Geeridii sahayatey da’yarteena, masiibo mudan wax ku qaadasho (WQ: Mustafe Suleymaan Cilmi)

Hal-Qabsi:

Dhallaankaan la barin Qur’aanka iyo Qowlkii Nebigeena,

Waa Qaafil Korayee, haddaan Waalid Qaban Qaabin.

Qalad iyo Sax, Haddaan Looba Kala Qeydin,

Maxaa loo Qabsanayaa, Markuu Qar iyo Buur Jiidho….

Tixo ka mid Gabaygii “Qaran-jab” ee Gabyaa Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac “Lugooyo”1998-kii

Toddobaadkan dhammaadey waxa inagu soo dhacey warkii dhiilada lahaa oo da’yar badan ay ku haligantey badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga iyaga oo tahriibaya. Waxay aheyd toddobaad madow oo aynu kala kulaney waayaha nolosha. Murugada aynu ka siman nahay iyo tacsida aan gudbinaayo ka sokow, runtu waxa weeye, in dhibku aanu aheyn marka koowaad oo uu inala soo darso balse waxaa uu noqdey midka sida ugu cusleyd inoo damqey oo meel kasta oo kaga nool nahey dacalada dunida si isku mid ah oo looga hadley.

Haddaba, Inaga oo isku duuban ummad ahaan iyo inaga oo dhinac walba waajibkiisa loo qeydayo habka farsamo oo ay la inooga baahan tahey waa sidee? maxaa ay tahey in aynu sameyno si wax looga qabto inta iyo inta awoodeena dadnimo la gudboon? Masiibadu waa mid sidee inoola soo deristey? Intee qeyb ka nahey sababaha ku lamaan mushkilada tan? Qaabkee ugu haboon si aynu wax-ka-qabashada mustaqbalka xalkeeda uga fikirno? Ma xakameyn karaa dhibka mase daweyn karnaa? Intaas iyo ka badan oo su’aalo ah ayaa haboon in aynu isweydiino ummad ahaan misna wax-qabad dhab ah ay waajibtey in lala yimaado! Waabase, sida ninkii murti maalka ahaa oo yidhi “hadduu sii go’ay” isaga oo ka hadlaayey meydka ay duugayeen oo ka dhacey rarabta.

Sida looga hal-celiyey ma aha mid si dhab ah jawaab ku filan u ah oo in aynu inta awoodeena ah sida ay aheyd in loola tacaalno mushkilada tan ay habooneyd. Waa sida aynu qabatiney in si dur-duro iyo darjiidh ah la isaga hadlo. Waa mid aan la isweydiin in cid walba waajibkeeda loo daayo oo lagula xisaabtamo misna laga dhursugo sida ay uga hal-celiso arrimaha marba si u dhacaaya.

Waa tusaale ka turjumaya sida aynu uga ceydhowney curinta garaadka wanaagsan iyo ka faa’iideysiga ummad ahaan inala gudboon oo intan muddooyinka dambe isa soo taraayey isla markaa lagu talaaley saaxada siyaasadeen oo curdinka ah! Waa dhibaato aynu isu tacliimineyno ummad ahaan oo jiilasha dambe ee mustaqbalka hagardaamo ku ah? Waaba heynaa hordhacii hagardaamada oo waa tan aynu si fudud ula qabsaney dhimishada daryarteena mar walba le’aneysa oo Libaax-badeedka iyo Nibiriga sooryo joogto ah u noqdey! Waa markhaati cad oo fasiraaya in aynu ku fashilaney maareynta nolosheena ijtimaaciga ah ummad ahaan! Intaasba maaha in aynu dafirto oo waaqiciga dhabta isha ka lalino.

