Maxaa keena ma dhalaysnimada dumarka “femal infertility ” (WQ: Mukhtaar Naasir)

ma dhalaysnimada dumarka waxa lagu qeexaa in ay isu diyaariso qofka dumarku ugu yaraan mudo hal sano ah in ay uur qaado taas oo ay ku guullaysan waydo.

waxyaabaha ku keena ma dhalaysnimada dumarka aad bay u adagtahay in la ogaado, inkasta oo daawooyin badan la diyaariyay si xal looga gaadho arintan , dawo kastaana waxay ku xidhantahay la xaqiiyo waxa ku sababay arintan.

ASTAAMAHA LAGU GARTO

• astaanta uga wayni waa gabadha oo uur qaadi wayda ama waqtiga caadada/xaydka oo ka bata 35 maalmood ama ka yaraada 21 maalmood.

MAXAA SABABA?

1. khalkhal ku yimaada caadada

2. dhuumaha ugxanta soo qaada oo dhaawacma

3. unugyada ku samaysa gidaarka makaanka oo meelkale ku samaysma.

MAXAA KHATAR KUU GELLINKARA INAAD MA DHALAYS NOQOTO.

1. da”da qofka dumarka oo waynaata maadaama oo marba marka kasii dambaysa ay yaraanayso ugxanta ku jirta jidhkeeda

2. sigaar cabista.

3. miisaanka qofka , miisaanka oo xoog u bata ama yaraadda waxa uu khalkhalinayaa caadada ama xaydka.

4. qofka oo qaba xanuunada galmada lagu kala qaado sida waarabowga ama xabada.

5. Qofka oo khamrada caba.

SIDEE LOOGA HARTAGI KARAA.

 Miisaankaagu ha noqdo mid dhexdhexaad ah.

 jooji isticmaalka sigaarka ama tubaakada.

 ka fogow cabista khamrada.

 iska yaree warwarka .

 yarayso bunka ama kafeega aad cabtid.