Magaca buugga: Galalaati; burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida (1960 – 1991)
Qoraaga: Hassan Madar
Bogagga: 400
Gu’ga la qoray: 2020
Tarminta: 1aad
Kolka qof laga tumaatiyo margiga, ka dib inta uu dhulka u dhaco uu dib u soo hinqan waayo ayaa la yidhaahdaa Galalaati. Dabcan, waa magicii ugu qummanaa ee loogu yeedhi lahaa Burburkii Jamhuuriyadda Soomaalida, oo ah ciwaan-hoosaadka buugga.
Dawladnimadu waa hantida ugu qaalisan ee uu heli karo bashar dhulka guudkiisa saarani, ilaalinteeduna waa waajibka ugu weyn ee uu gudan karo basharkaasi. Sababtan awgeed ayay muhiim u tahay in la helo buugaag badan oo ka hadlaya wax kasta oo dawladnimo galaafan kara iyo wax kasta oo guulayn karaba.
Buuggani waxa uu gun iyo baar si tifaf-tiran oo xidhiidhsan u taxayaa sidii loo tolay kafankii dawladnimada, ka dib naxashka loo saaray, ka dib xabaal loogu qoday, ka dib iilkeeda loo duway ee ciidda loogu rogay; ugu dambaynna lagu faataxaystay ee loogu kala haaday iyo cawaaqibkii kala duwanaa ee laga dheefay.
Waxa kale oo uu tooshka inoogu qabanayaa koox durbaan iyo mushxarad ku soo dhawayn jirtay tallaabo kasta oo dhinaca burburka loo qaado, jeer oo ay runtu dhadhansiisay midhihii ay u mushxaradi jireen qadhaadhkooda.
Buuggu waxa uu kugu baraarujinaya in wax kasta oo loo mushxaradaa aanu guul ahayn, wax kasta oo durbaan loo tumaana aanay farxad ahayn. Sababtan awgeed ayuu dareenku kuu farayaa inaad si feejigan ugu akhrido, si inta ugu badan ee suuragalka ah aad u ogaan karto surinnada hoogga iyo wadiiqooyinka ummad u hoggaamin kara halaagga iyo adhax-jabka; adiga oo aan ku dagmayn dabbaal-degyada runta ka hor jeeda ee beenta waafaqsan.
Weydiinta ugu weyn ee uu buuggu sida tooska ah uga jawaabayo ayaa ah: Maxaa dawladnimo burburiya? Halka weydiinta uu sida maldahan warcelinteeda u soo tebinayaana ay tahay: Maxay dawladnimo ku dhisnaan kartaa?
Qoraaga buuggu waxa uu taariikhdaas ku eegay indho cusub oo ku qalabaysan aqoon dawladnimo, taasi oo keentay inuu diiradda inoogu qabto xagal cusub oo aan hortii laga eegin burburkaas sahayday dawladnimadii ummadda.
Qaybta koowaad oo uu qoraagu summad uga dhigay “Wixii dumay” waxa uu ku soo bandhigayaa toban tiir oo ah adhaxda dawladnimada ah, iyada oo tobankaas tiir dumintoodu ay la macne ahayd burburkii dawladnimada.
Isaga oo tobankaas tiir halbeeg uga dhigaya, qoraagu waxa uu u qaybinayaa taxanihii burburka Soomaaliya saddex tobanle – 1960 ilaa 1970: 1970 illaa 1980: iyo 1980 illaa 1990, isaga oo miiska soo dhigaya saamigii uu tobanle kastaa ku lahaa burburkii Soomaaliya iyo waliba tobanlihii bursaday saamiga burburkaas.
Tiiraarkaas isaga oo mid-mid ugu nuuxnuuxsanaya hadba kii dumay, ugu dambayna burbur-wadareedkii tiirarkaasi ay ugu dhuratay libidhidda dawladnimadii guud waxa aad kaga bogan kartaa uun akhrinta buugga, waxa aan se dul istaagi doonaa laba tiir; Siyaasadda iyo Aqoonta.
Buuggani waxa uu si dhif ah u soo bandhigay kaalintii ay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ku lahayd burburkii sahayday dawladnimadeeda. Waa qodob ka mid ah qodobbada sida aadka ah uga soocaya buugaag badan oo hore looga qoray isla mawduucan, halka aqoontuna ay ka tahay qodobbada ugubka ah ee aan sida xooggan looga faalloon kaalintii ay ku lahaayeen burburkaas.
