Geeddi-Nololeedka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Magaciisa oo buuxaa waa Vladimir Vladmirovich Putin.Wuxuu dhasahy 7 bishii tobnaad ee sannadkii 1952-kii. Waxaanu ku dhashay magaallo-ganacsiyeedka la yidhaa SAINT PETESBURG. Hooyadii waxa la odhan jiray Maria Ivanorna. Hooyadii waxa ay ahayd shaqaale warshadeed, dhaqaalaha qoyskooda oo yaraa awgii, Awoowgii aabo wuxuu dabaakh (cook) u ahaa hogaamihii soofiyadka Joseph Stalin, ka dib wuxuu ka codsaday inuu inankiisa loogu daro ciidamada badda ee Ruushka, sidaasina ayuu ku galay ciidanka. Wuxuu la dhashay laba wiil oo ka weynaa, balse waxay dhinteen markay dhasheen, waxa haleelay xanuunka gowracatada (diphtheria) badhtamihii sannadkii 1930-kii.

Sannadkii 1960-kii ayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga hoose. Dugsigani wuxuu u dhawaa meel aan ka fogayn gurigooda. Wakhigaasi wuxuu jeclaa ciyaaraha, waxan dhici jirtay inuu dhexda ku sii ciyaaro intaanu gaadhin dugsiga, taaso habsan ku keeni jirtay oo macalimiintu kaga caban jireen.

Sannadkii 1964-kii wuxuu bilaabay dugsigii dhex, isla-dugsigii hore ayuu ka galay. Wuxuu fasalkoodii ka noqday horjooge (alifle) taaso markii dambana keentay inuu xubin ka noqdo guddiga dugsiga.

 

Sannadkii 1968-kii ayuu bilaabay waxbarashadii dugsiga sare. Wuxuu mar kale noqday guddoomiyaha ardayda dugsiga . waxa u suurtagaliyey hab-dhaqankiisa oo mid degan oo dulqaad wata. Dhaqankaasi ayaa soo jiitay maamulkii iyo macalimiintii dugsiga.

 

Sannadkii 1972-kii ayuu bilaabay jaamacadda , waxaanu bartay sharciga caalamiga ah. Jaamacadiisa waxa la odhan jiray ‘Leningrad state university’. Waxa ay ahayd jaamacad ay dawladu maamusho. Wuxuu sii watay waxbarashadiisi waxaanu gaadhsiiyey  shahaadada PHD. Wuxuu shahaadada PHD-da ku diyaariyey qorshaha habboon ee xidhiidhka dhaqaalaha. Markuu jaamacadda ku jiray ayuu xubin ka noqday xisbigii hanti wadaaga ee midowgii soofiyadka. Wuxuu xubintaasi ahaa ilaa intii u kala jabayey midowgii soofiyadku sannadkii 1991-kii.

 

Sannadkii 1975-kii ayuu ku biiray hayadii sirdoonka ee midowga soofiyadka ee la odhan jiray (KGB). Waxaana loo diray tababar lagu siinayey dugsigii caanka ahaa ee lagu baran jiray sirdoonka iyo nabadsugida ee la odhan jiray ‘Okhta school’. Markuu soo dhammaystay dugsigii wuxuu noqday sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka soofiyada (KGB). Wuxuu derejada ka gaadhay gaashaanle dhexe ( lieutenant colonel).

Sannadkii 1985-kii ilaa 1990-kii ayuu sirdoonka (KGB) u magaacabay wakiil u fadhiya jarmalka bari. Markii ay dhacay jamhuuriyadii jarmalka bari ayaa dib loogu yeedhay.

 

Sannadkii 1991-kii ayuu ku noqday jaamacadii Leningrad ee uu wax ku soo bartay. Waxaana loo magacaabay guddoomiyaha arrimaha caalamiga ee jaamacadda. Mudadii uu jaamacadda ka hawlgeli jiray wuxuu caawimo ka helay macalinkiisi hore ee jaamacadda . taaso keentay inuu markii dambe ka noqdo duq magaalada Leningrad oo jaamacaddu ku taalay. Ka dib wuu iska casilay jagaasi.

 

Dabayaaqadii sannadkii 1991-kii waxa loo doortay inuu madax ka noqdo guddiga xidhiidhka dibada ee magaaladii uu ku dhashay ee Saint Petersburg. Wuxuu ka qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhoofinta biraha oo lagu qiimeeyey $93 malyuun. Arrintaasi waxa ay u soo jiiday sumcad uu caan kaga noqday magaalada. Waxaanu xilkaasi hayey ilaa 1996-kii.

