Geeridii Shariif bay sheegayeen gacal ha waayeen (WQ: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

 

TAARIIKH-NOLOLEEDKA  IMAAM SHARIIF CABDI NUUR XASAN

Imaamka fiqi yaqaanka ah, usuul ruugga ah, muxaddiska qarniga Al Callamah Shariif Cabdi Nuur waa aqoon yahan laga wada yaqaanno caalamka Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna bulshada Soomaalida. Madax meel ka sareeya oo la taabto ma jiro. Sidaa daraaddeed, maadaama aan ka soo sheekaynaynnay xadiis yaqaannada Muslimiinta, qarnigan waxaan ka soo qaadanay Al Bani iyo Shariifka.

Shariif Cabdi Nuur wuxuu ku dhashay Magaaladda Baabili sannadii 1941ee ka tirsan Ethiopia.  Waxa uu ka soo jeedaa qabiillada Ashraafta oo la yidhaahdo waxayna ku abtirsataa Aalu Baytka. Hooyaddii waxay ka dhalatay Ogaadeen, reer Cabdalle; reer Ugaasna ka ah. Sheekha waxa uu la dhashay 10 wiil oo dhammaan ka wada weyn; waana niman fuqaha ah oo Shaaficiyo ah.

Shariifku wuxuu ka bilaabay barashadda cilmiga diiniga ah magaaladda Baabili. Naxwada ama dhismaha luuqadda Carabiga waxa uu ka bartay nin naxwe ruug ah oo la odhan jiray Sh Axmed Baaruud oo ahaa caalim Oromo ah oo gees kasta oo shariicada ah bartay. Sidoo kale, waxa uu ka akhristay Sh Xasan Macalin Mareexaan. Walaalkiisii ka weynaa ee ahaa Muftigii Shaaficiyada ee waagaas waxa uu isna ka dhigtay naxwaha iyo fiqigga. Sh Jawhar isna Shariifka naxwada ayuu u dhigay.

Kadib kolkii uu dhammaystay wixii cilmi yaalay geyigaas, wuxuu u amba-baxay magaalooyin kale, sida Herer, tani waa mid lagu yaqaanno culimada inay safraan. Muddo ayuu ku sugnaa halkaas. Kaddib waxa uu tagay Jij-jiga. Sannadku markuu ahaa 1959, Shariifka oo ahaa 18 sanno joogana magaalada Jigjiga, waxa uu doonay inuu tago jaamacadda ASHAR.

Shariifku wuxuu markaas raacay dhallinyaro ay isku eyni yihiin. Waxay raaceen tareen illaa ay ka gaadheen Suudaan. Kaddib waxay ka raaceen doon illaa ay gaadheenMasar. Sh Shariif Cabdi Nuur wuxuu markaa galay jaamacaddii ASHAR, Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uu dhammaystirtay aqoontiisa jaamacadeed. Kadib wuxuu u gudbay jaamacadda isaga oo ka gaadhay Usuulu fiqigga halka ugu sarreysa ee Maajisteer.

Maadaama uu soo dhammaystay aqoontiisii, waxa uu aqoonyahanku ku noqday waddankii Soomaaliya. Waxa uu tagay machadkii Xalane. Sheekhu wuxuu macallin ka noqday rugtii Boolo Tiknikoo ee Muqdisho. Reer Muqdisho waxa aad loola yaabay aqoontiisa. Xalqado waaweyn ayaa looga sameeyay masaajiddada. Wuxuu bilaabay dhigidda kutubta iyo duruusta.

Wax yaabaha yaabka leh eel ala yaabay wakhtigaas waxa ka mid ah in Shariifku noqday bad cilmi ah oo soconaysa. Masaajiddada wuxuu ka bilaabay dhammaan fanniyada diinta. Tusaale ahaan wuxuu dhigi jiray: Fiqiga, Tafsiirka, Xadiiska, Naxwaha iyo Sarfiga iyo qaar kale. Si gaar ah wuxuu Shariifku ugu dedaali jiray dhigidda xadiiska Nebigga SCW wixii sugan. Shariifku wuxuu dhigay kutubta xadiiska ugu waaweyn ee loo yaqaan Ummahaatu Sita dhammaan wuu sharraxay (SOO SAARISNA; TAKHRIIJ ayuu u sameeyay xadiis kasta). Shariifku wuxuu inta badan waafaqaa Sh Albani inkasta oo meelo badan oo uu ku khilaafay xadiiska ay jiraan. Marka aad loo baadhona la ogaanayo in Shariifku saxsanyahay.  Shariifka waxa la xidhay sannadkii 1978. Xadhiggu waa sunne ay maraan culimada aan ra’yigooda diiniga ah ee ay cabbiraan ku adkaysta, sida Axmed Binu Xanbal iyo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyyah.

 

Soomaaliya waxa ka dillaacay dagaalo sokeeye. Shariifku markaa wuxuu u kicitimay waddanka Sucuudiga halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Sanadku wuxuu ahaa 1984kii.Waxa macallin sare USTAAD ka dhigtay jaamacadda caanka ah ee Jaamacatu Malik Sucuud oo waagaas la odhan jiray Dirciya.

