Fursada Somaliland Ugu Jirta Heshiiska Taywaan (WQ: Liban Ismail Burale)

Taywaan in kasta oo ayna haysan aqoonsi buuxa haddana waxa ay leedahay ย aqoonsi macaamilaad oo ah nooca loogu yeedho ( Semi Sovereign State).

 

Waxaana loo ogol yahay in ay heshiisyo gali karto weliba kuwa culus ee loo yaqaan (Bilateral Relations), waxa ay leedahay xulufo waaweyn oo Maraykanku muddo 30 sanno dhaafaysa ย ayuu aqoonsi iyo macaamil ba ahaan ba kor sidii hore ugu soo qaaday.

 

Waxa ay ka mid tahay Taywaan ururka Ganacsiga adduunka ee loo yaqaan ( World Trade Organization) kaas oo ay ku biirtay sanadkii 2002-Kii iyada oo si gooni ah loogu habeeyay in lagula macaamilo ( Separate Customs Territory of Taiwan).

 

Taywaan warshado ahaan iyo dhaqaale ahaan ba waxa ay ku jirtaa wadamada horumarsan waxaanay wax is dhoofsi la leedahay Midawga Yurub oo ay ku jirtaa wadanka 15-aad ee midawga yurub wax u soo dhoofiya.

 

Maraykanka iyo Taywaan waxa ka dhaxeeya xidhiidh Ganacsi iyo Iskaashi qoto dheer kaas oo diblamaasiyad ahaan loogu yeedho (Taiwaneseโ€“American relation) halka taariikh ahaana loogu yeedho (Sinoโ€“American relations) sida oo kale Taywaan iyo Maraykanka waxa ay leeyihiin Qunsuliyado labada wadan ku kala yaal, Qunsuliyada Maraykanku uu Taywaan ku leeyahay waxa loogu yeedhaa ( American Institute in Taiwan) halka Qunsuliyada Taywaan ay ku leedahay Maraykanka gudihiisa loogu yeedho (Taipei Economic and Cultural Representative Office in the United States).

 

Taywaan sida oo kale waxa ay ka mid tahay ururka iskaashiga dhaqaalaha ee wadamada Aasiya ย (Asia-Pacific Economic Cooperation (APEC) forum) ย iyo bangiga horumarinta Aasiya ( the Asian Development Bank)

 

Taywaan sida oo kale waa wadanka 7-aad ee ugu horumarsan Dhaqaale ahaan Aasiya sida oo kale waa wadanka 22-aad ee adduunka,sida oo kale waa wadanka 1-aad ee ugu horeeya adduunka (Computer microchips maker).

 

Meelahaas koobani waa xidhiidhka Taywaan ay la leedahay wadamada waaweyn ee dunida sidaas marka ay tahay Somaliland waxa arrintan xidhiidhka Taywaan ugu jira dhawr arrimood oo waaweyn oo aynu ka xusi karno

 

In Somaliland ay ardaydeedu ka helaan waxbarasho oo kala duwan weliba ardayda cilmiga Tignoolajiyada dhigata maadaama ay nolol ahaan aanay qaali ahayn tayo waxbarasho ahaana aad u sarayso.

 

Ganacsada ย wax soo dhoofsata ee wadanku in ay alaabta ka keeni karayaan si fudud weliba iyaga oo u ku tagaya si maamuus leh oo baasboorkooda sita alaab tayo leh oo jabana ka helaya.

 

Alaabaha qaydhin ( raw Material) ย ee ay Taywaan u baahan tahay oo aynu u dhoofin karno si fudud taas o ah suuq dihin oo cusub oo aynu u helnay wadan ahaan.

 

Waxa kale ee innoogu jirta in aynu ka barano siyaasadda ku dhisan saaxiibtinimada ee ay Taywaan la wadaagto wadamada waaweyn.

 

In aynu helno fursado siyaasadeed oo wadamada kale ee Aasiya aynu kaga kasabno iskaashi xidhiidh, dhaqaale iyo siyaasadeedba .

 

In Maraykanka oo Somaliland og mihiimada ay mandaqada Geeska ugu jirto ay Taywaan inoo noqoto fursadii si fiican aynu isula jaanqaadi lahayn.

 

In China oo aan siyaasad ahaan u furfurnayn uu Somaliland la yeesho xidhiidh diblamaasiyadeed oo aynaan hore mihiimada Somaliland u dareensanayn taas oo diblamasiyada loogu yeedho ( Tact and Consideration) fursadna u ah Somaliland diblamaasiyad ahaan.

 

Isku soo wada duub oo waa talaabo weyn oo ย wadanku hore u qaaday waxaanay keenaysaa in albaabo badan oo diblamaasiyadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale ba ay wadanka u furmaan waana fursad weyn oo fursado kale horseedaysa maadaama inta badan xidhiidhada diblamasiyadu ku dhisan yihiin aragtida loogu yeedho ย Tix-galin iyo Xeelada ( Tact and Consideration).