Go’aanka Maxkamada Sare waa astaan u taagan taag-darri iyo madaxbanaani la’aan (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Ayaamo ka hor bay ahayd markii doorashdii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ay natiijadiisii ka biyo diideen 39 xubnood oo Golahaas Wakiilada ka mid ahaa, kuwaasoo sheegay in la musuqmaasuqay codkii ay bixiyeen, iyadoo loo tiriyay cid aanay u coddeyn, iyagoo u jeeday Baashe Maxamed Faarax, oo haatan ku magacaaban Gudoomiyaha Golaha, Halka 39 sodonkaas xubnood ay dacwad qoraal ah u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Dalka, oo iyadu ah marjaca  ugu danbeeya ee lagu garnaqsado, marka la eego asalka dacwadda, waxay kooxda dacwadda gudbisay ku andoocanaysaa in wax lays daba mariyay, oo codkii hal dheeriga ahaa ee lagu kala guulaystay uu iska lahaa Cabdiraxmaan Talyanle, ee anu Baashe lahayn, codkaas oo ah codka uu Gudoomiyaha ku noqday Baashe.

Balse, Nasiib darro, maxkamadii xeerbeegtiga iyo garsoorka la biday, waxay kusoo warcelisay in labadii nin ee codka isku haystay iyo kooxihii kala taageersanaa ay iyagu ku gar naqsadaan golahooda dhexdiisa, isweydiintu waxay tahay, hadday iyagu garnaqsan karayaan, maxay markii horeba kazoo dooneen maxkamadda Sare, miyaanay taas isweydiin maxkamadda sare, waxaa qabaa in Maxkamadda sare ay iyadu u garniqi karaysay iyadoo dib u eegis ku samaynaysa dukementigii laga duubay markii ay coddayntu dhacaysay, kaasoo si waadix ah loo arki karayay markii ay xildhibaanadu gacanta taagayeen xiligii codaynta, oo si fudud halkaas looga heli karayay inta nin kasta u codaysay, iyo hadday jirtay natiijo lays daba mariyay, waxaa kaloo habeenadan laga arkayay Muuq-baahiyayaasha Maxaliga ah 39 kii xubnood ee Codka siiyay C/raxman Talyanle oo iyaguna si laayf ah u caddeynayay ciddii ay codkooda siiyeen, taasna may tixgelin Maxkamadda sare.

Dad badani waxay qabaan in go’aanka ay Maxkamadda sare qaadatay uu yahay mid xaga Madaxtooyada looga soo yeedhiyay, ee aanu ahayn mid ay iyadu iska leedahay asal ahaan, waxaana loogu talagalay in dib loo soo mustafeyo xubnihii Xisbiga Kulmiye ee Codka siiyay Cabdiraxmaan Talyanle, si dib loogu soo hanto codkii aqlabiyada ee xisbiga KULMIYE ku hogaamin jiray Golaha, arintana golaha dhexdiisa lagu hjagaasiyo, ama lagu daciifiyo iyadoo la adeegsanayo Aqlabiyada Xubnaha KUlmiye codkooda.

Isku soo wada Duuboo, waxaa dad badani caqli ahaan isweydiinayaan, haddii ay maanta Maxkamaddii sare ka garniqi kari wayday  cod dhexyaala 82 xubnood oo Gole wakiilo ah, side bay uga garniqi doontaa codka 3,500,000, (sadex Milyan iyo Shan Boqol oo kun) oo ku aadan doorashada Madaxweyne ee soo socoto, haddiiba murankan oo kale yimaado? Ma waxay odhan doontaa C/raxman Cirro iyo Muuse Biixi reerahooda dhexdooda ha ku xaliyeen murankan? CAJAB.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay Maxkamadda Sare ha buuxiso Doorkkeeda Sharcinimo iyadoo madaxbanaani ku shaqaynaysa, kana fogaanaysa Saamaynta ay shaqadeeda ku yeelan karaan Kooxda Fulintu (xukuumaddu), si ay dalka uga badbaadiso qalalaase siyaasadeed oo ka abuurma Gaabis ka yimaada doorka shaqo ee Maxkamadda sare oo dhinaca caddaaladda iyo hufnaanta garsoor la xidhiidha.

Qalinkii

Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com