Beri baa la yidhi, “Jarmalka nabsi baa ku dhacay.” Hadalkaasi waxa uu i xusuusiyey maahmaahdii ahayd, “Booraan ha qodin, haddii aad qoddana ha dheereyn, ku dhici doontaana mooyiye.” Jarmalku waa dalkii lagu qabtay shirkii Afrika lagu qaybsaday, aakhirkiina isagii ayaa la qaybsaday. Weliba xadkii 1945kii Jarmalka lagu kala qaybiyey waxa la sheegaa in uu dhex maray isla xafiiskii shirkii Afrika lagu qaybsaday lagu qabtay oo ku yaallay magaalada Baarliin.
Taariikhdu markii ay ahayd 1884 – 1885 waxa magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka lagu qabtay shir ay quwadihii reer Yurub ee waqtigaa xoogga lahaa isugu yimaaddeen, kaas oo ay kaga hadleen sidii ay u maamuli lahaayeen qaaradda Afrika oo ay markaa ka hor sahansandeen. (The Berlin Conference of 1884–1885 was a meeting at which the major European powers negotiated and formalized claims to territory in Africa).
Xilligaas reer Yurub Afrika way ku tartameen waanay qabsadeen, waxana arrintaa loo yaqaan oo ay caan ku tahay “The Scramble for Africa.” Arrintaas iyagu si bay u macneeyaan, dadyowga reer Afrikana si ka duwan bay u sheegaan. Si kastaba ha ahaatee, qabsashadaas Afrika waxay quwadihii reer Yurub ku keentay ismaandhaafyo ay qaarkood ka mid noqdeen waxyaalihii sababay labadii dagaal ee waaweynaa ee ay u kala bixiyeen “Dagaalkii Koowaad” iyo “Dagaalkii Labaad.”
Dagaalkii labaad dalalkii sida xun loo jabiyey waxa ka mid ahaa Jarmalka. Isbahaysigii guulaystay (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) dalkii Jarmalka waxa uu ka dhigay mid aan dawlad madaxbannaan lahayn, waxaanay u qaybsadeen afar qaybood. (At the end of the Second World War, Germany was divided into four zones of occupation under the control of the United States, Britain, France and the Soviet Union).
Ingiriiska, Maraykanka iyo Faransiisku waxay qabsadeen qaybta galbeed ee dalkii Jarmalka, waxana loo bixiyey Jamhuuriyadda Isutagga Galbeed ee Jarmalka. Qaybta bari oo uu Ruushku qabsadayna waxa lagu magacaabay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ee Jarmalka Bari.
Magaaladii caasimadda ahayd ee Baarliin ayaa ugu darrayd oo waxa loo qaybiyey laba qaybood oo kala ah Baarliinta Galbeed (West Barlin) iyo Baarliinta Bari (East Barlin), waxana lagu kala xidhay gidaar weyn oo loo bixiyey Gidaarkii Baarliin (Barlin Wall). Labadaa qaybood waxa ka hirgalay labadii nidaam ee dawladihii guulaystay ee isbahaysigu ay kala wateen ee kala ahaa Hantigoosi iyo Shuuci, gidaarkaas weyn ayaana kala qaybin jiray. Sidoo kale gidaarkaasi dalalka kale ee adduunkana waxa uu u kala saari jiray Bari iyo Galbeed waagii uu Dagaalkii Qaboobaa jiray.
Baarliinta Galbeed waxa ka bilaabmay loollan hoose oo dawladihii isbahaysigii guulaystay u dhexeeyey, kaas oo keenay in uu Ruushku Baarliinta Galbeed culays saaro. Baarliin waxa ay dhul ahaan ka tirsanayd guud ahaan dhulka Jarmalka qaybtii bari ee uu Ruushku qaatay. Arrintaasi waxay keentay, meel ay wax u soo mariyaan markii ay waayeen, in ay qoladii galbeedku raashin iyo alaabo kale diyaarado ku soo qaadaan oo ay dadweynihii Baarliinta Galbeed ku noolaa cirka uga soo daadiyaan!
Hadalka oo kooban shirkii Afrika lagu qaybsaday waxa uu ka dhacay magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka sannadihii 1884 – 1885. Magaaladii Baarliin iyo Jarmalkiina waa la qaybsaday oo waxa loo qaybsaday si daran. Ficilkii uu wax ka abaabulay ayaa isagii ku dambeeyey. Arrintaas waxa lagu tilmaami karaa nabsigii la sheegayey oo Jarmalka ku habsaday!
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com