Farriintayda Jabuuti! (WQ: Mustafe Adam)

Waxa aan arkayay dad badan oo aad ugu faraxsan kacdoonka Jamhuuriyadda Jabuuti ka socda, kaas oo uu sababay farriin uu soo diray Fu’aad Yuusuf Cali – sarkaal ka tirsanaa ciidanka cirka Jabuuti oo ku xidhan mid ka mid ah xabsiyadda dalkaas – oo muuqaal uu iska soo duubay muujinayo tacaddi iyo arxan-darro ka baxsan xuquuqda bani’aadanimada oo lagula dhaqmay.

Laakiin, iswaydiintu waxa ay tahay: Sidee lagu xallinkaraa dhacdadaas iyo kuwo kale oo la sheegay in ay ka dhacaan xabsiyadda Jabuuti? Kacdoon shacab iyo mudaharaado rabshado wataa ma yihiin xalka keliya ee lagu xallin karo? Haddiiba kacdoonkaas lagu guulaysto oo hoggaankaas iyo xukuumaddiisa laga takhaluso Jabuutida maanta mid ka qurux badan oo ka nolol wanaagsan oo ka tacaddi yari ma dhallanaysaa? Ma jiraan hannaan, hoggaamiyayaal iyo axsaab habaysan oo haddii xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle meesha ka baxdo halkaas ka sii wadaya?

Waydiimahaas waxa inooga jawaabaya dhacdooyinkii ilaa 2001-dii ka dhacayay dalalka carbeed iyo kuwa Islaamka. Halkee ayay ku danbaysay Afgaanistaan? Meeday Ciraaq? Suuriya warkeeda ma haysaan? Yementa Jabuuti iyo Soomaaliya la jaarka ah ka warrama? Wararkii ugu danbeeyay ee Liibiya shalay iyo xalay yaa la socday?
Waxaas oo dhan waxa ka daran ujeeddooyinka is huwan ee lala damacsan yahay Turkey, Sucuudiga, Imaaraadka iwm.

Gabogabadii waxa aan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u soo jeedinayaa in uu hareerihiisa eego oo aanu dalka iyo dadka halaagin. Hadda ayuu xalka dalkiisu gacanta ugu jiraa, waa in uu xalliyaa dhibaatooyinka bani’adanimo iyo dhaqaale ee ay shacabkiisu tirsanayaan. Sidoo kale, waa in uu diyaariyaa ciddii hoggaanka kala wareegi lahayd, si taariikhdiisu uga duwanaato kuwa dalalkii iyo hoggaamiyayaashii ay saaxiibada ahaayeen ee hadda la ogyahay halka ay ku danbeeyeen.

Mucaaridka Jabuuti dal iyo dibad meeshay doonaan ha joogaan waxa laga doonayaa in ay diyaar u yihiin badbaadada qarankooda haddii xukuumadda Geelle meesha ka baxdo, si looga badbaado dhibaatooyinka ka socda Liibiya, Yemen iyo dalalka kale ee la mid ah.
Dhinaca kale, Soomaalida, Jabuutiyaanka iyo dhammaan cid kasta oo ku faraxsan ama holcinaysa kacdoonka Jabuuti waxa la gudboon in ay dib ugu noqdaan oo jawaabo u raadiyaan waydiimaha aan kor ku soo sheegay. Dhibka la sheegayo in ay Jabuuti ku hayso Soomaali waxa ka wayn faa’iidooyinka ay u leedahay.

Waa aragtidayda – cidna kuma metelo.
Waad Mahadsan tihiin
Mustafe Adam