Soomaaliya Siyaasaddeeda Arrimaha Dibadda waxa ay ka dhigatay aragti qawmi ah: Midaynta dadka Soomaaliyeed oo dalal dhawr ah kala degganaa, taasi oo ahayd badheedhe lagu burinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee xuduudaha, kuwii heer qaraadeed ahaa iyo kuwii heer gobol ahaaba.
Sheegashada dhulka ka tallowsan xuduudka caalamiga ahi waxa ay Soomaaliya geyeysiisay go’doon siyaasadeed oo dhan walba ah.
Madaxweyne Aadan-Cadde gu’gii 1963-kii waxa uu cadho kaga baxay kulankii dhidibka loogu taagay Ururkii Midowga Afrika, ka dib kolkii uu shirka dhan ka waayay dal qudha oo Afrikaan ah oo ka garaaba dooddiisa dhul-ballaadhsiga ah ee uu fagaaraha la yimid.
Isla gu’gaas, Soomaaliya waxa ay si isku mid ah xidhiidhka ugu goysay Kiiniya iyo Ingiriiska, halka isla gu’gii xigay ay dagaal toos ah la gashay Itoobiya.
Siyaasaddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxa ay keentay hal shay; go’doon caalami ah, si kasta oo ay madaxdii Soomaaliya u aragtay cawaaqib xumada siyaasaddaasna ma uu jirin masuul uu garaadkiisa siyaasiga ahi gaadhsiisnaa inuu si uun wax uga beddalo siyaasadda guuldarrooyinkeedu joogtada noqdeen ama ugu yaraan sheegashadaas sharciga waafajiso si ay u hesho garawshiiyo sharci – kaliya waxa bisayl kooban muujisay xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cigaalna Raysal Wasaaraha ka ahaa, inkasta aanay ku sii raagin.
Tixgelin-la’aanta sharciga caalamiga ah ee ay la kawsatay Siyaasaddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, waxa ku soohnaa dhaqan kale oo taban: laba-boglayn (laba-wajiilayn).
Dhaqankaasi waxa uu sabab u noqday in Soomaaliya ay si isku mid ah halis ugu noqoto nacabkeeda iyo saaxiibkeeda, taasi oo u hoggaamisay in saaxiibbadii ugu dhawaa ay ka aamin-baxaan ugu dambaynna kalsoonidii kala noqdaan oo ay faraha ka qaadaan.
Kolkii uu Siyaad Barre xukunka afduubay, tobannaan jeer ayuu uga sii daray dhaqankii laba-boglaynta ahaa isaga oo ku lammaaneeyay been gaadhsiisnayd heer uu dafiro wax aan la dafiri karin. Qoraagu wuxuu tusaale u soo qaadanayaa gu’gii 1976-kii warqad uu Siyaad Barre u diray madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas, isaga oo warqaddaas ku qoray in Soomaaliya ay tahay dal dhexdhexaad ah oo aan Waarso iyo Naato midna la socon.
Isla xilliga uu Siyaad Barre sidaas qorayo, Ruushku wuxuu Berbera iyo meelo kaleba ku lahaa saldhigyo waaweyn oo xiitaa ay diyaaradihiisu ka duulaan. Waxa Soomaaliya joogay boqollaal diblamaasi iyo khubaro-ciidan oo Ruush ahaa kuwaas oo caawiya dawladda Soomaaliya, waxaana ay Soomaaliya la sexeexatay Ruushka heshiisyo waaweyn oo hub iyo horumarin kaleba isugu jiray.
Wadarta arrimahaas aan si na u qarsoomayni waxa ay sida ugu fudud u burinayeen andacoodka aan macquulka ahayn ee Kalitaliye Barre.
Dabcan Siyaad Barre beentaas Maraykanka kuma uu kasban, Ruushkuna waa uu kaga sii fogaaday uun – dhan walba seeg.
