Falanqaynta isku shaandhayntii Wasiir Guri-Barwaaqo ee waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta (WQ: Suxufi Cabdi Jaamac Warfaa)

22-kii bishii February 2018 ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.raxmaan Guribarwaaqo soo saaray Wareegto uu Ku magacaabay Mas’uuliyiinta Waaxyaha wasaaradda warfaafinta halka uu sidoo kalena xilka ka qaaday qaar ka mid ah Mas’uuliyiin Wasaaradaasi.

Inkasta oo Xil ka qaadista iyo Magacaabistuba ay tahay Sune dawladeed hadana Meelaha isha lagu hayay inay saamayso Wareegtadu waxaa ka mid ah Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta oo ah halka ay Cabashada ugu badan ee Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ku aroorayso isla markaana lagu eedaynayo Musuq maasuq iyo inuu qallinkiisa ugu kala Sadburiyo Shaqaalaha Wasaaraddaas.

Waxaa kale oo Mas’uulkani uu ku Caanbaxay ku tagrifalka awooda Madaxda ka saraysa kadib marka uu ka haqabtiro baahiyahooda taasina ay keento inay Kalsooni badan ku qabaan.

Sidoo kale Saraakiisha Xilka laga qaaday ayay isku dhaceen Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Waxayna isku shaandhayntani Sawir ka bixisay inuu ahaa Mas’uulkii u Yeedhiyey Wasiirka Warfaafinta inuu shaaciyo Isku Shaandhayntan Maadama uu isagu gidaarada wasaarada ku dhejiyey Wareegtada wasiir Guri barwaaqo ku saxeexan yahay.

Shaqaalaha Wasaaradaasi ayaa aaminsan in Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafintu Xasan Maxamed Maxamud inuu yahay Maskaxda ka danbaysay Isku shaandhayntan uu Wasiir Guri barwaaqo soo saaray.

Arrimaha la yaabka leh ee Wareegtadani ay Xambaarsanayd ayaa ahaa in Shan Agaasime Waaxeed oo Wareegtadan lagu faafiyey ay ka soo Jeedaan Beesha uu ka soo Jeedo Agaasimaha Maamulka Iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafintu,Kuwaas oo kala ah.

Agaasimaha Maamulka & Xisaabaadka

Ku xigeenka Agaasimaha Farsamada

Ku xigeenka Agaasimaha Dawan

Ku xigeenka Madaxa Shaqaalaha

Madaxa Monotoring ee Solna

Madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysa.

Dhanka Kale Sidaan ka halacsaday Muuqaal lagu faafiyey Degelka Youtube-ka Shaqaale ku dhow Sodon xubnood oo Isugu jiray Xubno Xilalka laga qaaday iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda warfaafinta ayaa ku eedeeyay Xubno uu ka mid yahay Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta in si ay Isha uga duwaan Warbiximihii ay Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka Siiyeen Madaxda Waaxyaha kale ee Wasaaradda Warfaafinta markii Madaxweynuhu soo magacaabay iyagoo u arkayay inay Kashifeen Ceebihii dul hoganayay Maamulka,Sidaa darteedna ay xooga isugu geeyeen sidii ay marin habaabin ugu Sameeyaan Wasiirka iyo Wasiir ku Xigeenka si ay u Ilaashadaan Xilalkooda.

Waxay Shaqaalahani xuseen  in Kudladan cudud ku leh Wasaaradaasi ay sameeyeen Inqilaab iyagoo Daaqada ka saaray Mas’uuliyiintii Kale ee Waaxyaha iyo Cid kasta oo Warbixin rasmi ah ka dhiibtay Xaalada wasaarada waxayna Wasiirka ka Saxeexeen Caruur yaryar iyo Shakhsiyaad oo iyaga u dhega nugul inuu magacaabo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mr Guri-barwaaqo ayaa 24-kii Bishii February waxa uu Sheegay Tuhunkii shaqaaluhu ka dhawaajiyeen ee ahaa in Cid kale ay soo saartay Isku shaandhayntan Waxaanu xusay in gudi gaar ahi ka soo talo bixisay,Markay sidaas tahay muxuu Wasiir Guri barwaaqo u diidayaa in loo yeedhiyey isku shaandhayntan Magaciisu ku saxeexan yahay miyaanay run ahayn dooda shaqaaluhu.

