Fitnada Horyaal TV Islaamka iyo Somaliland gaadhsiiyey, maxaa u dawo ah? (W/Q: Maxamuud Cali Sh Maxamed “Walaaleye”)

Salaanta Islaamka ka dib, diinta Islaamku waxay inna faraysaa inaan wanaaga is-farno, xumaantana iska reebno. Xadiis Nebiga NNKH  ayaa macnahiisu ahaa “Qofkii xumaan arka haku bedello gacantiisa, hadaanu awoodin, carabkiisa, ama niyada haka naco? Xadiis kale ayaa macnahiisu ahaa “Fitnadu way hurudaa, Ilaahay SW ha nacdallo qofkii toosiya? Ilaahay SW ha innaga badbaadiyee, aamin.

Walaalayaal, maanta waan hubaa in inbadan oo wanaaga iyo wadajirka ummada Islaamka & Somaliland jecel ay dhegahoodu maqleen xumaan Telefishanka Horyaal Tv ee Hargeysa xaruntiisu tahay, baahiyey oo ah cod lagu sheegay inuu ahaa dembigii lagu xidhay Kornayl Doolaal, ee maxkamadu ku xukuntay, ee markii dambena cafiska Madaxweynaha JSL lagu sii daayey.

innagoo ogeyn fitnada iyo tafaraaruqa dhacdadaasi ka dhexabuurtay bulshada Somaliland? Ma garan karo sababta qolada Horyaal TV oo (markii xumaantu wada gaadhay bulshada codkii ka saaray barahooda Facebook, Youtube, ama degel kastoo ku abtirsada, balse nasiibdarro, aan tallada ku darsan inuu raadkeedu sii muuqan karo CODKA FITNADDA ah oo dul iyo hoosba kaga xardhan tahay summadii Horyaal TV, weliba ka sii darrane, cod xayeysiineed ah ee masuulkii u sareeyey ee Sayid Cismaan Mire dhextaal loo dhigay “HAGAHA BULSHADA” annigu “HALLIGAHA BULSHADA” ayaa odhan lahaaye, maxaa yeelay haduu naxteexa bulshada waddo, xumaan intan le’eg ulama badheedheen ubucdiisee, laga maqlayo xilligan bulshada ay ugu soo dhextuureen? Xilli   inta sammaha jecel ee Islaamka iyo reer Somaliland Ilaahay SW weydiisanayeen inuu nabadgelyo ku dhameeyo, quluubta bulshadana waxii xumaan lagu beeray wanaag ugu bedelo!!!

Walaalayaal, Ilaahay SW waxuu quraanka kariimka inoogu sheegay, diinteena islaamkuna inoo sii bayaamisay jidka wanaaga loo maro iyo ka xumaanta loo marro, waxaana qof walba la siiyey doorashadiisa kuu raacayo wanaaga ama xumaanta? Ilaahay SW adoomadiisa dariiqa wanaagsan raaca ha innaga dhige, aamin, haddaba xilligan, oo laba todobaad ka hadheen doorashooyin qiimo weyn u leh qadiyadda Somaliland guddo iyo dibeddba, si weyna hay’adaha kala duwan ee amaanka u qaabilsan xukuumada iyo guud ahaan bulshada Somaliland  heegan ugu jiraan kana feegigan yihiin cadow kasta guddo iyo dibedd isku deya dhaawaceeda? Uma arko waxaan ahayn ujeedada baahinta FITNADA  marlabaad, inay utun iyo naxli xun oo kii hore ka daran xilligan iyo mustaqbalka dib bulshada islaamka iyo Somaliland u kala dhexdhigto qalbiyadooda mooyee, xitaa saamayn ku yeelan karta doorashooyinka aynu hilaadinayno, hadaan degdeg looga hortegin hagardaamadeeda (Ilaahay SW intii abuurtay xumaantiisa haku koobee), isla markaana  xumaanta Horyaal TV faafisay uu 10 jeer ka culus yahay  cadow weerar xabad innagu soo qaada? Maadama ay QULUUBTII UMMADA ISLAAMKA & SOMALILAND dhaawaceen.

Walaalayaal, qofwalba malaa’ig ayaa garbahiisa saaran wanaag iyo xumaan waxuu geysto qoraya, qofka islaamka ahna arrin kasta uu qabanayo hadaanu Alle dartii, iyo abaalmarin u qaban? Eedeedu isaga ayey dambarsan doontaa. Anniga hawshayda maaha hebel dembi ma galay, muu gelin, ciddi masuuliyadeeda leh ayaa lagala xisaabtami doonaa, hadafkaygu waa gudashada waajibka qofwalba saaran ee ka hortaga xumaanta GACAN, CARAB/QORAAL ama NIYADDA, ka nacdo, hadda, iyadoo berri qofkastoo heerkuu ku joojin karayey ka gaabiya weydiinteedu sugeyso, waxaan kula dardaarmayaa, isla markaana ugu nasteexaynayaa ummada islaamka iyo bulshada Somaliland Madax, shacab, Culimmo, waxgarad, aqoonyahan, dhamaan qeybaha bulshada inay ka falceliyaan xumaanta caawa dhexdeena taala ee naxliga QABYAALADDA soohaysa, shay Nebigu NNKH inna yidhi, “ka taga waa qadhmuune” nin la sugayow adna yaad sugi, waxii uu kaga  jawaabto qofwalba deedafaynteeda iyo ka hortaga saamaynteeda, maalin dambe ayuu abaalkeeda ama ciqaabteeda waajahi doontaa? Ta kale waxaan si weyna ugula dardaarmayaa qof kasta oo islaam ah inuu ka fogaado sii faafinta xumaantan iyo sii wadwadkeeda, hadaanu ka shaqeynayn joojinteeda, maadama cuqubadeeda aduun iyo ciqaabteeda aakhiro darran tahay?  Walaalayaal Islaamku waxuu si weyn u ilaaliyaa wadajirka ummada islaamka, qofkastoo dhaawac soo gaadhsiiyana ciqaab aduun abaalkeeda wuu galabsan, tii aakhiro way sugeysaa iyo meel daran? Ilaahay SW dhamaanteena ha innaga badbaadiyo NAARAHIISA, aamiin.

Walaalayaal, iyadoo isweydiintu tahay FITNADA HORYAAL TV ISLAAMKA & SOMALILAND GAADHSIIYEY, MAXAA U DAWO AH? oo odhan karo (WADAJIR u waajaha xalinteeda),  ayaa haddana wax ka qabashada fitnadan iyo ka daba taga inaanay dhaawac kala dhantaal xun gaadhsiin wadajirka ummada islaamka ee Somaliland masuuliyadeeda tahay qofkstoo islaam ah, loogana baahan yahay inuu waxii tallo iyo tusaale awoodiisa ka geysto, ayey haddana, waxay gaar u sii saaran tahay xukuumada iyo hay’adaheeda amaanka, waxaana ANNIGA & BULSHADA Somaliland si dhow ula socon doonaa, talaabada ay u qaado xal ka gaadhisteeda, maadama fitnadani oo Walaahi, diiniyan, caqliyan, sharciyan mid walba diidayo, ku ajburaysa inta caqliga u saaxiibka ah inay si adag u deedafeeyaan, Ilaahay SW waxaan ka baryayaa inuu dariiqa XAQA inna waafajiyo, innaga, waalidiinteen, ummada islaamka dhamaantood, gargaarkiisa iyo naxariistiisana siiyo walaalaha Falastiin ee cadowga YUHUUDU awooda u sheegtay, Aamiin.

Maxamuud Cali Sh Maxamed “Walaaleye”
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland