Ereyga feminism waxa uu kasoo jeedaa ereyga Femina oo Latin ah; ereygu waxa uu kusoo horeeyay afka faransiiska. Markii ugu horeysa ee ereyga feminism loo adeegsado baadi goobka danaha dumarku waxay ahayd 1837. Markaas oo qoraaga faransiis ah ee Charles Fourier uu u adeegsaday kor u qaadida awooda dumarka. Markii ugu horeaysa ee ereyga feminism lagu daray qaamuuska Ingiriisku waxa uu ahaa 1841. Bilowgii ereygu muu lahayn dhadhan siyaasadeed, keliya waxa loo adeegsan jiray wixii dumarka xidhiidh la leh. Sanadihii 1890aadkii ayuu ereygu yeeshay mance iyo nuxur siyaasadeed markii lagu astaystay dhaqdhaqaaqii dumarkii u halgamayay inay yeeshaan xaqa cod bixinta โ womenโs suffrageโ oo hada taariikh ahaan loo yaqaan mowjadii koobaad ee feminism ka..
Hadii aad ereyga feminism ka eegto qaamuuska afka Ingiriiska gaar ahaan Merriam-Webstar waxa uu ku siinayaa qeexitaanka ah
โbelief in and advocacy of the political,ย ย ย economic, and social equality of the sexes expressed especially through organized activity on behalf of women’s rights and interestโ.
Feminism waa in aad aaminto una doodo in ragga iyo dumarku sinaadaan dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, martabada ay bulshda ku dhex leeyihiin iyadoo sinnaanshahan lagu hirgelinayo howlgal abaabulan oo loo gelayo xuquuqda dumarka iyo danahoodaโ qaamuuska Oxford isaguna waxa uu ku qeexayaa feminism
โthe belief and aim that women should haveย ย ย the same rights and opportunities as men; the struggle to achieve this aimโ
waa rumaysnaan iyo yoolka ah in dumarku helaan xuquuq iyo fursado la mid ah kuwa raga; iyo halganka lagu gaadho ujeedadaas.โ
Kuwaasi waa laba ka mid ah qeexitaannada tirada badan ee ereyga Feminism uu afka ku leeyahay, hasayeshee majiro qeexid sugan oo cilmiyeed oo ay isla ogol yihiin dhammaan awoodaha kala duwan ee howshan ku foognaa labadii qarni ee tegay. Waxa jira ugu yaraan saddex iyo labaatan qeexitaan oo Feminims uu leeyahay; ereygaasi sida ujeedadiisu muran iyo is maandhaaf u dhalisay ayaa xataa aan loogu heshiin qeexitaan kooban oo lagu tilmaansado. Sida ereygu ku hirgalay iyo macnaha uu wakhtigan xambaarsan yahay aad ayay u kala duwan yihiin sababta oo ah qeexitaankiisu waxa uu isla bedelayay marxaladihii kala duwanaa ee xarakada feminism ku soo martayn boqol iyo konton kii sano ee ina dhaafay.
Marka taariikhda Feminismka dib loo raaco dhaqdhaqaaqani waxa uu soo maray marxalado kala duwan. Waxa jiray ururo dumar oo yaryar oo intooda badan ka unkamay shaqaalihii la cabiidsaday ee wershadaha wadamada galbeedka Yurub sida Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxay ahaayeen ururo u dooda wanaajinta duruufaha dumarka shaqaalaha ah oo ay ugu horayso in lasiiyo mushahar u dhigma ka raga shaqada lamidka ah qabanayaa qaataan. Mayse lahayn dhisme hogaamineed oo abaabulan isla markaana muuqda. Dadka dhaqdhaqaaqa Feminism-ka u taariikheeyaa waxay isku waafaqsan yihiin in Feminism-ku kasoo gudbay afar mowjadood (four waves) oo waawayn.
Mawjadii koobaad ee Feminism ku waxay bilaabantay, sida la aaminsan yahay, dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad. Mowjadani waxa uliyay isbedelkii bulsho ee ka dhashay kacaankii wershadaha, siyaasadiihii qoys furfurida ku salaysnaa ee libaraalka iyo hanti wadaaga ee wadamada galbeedka Yurub bilabeen. Waxa tilmaan u ah mowjadaa koobaad shirkii dumarka ee lagu qabtay Seneca Falls, Newyork sanadkii 1848. Shirkaasi waxa uu ahaa shirkii koobaad ee ay isugu yimaadaan hogaamiyeyaashii dumarku waxaanay soo saareen 12 dalab oo ay ka mid ahaayeen xaqa shaqada, sinnaanta mushaharka iyo ta ugu muhiimsan oo ahayd inay codeeyaan โUniversal Suffrage.โ Waxa kale oo ay iftiimiyeen mabaadiโda kacdoonkooda iyo istiraatigiyadiisa siyaasadeed ee ay ku gaadhi doonaan yoolkooda. Waxa xusid mudan in ay todobaatan sano ku qaadatay dumarku inay codeeyaan, shirkaas ka dib- waxay ahayd uun 1920 kii markii kongaresku ansixiyay qodobka 18 aad ee dastuurka oo dumarka u ogolaanaya in ay codeeyaan.
Bilowgaa hore dhaqdhaqaada Feminism ku waxa uu gacan saar la lahaa ururadii u halgamayay la dagaalanka adoonnimda (Abolitionist movements), waxana la isku deyay in ay ideology lagu garto loo abuuro dhaqdhaqaaqa cusub. Waxa jiray doodo kulul oo ku saabsan kaalinta dumarku ku leeyihiin nolosha bulshada, waxa la niqaashay in badanaa la buunbuuniyay, kartida iyo awooda jidheed ee dumarka iyo garaadkooda maskaxeed oo lagu fuudhinayay ragga. Waxa la malaโawaalay sheegasho odhanaysa in dumarku ka damiir wanaagsan yihiin kana hufnaan badan yihiin ragga sidaa darteed in ay wax maamulaan, bulshadana u adeegaan baahi wayn loo qabo.
Waxa sidoo kale jiray kooxo xagjir ah oo ka howl galay sidii loo liidi lahaa qiimayaasha akhlaaqeed ee dumarku la gaar ka yihiin si loo dhiiri geliyo is dhex galย iyo is garbin ragga iyo dumarka ku dhex marta shaqada, suuqa, maqaaxida iyo goobaha bulshada oo dhan. Dhaqanada la durayay waxa ka mid ahaa xidhoodka, is ururinta, iyo guri jooga dumarka oo loo sawirayay iimo aan ku habboonayn dumarka oo ka dabraya inay soo dhacsadaan xuquuqda ka maqan oo ay horumaraan. Mowjadaas koobad waxay ugu xoog badnayn wadamada Maraykan, Ingiriis iyo Faransiiska; inkastoo ay gacansaar la lahayd ururadii xuquuqda dadka madow u dagaalamayay hadana waxay ahayd uun mid u taagan dumarka cad.
Dr Abdikarim Dahir Hassan โ waa dhakhtar caafimaad oo wax ka qora caafimaadka, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Waa bare wax ka dhiga Jaamacadda Hargaysa.
ckariim2411@gmail.com