Hadaba Kooxdan oo uu Hogaamiyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta iyaga ayaa gacanta ku haya Miisaaniyada wasaaradaasi oo ah Miisaaniyad aad u badan,Waxay u adeegsadaan Sifooyin Guracan,Taas oo Horseeday in Maanta Warbaahinta qaranku ay fadhiid noqotay Waxaana doodooda ka Markhaati Kacay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees oo Sheegay 01-dii March 2018 in Qaybta wararka ee Telefishanka qaranku uu hal Computer yaalo isagoo ka shidaal qaadanaya sida uu yidhi xogtii ay siiyeen Madaxqaybeedyada iyo Shaqaalaha Telefishanka qaranku,taas oo La yaab ku riday.

Waxaa Kale oo la Yaab leh in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C.raxmaan Guri-barwaaqo uu 28-kii February 2018 uu Soo Saaray Go’aan uu ku sheegay inuu ku anshax mariyey 24 xubnood oo ka mid ah Miida Wasaaradda warfaafinta kadib markii ay Warbaahinta Cabasho u mariyeen halka uu Wasiirku indhaha ka laliyey Agaasimaha Maamulka iyo Agaasimaha Radio Hargaysa oo Labadooduba Warbaahinta dawlada ka Weeraray Xubnahan Shaqaalaha ah ee Wasiirku sheegay inuu ku anshax mariyey 3 Bilood oo Shaqo ka Joojin ah iyo 3-daas Bilood oo bilaa Mushahar ah Marka ay mudadaasi dhamaatana la soo saari doono go’aan Rasmi ah iyaba waa Isweydiine waa maxay Talow go’aanka Wasiirka u hadhsan.

Xeeladaha uu adeegsado Agaasimaha Maamulka ee Warfaafintu iyo habka uu hawshiisa u guto ayuu Ku macneeyay inuu Yahay inan (Wiil) Shaqadiisa ku wanaagsan oo fariid ah !!! Cajiib,Waxaa intaas dheer inaanu dib u dhugan Rikoodhka Musuq Maasuq ee uu ilaa Heer maxkamadeed ku Suntan.

Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa hilaadii sanadkii 2012 loogu Xidhay Musuq Maasuq Isla markaana uu ku waayay Shaqadiisii Wasaaradaasi,Waxaanu fakad ku galay dalka Ingiriiska,Markii uu dib ugu soo laabtay Wasaaradda Warfaafinta Sannadkii 2017-kii ayaa Wasiirkii hore Cismaan Saxardiid Caddaani u dhiibay Xilkan uu hada ku magacaaban yahay Wuxuu Meesha ka Saaray Xisaabiyihii Wasaaradda Warfaafinta isaga ayaa isu noqday Agaasime Maamul iyo Xisaabiye isaga ayaa qora oo gacanta ku haya sida ay Warar xog ogaal ahi ii Xaqiijiyeen Bayrolka Mushaharka Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta.

Dhacdooyinka Kale ee La yaabka leh ee Agaasime waaxeedka awooda badan ee Maamulka Iyo Lacagta ee Warfaafintu sameeyay Waxaa ka mid ah inuu Waaxdiisa hoos keenay Agaasinkii Shaqaalaha iyadoo aynu og nahay in Shaqaaluhu ay Yihiin Cudduda ugu badan ee shaqada dhaqaajiya,waxa uu xafiiskaas ka dhigay Qayb,Halka Wareegtadan u danbaysay ee Wasiir Guri-barwaaqo laga saxeexay uu Waaxdiisa ku hoos keenay Waaxdii Qorshaynta Wuxuu Maanta Maamulaa Xafiiskii Maamulka, Kii Shaqaalaha,Xafiiskii Qorshaynta, Xafiiska Gaadiidka iyo inuu dusha ku qaatay Mas’uuliyadii Waaxyaha kale ee La siman awood ahaan.

Isku shaandhayntan & Shaqo ka Caydhintan ayay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu u arkaan mid laga leeyahay ujeedo gaar ahaaneed ee aan dhalin doonin inay kor u qaado Shaqadii Wasaaradaasi qaranka uga Mas’uulka ahayd.

