Farriin ku socota dumarka arrimaa haweenka u dooda (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise ”Daacad”)

Qoraallo dhawr ah baan akhriyay caawa oo xilligaas ku soo gaadhay. Ujeeddooyin badan baanay tibaaxayeen oo haweenka ku saabsan. Dhammaantoodna wax ay ahaayeen kuwo la fahmi karo, marka laga tego hal mid oo aan waydiin ka keenay. Middaas wax ay tahay: horta dumarku miyaanay hormari karin, isbeddel la taaban karo gaadhi karin, wax baran karin, shaqaysan karin, isa soo sharrixi karin, hankooda muujini karin iyada oo nimankoodu ay raalli uga yihiin dedaal kasta oo ay gabadhu la timaaddo.

Midda kale, dumarka u ololeeya arrimaha haweenka, khaas ahaan, kuwa ka shaqeeya boorrinta iyo dardargelinta xuquuqda haweenku maxaa ay badi u yihiin haween aan la qabin ama ragaba neceb? Bal u fiirso, dumarkaasi 90% waa hooyo la soo furay ama gashaanti guurkii iska daysay!!

Haweenoow nolosha caadiga ahna ku jira, xuquuqdiina iyo horumarkiinana ka shaqeeya, raggiinana oggolaada oo la tashada.