Kutubta cilmigga kitaaba kitaab ayuu sharaxaa , kitaabka danbe ayaana dadka u bayaamiya macnaha kitaabka horre,sidaas ayaana cilmiga iyo asluubkiisu ku dhisan yahay .
Gen Jaamac Maxamed Qaalib , Buuga uu qoray ee ku saabsan taariikhda Soomaalidda wuxuu ku xusay in Beesha Habar awal diidanayd midnimadda 1946 ?
Sidaa uu jananku qoray waa sax , laakiin maxaa is badalay ?
1954 Waxaa la bixiyey dhulkii loo yaqaanay Hawd iyo Reserve Area iyadoo la fulinayo heshiiskii qarsoonaa ee loo yaqaanay Anglo-Ethiopian treaty 1897 , sidaa darteed dhacdadaas ayaa badashay guud ahaan rayul caamkii bulshadda .
Xisbiyadii siyaasadda iyo doorashadii February .
Markii lagga soo quustay soo celintii dhulkii Hawd iyo Reserve Area , waxaa bilaabmay axsaab siyaasadeed , waxaana dhacday doorashadii bishii 2aad ee 1960 , ay ka qayb galeen sadex xisbi oo kala ah . SNL ,USP IYO NUF .
Xisbiga NUF , Waxaa gudoomiye ka ahaa Axmed xasan ( sacad muuse ) .
Xoghaye guudna Micheal maryama . Habar jeclo .
SNL .Waxaa gudoomiye ka ahaa , Shekh Cumar Askar Sacad muuse
Xoghaye guud . Maxamed I Cigaal . ciise muuse .
USP . Cali Garaad Dhulbaante Gudoomiye .
Xoghaye guud . Xaaji Ibraahin Nuur Samaroon .
Hadaba doorashadii dhacday 17-2-1960.
Xisbiga SNL Wuxuu heley 20 xubnood oo kala ah .
Habar Awal 8 Kursi .
Garxajis 7 kursi .
Habar jeclo . 3 Kursi .
Arab . 1 kursi .
Gabooye 1 Kursi .
Total .20 Kursi
USP 12 Kursi oo kal ah .
Dhulbaante 6 kursi .
Samaroon . 3 kursi .
Ciise 2 kursi .
Warsangeli .1 kursi .
Xisbigii Nuf . Hal kursi oo ah Micheal Mariano .Habar jeclo.
Inta ka dib waxaa la dhisay dawladii somaliland ee wadanka hogaamin lahayd oo ka kooban sidan .
– Raysal wasaare . M I Cigaal .
6 wasiir oo kal ahaa 3 Soomaali ah iyo 3 Cadaana
1- Axmed kayse habar jeclo .
2- Cali garaad .dhulbaante .
3- Xaaji ibraahin nuur samaroon .
Sidaa darteed xisbigii aqlabiyadda oo uu gudoomiye ka yahay Sheekh cumar Askar iyo Xoghayihii guud , ahaana raysal wasaarihi cusbaa M I Cigaal ayaa Somaliland hogaaminayay ilaa 1 julay 1960 .
1960 Markii Mogdisho la tagay na madaxda ina hogaaminaysay waa kuwaas , cid kale oo xil baarlamaan teri ka sareeya haysay may jirin .
NP . Beesha Garxajis 3 Xsbi midna Gudoomiye iyo xoghaye guud kama ay ahayn , Golihii wasiiradda ee xukuumadana kumay jirin waayo 4 wasiir ee midi Raysal wasaare ahaa waynagaa kor ku sheegnay .
Sidaa markay tahay , 1960 yaa ina hogaaminayay qofka suaal ka keenaa waxay la mid tahay qof suaal ka keena cida maanta ina hogaaminaysa , waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa sadar muuqdaa suaal uma baahdo .