In badan ayaa lagu celceliyey si loo weeleeyo in: “Akhlaaqdu ay u taagan tahay jiritaanka dadnimada”, ummadina haddii ay akhlaaqdu ka dhimato aanay jiritaan qiima leh yeelan karin.
Akhlaaqdu waa waxa Aadmiga ka sooca noolaha kale ee aan caqliga lahayn, akhlaaqna waxa gundhig u ah DIIN, diintu waa masdarka ama isha keliya ee akhlaaqda laga hago.
Dhacdada Gaalkacayo ka dhacday waxa ay ka tarjumaysaa hab-dhaqan dad bahaloobay oo ka tegay akhlaaqdii Aadminimo ee Alle jinsiga Aadanaha ku abuuray.
Dadkaa hororka noqday, waxa tubtii toosnayd ee ay ka habaabeen ku soo celin kara oo keliya: “Iyada oo xukunka shareecada ee dadka marinhooggaas mara loogu tala galay lagu fuliyo”.
Xogaha ka soo baxaya dhacdadii inanta yar ee Gaalkacayo ka dhacday la xidhiidhaa waxa ay sheegayaan:
1) In inanta yar ay afduubeen, kufsadeen si wadar ah, isla markaana dileen toddoba nin.
2) In guriga lagu dilay uu ahaa guri ay degganyihiin laba wiil oo ay habaryarteed dhashay, isla markaana guriga Caasha yar cuntada looga qaadi jiray, maryahana loogu maydhi jiray, labadii wiilna ay falka qayb ka ahaayeen.
3) In toddobada nin ee falkaa foosha xun ku kacay uu ku jiray nin jaarka ahaa oo nin weyn ahaa, caruurtiisuna dugsi sare dhiganayeen !
Ilaahay mahaddii waxa la sheegayaa in nimankii la hayo badankoodii, in ay xukun falkooda u dhigma oo shareeco heli doonaanna waannu rajeynaynaa.
Waxase is wayddiin leh, akhlaaq xumida intaas le’eg maxaa dadka gaadhsiiyey, iyaga oo aan cawaan ahayn ee dal iyo dad muslim ah ku dhex nool, qaraabo iyo jiiraanna ay ilmahan yar yihiin?
La iskuma khilaafsana in ay akhlaaq xumo iyo liidasho dadnimo nimankaa Aadminnimadii ka rartay oo Yeynimo u beddeshay, maxaase u raaca ma gacanshisheeye ayaa ku jirta, mise daroogo iyo wax la jaad ah ayaa heerkaas gaadhsiiyey?.
Laba arrimoodba si isku mid ah ayaannu uga dhawraynnaa masuuliyiinta kiiskaa gacanta ku haya:
1) In ay bannaanka soo dhigaan falkani sida uu u suuroobay iyo waxa kelifay.
2) Xukunka lagu rido nimankaas iyo cidkasta oo kiiskaasi lugta la galo.
Alle ha u naxariisto Caa’isha, ehelkeediina samir, iimaan iyo cawil khayr qaba ha ka siiyo.