Geeridii Summaddii Dadnimada Xasan Guure Jaamac: Xilligii Aan Maqlay Warka Xun Ee Xaqa Ah iyo Aaskii Ka Dhacay Deegaanka Toon
Waxa aan abbaaro 03:30 habeennimo ee 16kii May 2020ka, Sabti ah, ka soo galay socdaal aannu maalinnimadii 15ka Mey 2020ka ku tagnay degmada Sallaxley oo ma seexan, il iyo baal iskuma keenin.. Habeenkii ka horreeyayna waxa aan u soo jeeday tabaabushaha safarkaas.. Siddeed iyo afartankaas saacadood waxa aan seexday laba ka-gaadhsiis ah. Abbaaro 04:30 ayaan maqlay warka geerida Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo uu soo dhigay Abdinur M. Barud, waxa ii soo tebiyay Mawliid Muuse Dacar.
Waxan markiiba wacay Yusuf Kayse Abdi Laahi oo yidhi “Hadda ayaannu geeridii ku soconnaa. Alle ha u naxariisto”. Saddexdii cisho ee ugu dambeeyay ayuu la jiifay bukaan haleelay. Dadku ma ay ogayn taas ayaa naxdinta kordhisay. Yuusuf waxa kale oo uu ii sheegay in Marxuunku ku kufay daaradda guriga, taasina ay sababtay in garka wadnuhu go’o, goobta aanu ka kicin. Si loo baxaba geeri ayaa inna wada hurran.
Markii aan tebiyay tacsida waxa igu soo dhacay taararkii ugu badnaa. Wallaahi waa ay ka badnaayeen kuwii igu soo dhacay maalintii uu geeriyooday Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf IHUN. Xilli saqbadh ah oo dadku hurdaan bay ahayd, xaqiijin ayay dadku rabeen, waxaanay ka murugaysnaayeen geerida lama-filaanka ah. “Ma run baa, ma mawtal qaflaa, sidee ayuu u xanuunsaday. Eebe ha u naxariisto”. Miyaan tirin karayaa.. Waxa kale oo la isoo weyddiiyay xilliga iyo goobta aaska, iyagana waa aan xaqiijiyay, waanan uga xogwarramay bulshada. Waxa uu goaanku noqday in salaadda casar lagu aaso deegaanka Toon ee Koonfurta Hargeysa haddii Alle idmo..
Markiiba waxa aan baraha bulshada ku arkayay suugaan baroordiiq ah, tacsida tiro beeshay iyo tiiraanyada aan la koobi karin ee la tebinayo. “Waxa uu geeriyooday innaga oo u baahan taladiisa, dhexdhexaadnimadiisa, runsheeggiisa iyo kaalintiisa qof ahaaneed” ayuu yidhi Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, dad badan oo kale waa ay ka daba mareen. Idiinma cabbiri karo sida xaalkaygu ahaa. Waan kacaa-fadhiistay oo kurbaday.
Walaw galabnimo la aasayay, waxa aan ka baqay haddii aan aqalka jiifsado in hurdadu ila tagto, indha-casaysigu waan xammili waayay. Dhar madaw oo murugo xambaarsanaa ayaa aan ku sii lebbistay. Waxa aan sii qaatay caw iyo go’ aan ugu talogalay inaan kambalka xabaasha ku jiifsado inta aaska laga gaadhayo. Qabrigii marxuun Xasan Guure Jaamac meel u muuqata inaan dhinaca dhigo ayaan goaan ku gaadhay.
08:00 aroornimo ayaan baxay oo aan sii maray guriga Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela, oo aanu ka sheekaysannay barta weyn ee qaranka ku bannaanaatay, isla markaas ayaan u baxay dhinacii aasku ka dhacayay. Kaalinta Star group baan shidaal yar kaga sii shubtay moodharkkii. Markii aan marayay Masallaha ayaa la ii sheegay in ay Marxuun Xasan Guure qaadeen dawladdu, iyaga oo baadhitaan ku samaynaya.
