yar ka dib, waxa ay noqotay inanta aanu iskuulka isuguba dhawnahay.
4. Inta aan buugga akhriyaayay waxa iigu xanuunka badnaa shaki-la’aan waxa u ahaa noloshii xabsiga Robben Island ee uu halyaygani sanadaha badan ku qaatay, waxaanan dareemaayay in aan qudhaydu xabsiga kula jiro. Xabsigu ma aha meel qofka lagaga qaado uun xoroiyadda dhaqdaqaaqa, waa meel qofka karaamadiisa lagu jjabiyo. Cuntada aad cunayso, nooca dharka aad xidhanayso, goorta aad seexanayso, goorta aad kacayso, waxa aad ku hadlayso amaba qabanayso, iwm, ayaa cid kale fasax uga qaadanaysaa, fasaxaas oo marar badan laguu diido.
5. Siyaasaddu waa siyaasad, mar kastana waxa aad u taagantahay mashaakil aad maaraynayso. Sida uu Nalsan isaga oo xaalado adag ku jira, Hadana u maareeyay amaba u maamulay arimo ad u qalafsan ayaa xoog iiga yaabiyyay. Isaga oo urur qarsoodi ku shaqeeya madax ka ah, ayuu Hadana nidaamka go’aan qaadashada ee ururka iyo mabaadiidiisa ba dhawraayay. Siyasadda ay jeexaan Golaha dhexe ayuuna dhinacna uga bixin, xubnaha fulinta na sidii ay ahayd ee xeerku dhigaayay buu ula shaqaynaayay. Hal qof oo talo ku xidhantahay, oo waddanka koonihiisa kale jooga ayuu u safraayay hadba, si uu uga soo talo geliyo hawsha socota, amaba tageeradiisa u helo. Waxa aan taas garab dhigay ururada/xisbiyada Soomalidu sida ay u shaqeeyaan oo aan xalkooda ogahay.
6. Markii u horaysay ee uu waddanka Koonfur Afrika debedda uga baxo dhamaadkii 1961, iyo markii uu soo laabanaayay waxyaabaha uu la kulmay, oo aad u badnaa ayaa laba ama saddex ka mid ahi tilman mudanyihiin. Dood badan ka dib, ururku waxa uu isku racay in aan hogamiyo wafti A.N.C da ah, kaas oo lagu marti qaaday shir xoraynta waddamada gumaysiga ku jiray loo qabanaayay oo Addis Abeba ka dahcaayay February 1962. Nalsan waxa habeenimo soo ambabixiyay halgamaagii saaxiibkii ahaa ee Ahmed Kathrada, dhuumasho ayuuna ugu gudbay waddanka dariska la ah kooda ee Batsuwana, halkaasna Tansaaniya ayuu uga sii gudbay, Itobiya ayuuna ku dambaynayaa. Inta uu Tansaaniya maraayo, waxa uu sheegayaa in uu soo galay hotel wayn, kaas oo cadaan iyo madaw la is dhex fadhiyo, oo waliba inantii xafiiska hotelka joogtay uu nin Afrikan ahi canaantay. Waxa ay ahayd buu yidhi, markii iigu horaysay ee aan imaaddo waddan xor ah, isla markaana aanu ka jirin dhaqan midab-sooc ahi, xoog na waa ula yaabay.
Si kastaba, safarkii Afrika dhexdeeda ee uu Addis ugu sii jeeday waxa uu la marayaa Khartuum ta Suudaan, halkaas oo uu ka sii raacayo diyaarad Itoobiya leedahay, oo duuliye Itoobiyaan ahi wado. Waa markii u horeysay ee Nalsan arko duliye Afrikaan ah, aad buu na ula yaabayaa. Waxa uu sheegay in uu xaqiiqsaday in dhaqankii midab-soocca ee uu ku hoos noolaa uu si dadban fikirkiisa saamayn ugu yeeshay, isaga oo si u aaminay in cadaanka oo keliyi ay diyaarad dulin karan; maalintaas bay se ka baxday fikradaasi. Markii uu Mandela soo noqonaayay, ee uu Koonfur Afrika ka gelaayay isla jidkii uu kolkii hore ba ka baxay, diyaarad gaar ah oo uu siiyay Madaxwaynihii waagaas ee Tansaaniya, Mr. Julius Nyerere, ayaa ku dejisay magaalo Batsuwana ka mid ah oo aan ahayn tii hore u qorshaysnayd.
Markii diyaaraddu degtayba, masuuliyiin Batsuwana ah, oo ka duwan kuwii uu filaayay ayaa u yimid, waxayna waydiiyeen magaciisa; isaguna wuxu u sheegay David Motsamayi, kaas oo ah magac uu Koonfur Afrika dhexdeeda ka samaystay oo uu ku jabhadeeyo. Qoladii waxa ay igu yidhaahdeen, buu yidhi, miyaanad Nalsan Mandela ahayn? Aniguna magacaygii hore ayaa aan ku celiyay. Markaa waxa ay yidhaahdeen – hadii aanad Nalsan ahayn, waddanka sharci darro ayaa aad ku soo gashay, waana in aan ku xidhno. Nalsan xaaladdaas si yaab leh buu u maamulay. Waxa uu yidhi – daqiiqaddaas waxa igu soo dhacaayay waxyaabo badan, waxaana ka mid ahaa armay hadii aad run u sheegto kuba xidhaan!Waan yar aamusay, iyakuna mar kale ayay igu celiyeen oo yidhaaheen saw Nalsan Mandela ma tihid? Aniguna waxa aan ku idhi – hadii aad sidaas ku adkaysataan, ma is difaaci doono. Ka dib na, inta ay qosleen, ayay yidhaahdeen ina keen waa ku garanay.
Waa la is fahmay isaga oo aan haa iyo maya toona odhanin. Qoladii Batsuwana waxa ay yidhaaheen, ninyahaw booliiska South Africa waa la socdaan imaatinkaga, markaa caawa iska joog, oo berito uun bax. Nalsan sarakiishii Batsuwana wuu ka aqbalay soo jeedintaas, laakiin kuma camal-falin ee habeenkiiba waa guureeyay oo xadkii ka gudbay. Tani waxa ay tilmaamaysaa feejignaan iyo xirfad dheeraad ah. Waxa ay muujinaysaa in aanu cidna aaminaynin xaaladda uu ku jiray awgeed. Duruufaha adagi waxa ay sababaan go’aamo adag.