Gabadhu xaq shareecadu ogoshahay ayaa ay u leedahay in ay ninka ku diiddo saboolnimada….W/Q:(Kamaal marjaan)

Gabadhu xaq shareecadu ogoshahay ayaa ay u leedahay in ay ninka ku diiddo saboolnimada. Waxaaba la hayaa Nebiga (SCW) oo gabadh saxaabiyad ahayd oo la odhan jiray Faatima Bint Qays kula talinaya, in aanay guursan asxaabigii weynaa ee Mucaawiya Bin Abi Sufyaan, (Alle ha ka raalli ahood labadoodaba), isaga oo sababta ku sheegaya in uu yahay faqiir aan maal lahayn.

Waxa se iyaduna jirta oo Qur’aanka Kariimka ah ku cad in Allaah (SWT) uu risiqa u furayo addoomihiisa saboolka ah ee isu guursada in ay isku dhowrsoonaadaan.

Waxa aad mooddaa in ay dadka iskaga qaldantahay danta bulshada ee markaa jirta, iyo shareecadu. Waan aaminsanahay in maanta ay bulshadeennu u baahan tahay in guurka la dhiirrigeliyo, waayo waxa aynnu nahay bulsho boqolkiiba 70 dhalinyaro ah, saboolnimada iyo jeeb madhnaantuna ay ku badantahay. Sidas awgeed, in guurka maal lagu xidhaa ay keeni karto guur la’aan badan iyo in ay bataan dembiyada shareecada ka dhanka ah ee bulshadeenna burburka dhaqan u horseedi kara.

Dhowaan gabadh Sheekh Muna la yidhaahdo ayaa jeedisay hadal nuxurkiisu yahay, in dumarka ay diidaan guurka ninka faqiirka ah. Waa lagaga aragti duwanaan karaa, iyada oo lala akhriyayo duruufeenna, ama caddaymaha kale.

Waxaa se la yaab ah, in mar keliya ay ragga dalka, ama Soomaalida badankooduba ay ka qayliyeen hadalkaas, wadaaddo badanina si diini ah u naqdiyeen, iyada oo aan sidaas looga guban hadallada ninka Daaci Saalax la yidhaahdo ee bilaha badan innala hortaagnaa hadallo badan oo deelqaaf ah ama shaciga iyo dhaqankuba ay diidayaan.

Waxa ka mid ah wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, maalmo yar gudahood ayaa ay ugu yeedhay gabadhaas, weliba raalligelin lagu kallifay, iyada oo aan mar keliya loo yeedhin ragga uu ninka aynnu magacawnay ka mid yahay, ama qaarkood wadaaddo sheegtaan ee maalin kasta jeediya hadallada aan qiilka lahayn ee haweenka ka dhanka ah.

Markii hadalka gabadhani soo baxay, golaha wakiillada Somaliland ayaa dhaqso ugu yeedho Sheekh Nasiiba Aadan Siiro, waxa ay wax ka weydiiyeen hadallada sheekh Muuna ee guurka faqiirka, maadaama oo ay ka hadashay munaasabad ay abaabulkeeda lahayd Sheekh Nasiiba. Goluhu waxa uu haweenkan amar ku siiyey in ay arrimaha fatwada uga dambeeyaan culimada waaweyn.

Waa tallaabo sax ah, sida oo kale waxa ay ku ammaanan yihiin in ay hablahan bogaadiyeen, kuna dhiirrigeliyeen sii wadista dadaalkooda diineed. Waxa se su’aashu tahay maxaa hadda keenay yeedhmadan degdegga ah, iyada oo la ogyahay tobannaan rag ah oo habeen iyo maalin wacdiyo muran abuura jeediya, fatwooyin marar badan hadal ka soo noqdana sheega, laakiin aan mar keliya lagu odhan culimada waaweyn u daaya fatwada.

Tallaabadaas wasaaradda iyo golaha wakiilladu waa hawl sax ah, laakiin ciddii ku habboonayd aan laga wada qaadin.

 

 

 

 

Xigasho:Kamaal marjaan

Bandhige@gmail.com