Galbashada Ilayskii Ifka (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

I: Habeen baxsan oo naruuro badan, dadkuna wada faraxsanyahay, waayeelkuna kolkaas uun ardaaga ku hoydeen. Doobabkii iyo gaashaantimooyinkiina ay daafaha ardaayada ku jalbeebtamayaan ayuu ahaa. Saxansaxo udgoon oo aad u caraf badan, ayaa dadka intii dibadda ardaayada joogtey ay sanka la raac-raacayeen. Maanta galabtii waxa yeelku tilmaamayey saansaanta roob gudgude ah, oo deegaanka miri doona saqda dhexe. Illaa iyo kolkii cadceeddu godka kusii galbanaysey, waxa is qabsaday heelimaadka roobka soo onkodaya, iyo iftiinka cadceedda ee sii galbanaya.

Dhammaan dadka deegaanku, waxa ay moogganba u henganayeen gudgude lagu qabowsado, oo aan beryahaa ku di’in. Nabad lagu caano maalay ayaa ka jirta deegaanka meelo badan oo kamid ah, se gulufyo dagaal baa deegaanno jaal iyo jaarba la ah ka socda. Kuwaas oo ay isku haleeleen ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Amisom. Waxaana aad looga itaal roonaaday kolkaas Al-Shabaab, oo deegaanno dhawr ah laga fara maroojiyey. Habeenkaas, waxa deegaanka ardaa kamid ah ku foolaneysay, oo aad u xanaf wareeraysey hooyo Batuulo.

Waa la sugay, oo la sugay waxaana lagu ducaysanayey “Allow kala nabad keen”. Goor ku siman labadii habeennimo, ayaa ay ummushey gabadh. Isla durbadiiba roobkii gudgudaha ahaa ee galabta la saadaalinayey, ayaa ku bilaabmay deegaankii. Farxad iyo rayn-rayn ayaa lagu qaabilay. Batuulo odeygeedii Samatar, oo kolkaas uun kobta soo istaagey, baadi-goobna ugu jirey neef ka lumay, ayaa gabadhii u dhalatey caawa lagu taabtey warkeeda.

Samatar aad buu ugu ugu riyaaqay naxariistaas Eebbe iyo gabadhaas la isugu beegay, isagoo dhoolacaddeynaya ayuu kor u yidhi: “CAAWA WAA HABEEN BAXSAN, MAHADDAA EEBBOW ADAA LEH!” Waxa uuna u sheegay intii jaarka ahayd ee ardaaga fadhiday in gabarta u dhalatey uu u bixiyey “Baxsan”. Dhammaan dadkii kalena waa la qaateen magacaas bilan in gabarta loo bixiyo. Roobkii kolkii uu cabbaar maasheeyey deegaankii, ayaa dadkii jaarka ahaana ka huleeleen ardaagii reer Samatar, oo ardaayadoodii ku hoydeen. Aroortii waxa is qabtay roobkii xalay miray deegaanka, oo carro san ah iyo iftiinka qorraxda ee oogta waaberi. Ramad dhaley caanihiisii baa hadhuubyo laga dhamay, deedna qof kastaa waxa uu abbaaray halkii hawl ama hadal ka xigey.

Baxsan waxa ay noqotey bilicsan ku soo biirtey reerka. Muraayad la isku daawado, oo Eebbahay dhaban iyo dheeh saafi ah ku galadeystay. Deegaankii ay ku dhalatey ee Far libaax, oo hoos taga degmada Beled Weyne, ayaa laga wada jeclaadey. Kolkay kacaantay oo gabadh dhoocil ah noqotey, aabbeheed Samatar cabsi xooggan baa soo food saartey. Waxa uu ka cabsi qabey haddii Baxsan ay waxoogaa ugu darsanto da’dan hadda ee lix jirka ah, in laba waddo oo mid walba ay tahay dhabbo halaq ay u qorsheysatantahay. In ururka Al-Shabaab ay qasab ku guursadaan, iyada oo da’da intaas ah jirta, ama in dhibaato xooggani ka soo waajahdo ciidamada Amisom, oo tacaddiyo aan loo aabbo yeelin ku haya deegaanka.

 

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Email: abdifatahbarawani@hotmail.com