Fahmada iyo falsafada siyaasadda? (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

  • Anigoo og adigaaga qoraalkan akhrinayaa aad garaad iyo garasho, fahan iyo fahmad, caqli iyo cilmiba aad igu dhaami karto, ayaa doonayaa in aan faalo feegaro fahanka iyo falsafada siyaasada.
  • Naqdin iyo falanqayn kooban fahan ahaan iyo qiyam ahaan halka aan ka taaganahay aan u holloda. Erayga siyaasad marka la soo hadal qaado soomaali ahaan si buu inoogu daba-roggan yahay, fahmad ahaana aad moodaa in guracnaan badani ka jirto. Bal aan u soofaysto qalinka aanan turxaan bixiyo.
  • Qayixida erayga “siyaasad” asal ahaantiisa waa eray af-carabi ah, soomaali ahaan isticmaalka erygan waxa aan ka soo dheeganay carabta. Haddaba “siyaaasad waa cilmiga dawladnimada iyo qaranimo dal lagaga shaqeeyo”. Siyaasad waa maba’adii aasaasi ah oo dawladi ku dhaqanto si ay u gaadho yoolkeeda mustqabal, isla markaana ku maamusho dadka ay xukumayso si ay u gaadho  libin iyo mustaqbal ifaya.
  • Dunida casirga ah Dawladi  waa habdhis ka kooban unugyo habaysan oo xukuma, ilaaliya, xadeeya, xaliya, dabra dhamaan hab-dhaqanka bulsho meel kuwada nool una yeela bulshadaas calaamad ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.
  • Haddaba xaqiiqda Dowladi ma shaqayn karto siyaasad la’aan. Siyaasadu waa shaxdii lagu socodsiinayey dowladnimada. Siyaasadu waa kabihii dawladnimadu ku soconaysay ee midho-dhalka ka dhigayey dowladnimada. Unugyada ay ka koobantahay dowladnimadu ma shaqayn karaan hadaanay lahayn siyaasad cad oo lagu wajaho baahiyaha kala duwan ee bulsho leedahay.
  • Siyaasad waa maba’adiidii, farsamadii, shaxdii lagu hirgalin lahaa dowladnimada, lagu socodsiin lahaa ama adeegi lahaa bulshada wada nool. Si loo helo adeeg dowladeed oo dhamaystiran waa in la dejiyaa siyaasad dowaldeed dhaaystiran. Sida siyaasada caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo, shaqo abuur, dhaqaale iwm.

Waa maxay ujeedada laga leeyahay in la dajiyo siyaasad ?

Ujeedada laga leeyahay in la helo siyaasad hufan oo bulsho ama qaran. Siyaasadu wax ay u adeegtaa nolosha bulshada. Waxa ay fududaysaa sidii bulshadu u heli lahayd nolol wacan oo dheelitiran.  Siyaasadu waxa ay ku biyo shubanaysaa horumarinta nolosha bulshada sababtaas ayuu qaran waliba u dajistaa qorshe siyaasadeed, ku salaysan baahiyihiisa qaranimo.

Bashir Maxamed Bashir  

Borama ,Somaliland

Bashiirmaxamed653@gmail.com