Furrinta Warbaahinta iyo Qaddiyadda (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Waxaa hadda ila soo hadlay dad reer Somaliland oo Canada ku nool. Hadda waa 1:00 pm habeenimo  dhinaca Canada, dadkaasi xiligaa waxay u soo kaceen shir degdeg ah oo ay wax iska waydiinayaan shirka kediska ku noqday ee Jabuuti. Ilaa 40 daqiiqo ayaan la hadlay waxaanan la wadaagay wixii xog aan ka hayey arinkaa waxaanan u sheegay in xataa dadka dalku aanu war badan ka qabin sida wax u socdaan. Dabcan waan u sheegay inaan mucaarid ahay balse arintani tahay mid masiiri ah oo ay tahay in aynu dhinac aynu uga soo wada jeesano. waxay iyaga laftoodu isugu jireen mucaarid iyo maxaafidba.

 

Arinka igu kelifay inaan idinla wadaago arinkan ayaa ah in Xukuumaddu ka gaabisay iney dadkeeda u waranto kadibna dhinacyadda aynu is hayno ayaa fursad u helay dhegaha dhegaha iyo quluubta qurbo-joogto iyo qolqol-joogtaba. Waxaa dadkii la geliyay baqdin iyo in laga noqday qaddiyaddii inaga oo guul iyo wanaagba Alle (swt) inagu galladay. Ma garanayo sababta idaacadda RADIO HARGEYSA, SLNTV, DAWAN iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay loogu adeegsan waayay difaaca iyo buunbuuninta qaddiyaddeena. Miyaanay Xukuumaddu daacad ka ahayn guusha? Ma Karti darraa? Waxaanu leenahay furrintaasi way inagu banaantahaye, idinkamana aha daacadnimo darro’e, inaga awda oo yaan la inoo waydaaran dadka.