 

Sannadkii 1997-kii ayuu noqday duq-ku-xigeenka magaalada Saint Petersburg, waxaanu taageero weyn u hayey dawladda. Dabayaaqadii sannadkaasi ayuu madax u noqday ilaalinta hantida dawladda ee madaxtooyada Ruushka. Ka dib M/weynihii Ruushku ee wakhtigaasi oo La odhan jiray Boris Yeltsin ayaa aaminay, waxaanu ka dhigay ku-xigeenka shaqaalaha madaxtooyada, waxaanu xilkaasi hayey ilaa 1998-kii. Wuxuu daacad u ahaa M/weyne Yeltsin, wuxuu kaga nastay shaqada culus ee madaxtooyada ka haystay.

 

Dabayaaqadii sannadkii 1998-kii ayuu M/weyne Yeltsin u magacaabay madaxa hayada FSB  oo ah hayada sirdoonka ee Ruushka oo beddeshay hayadii sirdoonka ee KGB. Ka dib wuxuu si buuxda uga mid noqday xubin joogto ah laanta nabadsugida ee Jamhuuriyadda Ruushka.

Sannadkii 1999-kii ayaa loo magaacabay Raysal-wasaare ku xigeenkii saddexaad ee Ruushka. M/weyne Boris Yeltsin ayaa ku dhawaaqay inuu Putin noqon doono ninka bedeli doono isagoo ku qeexay nin dulqaad iyo waxqabad badan oo dalka lagu aamini karo.  16/8/1999-kii ayey guriga baarlamaanka ee la yidhaa’ DUMA’ ayaa u doortay raysal-wasaare buuxa. Waxa Putin ku socday mucaaridnimo xooggan oo kaga timid maayirkii magaalada moosko iyo gudoomiyihii  hore ee dawladda Ruushka, oo iyagu doonayey inay beddelaan M/weyne Boris Yeltsin. Labadan siyaasi waxa ay dagaal siyaasadeed u galeen sidii ay u horjoogsan lahaayeen inuu Validimir Putin M/weyne noqdo. Markii uu kursiga fuulay ayuu xiniinyaha ka saaray labadii siyaasi ee mucaaraday. Putin wuxuu ku soo caan baxay markii uu dagaalka kagaga adkaaday jabhadii jeejinya ee gooni-u-goosadka doonaysay.

 

Sannadkii 2000 ayuu ku guulaystay inuu noqdo M/weynaha dalka Ruushka. Wuxuu soo bandhigay inuu jamhuuriyadda Ruushka ka dhigo 89 qaybood oo fadaraal ah iyo 7 degmo oo hoos yimaada. Dhammaantoodna waxa maamulaya jamhuuriyadda Ruushka. Wuxuu xilkan hayey (2000 ilaa 2004).

 

Sannadkii 2004-kii ayaa mar labaad loo doortay M/weynaha dalka Ruushka. Isagoo helay 71% cododkii la dhiibtay. Wuxuu xilkan hayey (2004 ilaa 2008)

 

Sannadkii 2008-dii ayey mudadiisi dhammaatay, oo mar saddexaad isma soo sharaxi karo. Marka la eego distoorka u taalla dalkaasi. Ka dib wuxuu soo sharaxay saaxiibkii oo ahaa Dmitry Medvedev oo ay xulfo weyn ahaayeen. Waanu ku guulaystay M/weynihii ka dib wuxuu raysal-wasaare u magacaabay Putin.

Sannadkii 2012-kii ayuu mar saddexaad isu-sharaxay M/weyne, waxaanu ku guulaystay codod ah 63%. Markii lagu dhawaaqay guusha Putin waxa gilgilay Ruushka mudaharaadyo waaweyn guud ahaan dalkaasi, kaasoo lagaga soo horjeeday Putin.

 

Sannadkii 2018-kii ayaa markii afraad loo doortay xilka madaxweynenimo, isaga oo helay codod dhan 77% cododkii la dhiibtay.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah. 

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

www.biography.com/people/vladimir-putin

https://en.wikipedia.org/wiki/Vladimir_Putin

eng.putin.kremlin.ru/bio

https://www.irishtimes.com/culture/books/inside-the-mind-of-vladimir-putin-two-takes-on-the-russian-president-1.3433998