Kolki aan u dhawaa kaantaroolka Hawd iyo Sallaxley ayay ruqumti ii baxday baabuurkii. Qub iyo qac baan maqlay, nasiib-wanaag kuma socon xawaare sare, meel aan laami ahaynna waan marayay. Wuxu miyay maalin kale baxdo, waa maxay sidani? Waan ka degay gaadhigii. Weli halkii ayuu yaallaa in ka badan 24 saacadoodna kuma noqon. Kolba gacanta ayaan baabuur u haadiyaa, waa se la ii joogsan waayay. Dan kama lihi oo dareenka geerida ayaa wax walba igaga weynaa.
Tagsi ayaan raacay Dhaweeye ah. Kaabadda waddada Sallaxley ayaan haddana ka sii raacay gaadhi dawladeed. Waxa aan cawdii dhigtay geed dhinaca bari xabaasha ka xiga. Halkaas ayaan seexday 11kii illaa 15:00.. Ma hurdin ee hadba taar ayaan qabanayay, oo ummadda imanaysa ayaan hagayay. Hadba inta qof isoo waco ayaan suurayay…….. Ma hurdaa!
Guddoomiye Maxamed Siddiiq Dhamme, Abwaan Siciid Gaaxnuug, Garyaqaan Xasan Aadan Cabdi (Hassan Suudi), Aqoonyahan Maxamed Cabdiraxmaan, Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed iyo rag kale ayaa yimi oo aanu cabbaar wada joognay. Waxa marxuunka lagu tukaday salaaddii jinaasaday. Waxa qaaday oo xabaasha ku riday afar qof oo oo dhar cad xidhnaa.. Ma ay oggolayn in loo dhawaado. Sheed fog ayaan ka halacsaday iyada oo luxudka la dhigay oo cammuudda lagu rogayo.
Dadkii kale ee joogay waxa ka mid ahaa Injineer Faysal Cali-Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Cabdisalaan Yaasiin, Siyaasi Nuuradiin Diini Abwaan Cabdiraxmaan Abees, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maayar ku-xigeenka caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne), Ganacsade Cali Guuleed, Wasiir ku xigeenka maaliyadda Muse Ibrahim Selef Agaasihihii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha, dastuurka iyo cilmi-baadhista Maxamed Dhabbeeye, Agaasimaha Guud ee wasaaradda ee gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka CumarSayid Cabdillaahi Aadan-Garow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mukhaar Maxamed Cali, Xoghayaha Guud ee WADDANI Khadar Abdi iyo bulsho kale.
Walaw ay dadku warbaahinta ka dirayeen dhambaallo tacsi ah, waxa aanu doorbidnay inay saxaafadda la hadlaan dadkii nooga aqoonta badnaa ee muddada dheer ay xidhiidhka lahaayeen Mujaahid Xasan Guure Jaamac. Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaannu is raacnay oo wada afurnay.
Waxyaabo badan ayaa sabab u ahaa in ay dadku gaabiyaan gelbiska geeridii Marxuun Xasan Guure Jaamac oo ay ka mid ahaayeen:
1. Sadhada Koronofayras oo yaraysay socodkii dadka, ururkii bulshada iyo tegitaanka fagaareyaasha lagu kulmo
2. Xilliga la aasayay oo ahayd galabnimo, dadkuna waa ay soommanaayeen
Abwaan Gabay-xaddi ayaa yidhi
“Ninkii beled shisheeye iga jiray, soona bixi waayay
Ee inaan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni”
Maqnaashaha rag badan oo la filayay in ay aaska yimaaddaan uma hayo cudurdaar. Ha ahaadaan Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyeha xisbiga WADDANI, Guurtida iyo wakiillada intaba. Raggaas ma kala reebayo anigu. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo Marxuun Xasan Guure Jaamac.