Shariifka waxyaabaha lagu xasuusto ama dadka booqda ay ku arkaan, amaba ardaydiisu ku arkaan waxaa ka mid ah: aqoon bislaatay; sheekha waxa la yidhaadaa waa afarta caalim ee soomaray Muslimiinta qarnigan ee laga marag furay sida uu ugu bislaaday cilmigga xadiiska( 1990 dhammaan UMMAHATU SITTA wuu sharraxay; wakhtigaas culimadda Soomaalidda weli mey bilaabin tegidda dibaddaba), usuulka, fiqiga, iyo luuqadda( Machadka Riyaad ayaa uu ka qaatay Maajisteer Luuqadda Carabiga ah) guud ahaan iwm. Waxa intaa dheer inuu yahay qof ILLAAHAY akhlaaq ku mannaystay oo aan weligii dhib laga soo sheegin. Marar badan oo culimo uu ka aqoon badan yahay wax ka sheegeen, waa uu diiday inuu u jawaabo ( Sheekh Muqbil oo sixun ugu xadgudbay, Shariifku uma jawaabin wuuna diiday inuu u halceliyo); xataa yadoo laga codsaday in uu u jawaabo. Waxa lagu xasuustaa sida uu uga saahiday adduunyada. Waa nin aad ugu adag sunnada oo leh mawaaqiif adagoo meel mar ah wakhtiyada culimo badan tanaasulaan oo ay ka noqdaan mawqifkooda.

Dhinaca kale, dadka Shariifka duraa waxay ku sheegaan inuu yahay nin wax ka sheegay dawladda Sucuudiga oo yidhi gaalada ayay u shaqeeyaan (1990 Saancadaalihii Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa Boqortooyaddu Dhulka Barakaysan u oggolaadeen). Waxa kale oo Shariifka lagu qabsadaa inuu fitnadi Khaliijka wax ka sheegay Culimada Sucuudiga ee dowladda la saftay wakhtigaas. Shariifku wuxuu markaas sheegay in culimada Sucuudiga culays ka saaran yahay xagga dawladda, fataawadooda siyaasigga ahna lagu kalsoonaan karin. Sidaa si lamid ah, waxa Shariifka lagu haystaa inuu oggol yahay in xarakooyinka ama jamaacaatka Muslimiintu khayr doon yihiin isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo  Tacasubka ama qaraabo kiilka na la iska ilaaliyo. (Sh Maxammed Ibrahim, Sh Ibnu Baaz iyo Sh Ibnu Cusaymiin arrinkaa ayay Shariifka ku raacsan yihiin; Dheegasho; Fatwo Shariifka laga soo weydiiyay waddanka Ingiriiska gaar ahaan London oo ah sharraxaadda xadiiska Xudeyfa ee Iftiraaqa Ummadda). Waxa isagu ku qaadacay Sh Albani iyo culimo kale oo uu ku jiro iyo Sh Rabiic.

Si aad u kooban oo dul mar ah haddaan u tibaaxo macnaha uu Shariifku xadiiskaa saaray waa sidan: Xadiiska Xudeyfa lagulama dul dhici karo jamaacaatka kheyr doonka ah sida Jamaacatu Ansaaru Sunna, Ehlu Xadiis oo Hindiya ka jirtay iyo Itixaad oo Soomaaliya ka jirtay, Tabliiq iyo Akhwaanul Muslimiin. Ee xadiisku wuxuu u yaallaa Muslimiin isku haysta madaxtinimada. Laba sababood ayaa uu Shariifku tilmaamay; 1. Xadiiska waxa ku jirta ALFIRAQ, (AL : waa Cahdiya Dikriya, waxay faa’ideysaa, inuu gaar ku yahay, wakhtiyadii fitanka Muslimiinta. 2. Xadiiska waxa ku jirta TILKA oo ah damiir ama magac u yaal, oo faa’ideysa tacyiin ama cayimid. Tani waxay ku tusinaysaa sida uu Shariifku ugu bislaaday Usuulka iyo luuqadda guud ahaan. Dhammaan xadiisyaqaanada oo uu ugu horreeyo Xaafidku sidaas ayay marayaan.

Shariifka waxa kale oo dadka qaar ku qabsadaan inuu qabay wakhtigii maxaakiimta in lala jihaado Itoobiyaanka oo waddanka laga saaro. Jihaadna ay tahay xaq ah. Askarta Soomaalida ee Itoobiyaanka la socdana loo digo, lana laayo hadday yeeli waayaan, gaaladana soo raacaan. Hal meel oo xaasaasiyad badan ayaa ah in Shariifka iyo Albani ay ku kala ra’yi duwan yihiin in jihaadku u baahan yahay imam iyo in kale.

Albani wuxuu leeyahay in jihaadku u baahan  yahay imam halka uu Shariifku leeyahay uma baahna imam. Waayo Shariifku wuxuu leeyahay ma jiro imam maanta kulminaya Muslimiinta oo laga amar qaadanayo – waana wax la yeeli karo aragti aqoon hagayso weeyaan.

Isku soo wada xooriyoo, Shariif Cabdi Nuur waxyaabaha lagu haysto, inta badan waa masaa’il Ijtihaad u cuntama( Khilaaf Saa’iq ah ayaa ka yaalla) oo aan lahayn in lagaga hor imaaddo. Tan ah qaddiyada Sucuudiga boqolkiiba boqol isaga ayaa ka saxsan ragga dawladda daba dhilifka u ah ee ka cabsada. Waxa Shariifka ku raacay Fitnadii Khaliijka Sh Albani, Dr Safar Al Xawali, Dr Salman iyo Sh Muqbil.

Xalay ayuu Sheekh al Callaamah Shariif Cabdi Nuur ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Maka al Mukarrama. Rabbo Naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Ummadda Muslimiinta na ha ka dhigo kuwii ka faa’ideeya aqoonta uu innooga tagay. Talo ahaan waxa aan soo jeedin lahaa in Shariifka kutubtii uu fasiray oo dhan af-Soomaali lagu qoro oo la daabaco si bulshadeennu uga haqab tiranto diinta.

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

0634839797