Goorma ayay Madaxdu Qaadaa Tallaabooyinka aan la Jeclayn “unpoular decisions” (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Shaki kuma jiro in tallaabooyinkii muddo kordhinta Barlamaanka ee aan la ga la tashan, sidii caadadu ahaan jirtay, xisbiyada, komishankii la dhaariyay, xadhigii hawlwadeenada Xisbiga iyo weerarkii lagu qaaday Guriga Xisbigu ay ahaayeen tallaabooyin aan laga jeclaysan gudaha iyo dibadda ba; Shacabku, inta aan xog-ogaal ka u ahay, way ka biyo diideen in ay liqaan tasarrufaadka xukuumadda ee is maqiiqa ku dhisan, sidoo kale dunidu way ka qaylisay tallaabooyinkaa aynu kor ku soo sheegnay!!!

Haddaba, waxii dhacay ba dhace’ e, waa laga gami’ i lahaa, haddii ay xal kama danbays ah dhasho; waxa aan shaki ku jirin in qabyadu halkeedii tahay; komishankii wuu dhaawacan yahay, xubintii Waddani kuma jirto; xubintii UCID halkan bay dayro la soo taagan tahay; sidaa darteed, wixii oo is maqiiq ahaa may keenini xal, ee baylahdii waa halkeedii.

Intaa marka laga yimaaddo, wuu garanayaa nin kii caqli lihi, doqonna loo sheegi maayo in deegaanada laga taageero xisbiga Waddani aan laga qaban karin doorasho illaa la helo xal siyaasi ah; sheekadu marka ay halkaa marayso ma aha waxa laga hadlayaa sharci, ee waxa laga hadlayaa Siyaasad. Siyaasadda iyo sharciguna ma kala maarmaan!!!

Haddaba, goorma ayay qaadaan hogaamiyaayaashu tallaabooyinka aan la jeclayn (unpopular decisions); waxa la qaataa:

1-Marka ay meesha qabyada ka saarayaan; xal kama danbays ahna ay keenayaan.

2-Marka aad arkayso wax aanay dadku arkayn, oo aad is leedahay beri bay garan in ay dantooda tahay; waxa na sidaa la sameeyaa, sida caadiga ah, term ka danbe, ee aad hubto in aanad soo noqonayn.!!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.