Geesta Kale Dabayaaqadii bishii January ee Sannadkan ayay Wasaaradda Warfaafintu gashay barnaamijka Madax tirinta iyo dib u habaynta Shaqaalaha dawlada ee hay’ada Shaqaaluhu wado,Agaasimahan awoodaha badan isku darsaday ayaa ka soo Muuqday Sidii uu u buuxin lahaa Dad tiro badan oo ku qoran Bayrolka Mushaharka ee Wasaaradda oo Sifo sharciga baalmarsan uu ugu Tagri fali jiray wuxuu soo uruuriyey dad kala duwan si ay ugu xaadiraan Magacyada Bayrolka ku qoran isagoo u sameeyay Kaadhka dhalashada,badiba Wasaaradihii kale ee Dawlada markii lagu samaynayay Madax taabashada waxaa Goob joog ka ahaan Jiray Wasaarada Kaltanka u leh Mas’uulka qaabilsan Shaqaalaha taas badalkeeda Wuxuu agaasimaha maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaarada Warfaafintu sadexda wakhtiba ku qaadan jiray Hoolka hay’ada shaqaalaha dawlada si uu Sharci daro u meel marsado taasina way u suuro gashay,Sabab kasta ha ku timaadee.

Dharaar dhow Marka ay Hay’ada Shaqaaluhu Shaaciso Tirada rasmiga ah ee Ka Shaqaysa Wasaaradda Warfaafinta oo awal lagu Sheegi jiray in ka badan Todoba Boqol oo Shaqaale waxaa soo bixi doonta Tiro aan ka badnaan Karin ilaa Afar Boqol,kadib markii Caaglayaal badani ay ka soo xaadiri waayeen xarunta hay’ada shaqaalaha dawlada Waxay is weydiintu noqon doontaa Halkuu ku bixi jiray Mushaharka Sadexda boqol ee qof ee Kale,Jeebada uu ku dhici Jiray Waa tee, Taasi waxay u baahan tahay in si dhab ah loo xisaabiyo cida Mas’uuliyadaas leh.

Dhanka kale Waxaa Jira Shakhsiyaad aan hayn Xil Jaangoyn leh oo Taladooda uu ka Shiidaal qaato Wasiir C.raxmaan Guri-barwaaqo Kuwaas oo uu Horjooge u yahay Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta .

Maxaa inoo Markhaati ah:- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid C.naasir Xasan Buuni ayaa tiraba dhawr jeer oo hore ku eedeeyay Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta inuu ku Kacay Musuq Maasuq iyo Wax is daba marin isla markaana uu Tacadi ku hayo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta,Isagoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka Dalbaday in si uu u rumeeyo balanqaadkiisii ololaha doorashada ee la dagaalanka Musuq maasuqa inuu Sarkaalkaas Talaabo sharciga waafaqsan ka qaado.

https://www.youtube.com/watch?v=LIGo-xmJ-hQ

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Warfaafinta Mudane C.raxmaan Guri-barwaaqo ayaa looga fadhiyaa inuu Cadeeyo Sababta uu Agaasimaha Maamulka ee Cabashada laga Tirsanayay uga reebay Isku shaandhayntan iyo Sababta uu ugu Kala sad buriyey saami qaybsiga beelaha ee ay Somaliland Ku dhisan tahay.

Waxaan ku soo Gabo Gabaynayaa Qormadan Tuducyadan Wax ku oolka ah.

Nin Xil qaaday Eeda qaad Midliyo

Xoogsi Mid u Jeeda

Inta Xeradan Soo maray

Nin raga amase Xaaraami

Ee Ka Xidh-xidhee ugaga tegay

Waa Xisaab li’i

Ninkastoo is xaydaa

Dhakhsuu tan ugu xiiqaa

Alle uma Xilqarin

Nimaan aqoon Xaalka Media-yaha

Agaasin Ka Xoog weyn

Wixii Xerada kuu Joogay

Xoolaha dadweynaha

Ninkaa Ku xaragoonaaya

Oon Xisaab iyo Ka baqin

Xeer dal oo qabta

Wasiir Xawaaraha dhin

Ciirciirka waa lagu Xujoobaa

Hadii kale Xumaantaa

Malaha Sabankan Xoor weyne

Xamil godobta Waxa loo Kasaa

Ina rag waa u Xeere.

Qaybo Kale oo ka Mid ah Ku Tagrifalka Dhaqaalaha Qaranka & La Xisaabtan la’aanta Mas’uulkan oo Cadaymaheedii wadata waa inoo iyo Qormadan ta Xigta.

Allaa                                Mahad             Leh

Suxufi Cabdi Jaamac Warfaa

suxufiwarfaa2017@gmail.com