Inta badan faalooyinka lagu tiraabey masiibada da’yarta sahayatey waxay muujinayaan damqashada ina gaadhey balse waxaan saluugey in aan si mug leh loo abaarin sida ay aheyd talada ay inoog baahneyd? Waaba, mucaarad isku sheeg dhaleeceyn la boodey mise mid ka horjeeda oo muxaafid is-bidaaya oo difaac isu gaabiyey, waa caadifad iyo tix-raac wakhti hore ay gudbooneyd in tacbiir sax ah lala yimaado IWM. Maanta waxba ka dhimeyso dhibta marka laga reebo qeylada yeedhey balse wax-ku-qaadasho iyo in garowshiiyo lala yimaado ayaa haboon? Ma daadifeynayo in dhamaantood ay ka turjumayaan damqashada inagu habsatey oo xanuun badan ha u badsadeen waalidiinta iyo qaraabada da’yarta le’atey! Waxay I xasuusisey naxdinta Walaalkey Marxuum Khaalid oo kal-hore sidatan oo kale ku hoydey saxaaraha Masar loo maro isaga oo si lama filaan ah u dhaqaaqey-AHUN-! Samir iyo Imaan Alle ha inaga siiyo dhamaantood inta noolna ha ka dhowro masiibatadan oo kale-In sha Allah.

Waxaan ku baraarujin lahaa kuwa ku miyir beelay saaxada siyaasada misna kufsadey muunadeeda in ay ka waan-toobaan dheel-dheelka iyo Ilmada Yaxaaska oo sawir indho-sarcaad ah ummada uga dhigaan xilliyada dhibaato sidatan oo kale lasoo gudboonaato! Xaasha’e, Ummadu sida aad is mood-siiseen uma wada suulin balse way u bisishahey in ay guddoonkeeda la timaado haddiiba ay la soo gudboonaato go’aan qaadasho kama dambeys ah oo daawo waarta u ah arrin ay qanaacad ka joogaan dabiibka qadiyad oo cida ay u Idmadeen masuuliyadaas ku guuldareysatey.

Haatan iyo dan, waxaan haboon in aynu qaran ahaan si wadajir la isu yimaado oo talo la is-weydiiyo weliba daraasad dhab ah oo si cilmiyeysan oo farshaxan aqooneed huwan loo sameeyo si deg-deg ah? Halkan weeyi, meesha iyo halka laga hilaadin karo XALKA dhibaatada inaga oo adeegsaneyna hibada garashada Alle inagu maneystey.

Gunaanad, waxaa haatan yimid wakhti ay su’aal ina hortaalo oo ay waajibtey in qiimeyn lagu sameryo oo isu jirabno sida ummad ahaan loo curiyo misna loo jilaayo halganka nolosha iyo hiigsiga mustaqbalka; qof ahaan, qoys ahaan, qabiil ahaan, iyo qaran ahaanba? Waa xaqiiq taagan oo aan dood inooga baahaneyn in farsamo ahaan waajibtey ka dib 25 sanno oo guul iyo badhaadhe ah lagu soo noolaa; xabad joojin, nabadeyn, dib-u-heshiin qaran, hub-ka-dhigis iyo yagleelka dowladnimo in kasta oo maamul fidintu weli ay qabyo tahey degmooyin ka mid dalka balse wadan kala hor-horumarey iyo ummad kala-kortey iyo in badan oo mas’alooyin kala duwan ah ayaa ummad ahaan inagu waajibtey in aynu dhugano oo miisaan saarno una dhaadhacno waayaha ku gedaaman.

Waa halkakan meesha qarankeena aan ka jabin Karin sida uu hilaadiyey gabyaagii weynaa ee Alleystey oo tixaha hal-qabsiga ka soo amaahdey. Waa haldoor Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac-Lugooyo-AHUN. Maxaa dhaxal la inooga tagey balse aynaan dhaadan marka ladnaansho lagu jiro.

 

Allow sahal amuuraha Adaa Qaadir ahe!

 Allaa mahad leh,

Qalinka:                Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

Tel: 00 252 (0)634137470

Email: mustafe72@gmail.com