Fahad Yaasiin Waa Koora Jaanka Muqdisho (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Taariikhuhu meel badan ayey iska shabbahaan, waana sababta loo yidhi’ Taariikhdu dib ayey isu soo celisaa’. Ficilada iyo falalka uu Fahad Yaasiin ka wado Muqdisho wuxuu la mid yahay wixii uu inaadeerkii Kornayl Koora-Jaan ka sameyn jiray deegaannada Arabsiyo iyo Abaarso wixii ka dambeeyey 1984.

C/Casiis C/kariin Koora-Jaan wuxuu ahaa sarkaal u shaqeyn jiray taliskii Maxamed Siyaad, wuxuu taliye u ahaa guutadii 22-naad oo fadhigoodu kala ahaa Dhagax-madoobe iyo Dhagax-Guure oo dhinaca waqooyi ka xigta deegaanka Arabsiyo ee galbeedka caasimadda Hargaysa. Isaga waxa la odhan jiray KOORA JAAN, xaaskiisan waxa la odhan jiray GEENYO JAAN, halka ciidankiisa la odhan jiray FARDO JAAN. Wuxuu kaalin weyn oo dagaal ka qaatay dagaalkii caanka ahaa ee Buuraha ee galbeedka Hargaysa ee u dhaxeeyey dagaalyahannadii SNM iyo ciidankii Maxamed Siyaad.Ciidankiisa in badan ayaa dagaalladaasi lagu laayey. Sida uu ii sheegay Kornayl Xuseen Buux oo mid ahaa ciidankii Koora Jaan, balse markii dambe ku biiray SNM.

Markii uu dhammaaday dagaalkii Buuruhu wuxuu ku dhawaad toban kun oo neef oo adhi ah xoog kaga soo ururiyey dadkii deganaa waqooyiga Arabsiyo, waxaanay ciidankiisu xeryo uga oodeen deegaanka Abaarso, waxaanu adhigaasi xoog ku daaqi jiray beeraha ay leeyihiin reerihii dhulkaasi deganaa. Hasayeeshee kibirkii KOORA JAAN wuxuu soo dhammaaday markii ay xooggagii SNM dagaalka hubeysan ku soo galeen Hargaysa iyo wixii galbeed ka xiga badhtamihii sannadkii 1988. Markii ay Hargaysa soo galeen ciidankii SNM ayuu ciidankii KOORA JAAN ka soo gurmaday xeryahoodii Dhagax-madoobe, waxaanu qorshihiisu ahaa inuu dhabarjebiyo ciidanka Hargaysa oo galay. Hasayeeshee waxa ciidanka SNM ah isku haleeleen deegaanka Sheekh Mooldhe. Halkaasina waxa khasaare loogu geystay ciidankiisii waxaana lagu khasbay inuu dib ugu noqdo goobtii uu ka soo gurmaday. Ciidanka KOORA JAAN wuxuu toos uga amar qaadan jiray taliska sare ee 26-naad.

Fahad Yaasiin waa taliyaha nabadsugida Soomaaliya, waxaanu u shaqeeyaa Farmaajo sidii adeerkii KOORA JAAN ugu shaqeyn jiray Farmaajo adeerkii Maxamed Siyaad. Ficilada uu sameynayo isaga oo joogaa deegaan aanay saameyn bulsho ku lahayn isaga iyo Farmaajo waa isku mid wuxuu uu sameyn jiray KOORA JAAN. Bulshada reer Muqdisho waxa la gudboon inay sida ugu fudud uga takhaluusaan KOORA JAANKA cusub iyo SIYAAD BARAHA cusub ee Farmaajo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.  

Calicoomay@gmail.com