Qoraagu isaga oo soo xiganaya buugga “Somalia: The Problem child of Africa”, waxa uu xusayaa in Siyaad Barre uu hal meel isugu keenay aragtiyo isdiiddan: Afrikaannimo iyo Carabnimo: Islaamnimo iyo Hantiwadaag, isaga oo doonaya inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu hal mar wada aaminsan yahay afartaas aragtiyood ee ay midiba ta kale burinayso.
Dheefta qudha ee ay Soomaaliya ka korodhsatay siyaasaddii Arrimaha Dibadda ee laba-boglaynta ku dhisanayd waxa ay noqotay inay ku weyday saaxiibbadeedii ugu waaweynaa, halka ay kaga fashilantay inay kasbato saaxiibbo cusub, taasi oo ka dhigtay diin bilaa qolof ah oo xagtinta ugu yari gaadhsiin karto dhaawaca ugu weyn. Intaas waxa u dheerayd, ku tumashada xeerarka caalamiga ah oo go’doon heer walba ah galiyay.
Dagaalkii 1977-kii waxa uu si xooggan daaha uga fayday go’doonkaas. Soomaaliya waxa ay xubin ka ahayd ururka Midowga Afrika, ururka Midowga Carabta iyo Bahda Hantiwadaagga. Kolkii ay Soomaaliya weerarka ku qaadday Itoobiya, saddexdaas ururba waxa ay si toos ah ula safteen Itoobiya.
Waxa fajiciso ahayd in ururka Jaamacadda Carabtu qaybo ka mid ahi ay u hiiliyeen Itoobiya oo aan xubin ka ahayn, Soomaaliyana oo xubin ka ahaydna ay ka hiiliyeen. Liibiya iyo Yemen oo ururkaas ka tirsanaa waxa ay la safteen Itoobiya, taasi oo tusaale fiican u ah illaa xadka aan la cabbiri karin ee ay guuldarraysatay siyaasaddaasi Arrimaha Dibadda lagu waajahay iyo habdhaqankii ku tidcanaa.
“Aqoonyahan aan na raacsanayn, waxa noo dhaama jaahil na raacsan” ayuu Siyaad Barre fagaare kaga khudbadeeyay, taas oo ahayd farriin mudnaan sare lagu siinayo jahliga, laguna quudhsanayo aqoonta iyo ehelkeegaba.
Intaas kuma ekaan; waxa uu aqoonyahankii dalka saaray cadaadis gaar ah, isaga oo ka dhigay wax la dilay, wax xabsiyo ku dhabriiray, wax dalka ka cararay iyo qayb afkooda xidhatay.
Aqoontu waxa ay dhiirrigelisaa aragtiyaha kala duwan, halka uu Siyaad Barrena si walba ula dagaallamay in la helo aragti ka duwan tiisa.
Sida qudha ee uu ku heli karayay rabitaankiisa ah in aan la arag cid isaga ka aragti duwan ayaa ahayd: inuu uu kaligii soo hadho, dadka kalena birta ka aslo, waana isla sababta uu Soomaaliya ugu rogay kawaankii dadka.
Mar haddii aan hadalkiisa marnaba la dhaliili karin, waxba kagama duwanayn waxyi; qofnimadiisuna waxa ay gaadhay heer laga dhigo inay gef ka dhawrsoon tahay sidii Nebiyada.
Waxa la xidhay il kasta oo ay dadku aqoon ka korodhsan lahaayeen. Tusaale ahaan, buugaagta dalka ka soo baxa waxa ay lahaayeen faaf-reeb, waxaana la daabici jiray uun buugga uu Kacaanku oggolaado, halka buugaagta dunida ka soo baxda iyo wargeysyada caalamiga ahna aan la soo gelin jirin dalka jeer oo ay hubiso NSS-tu mooyee.
Caadi ahaan, waxyaalaha ugu waaweyn ee dugsiyada lagu barto waxa ka mid ah inuu qofku si xeeldheer u fikiri karo. Si taas ka hor jeedda, Siyaad Barre dugsiyadii tacliinta waxa uu ka dhigay xarumo lagu toogto fikirka ardayda, laguna soo saaro guulwadayaal durbaannada u tumi kara kacaanka. Tusaale ahaan, ardayda waxa loo dhigi jiray maaddo la yidhaahdo “Kacaan” oo loo aqoonayn jiray borobagaandhada Kacaanka.
“Ma uu ahayn Kacaan wixii uu Siyaad Barre waday, wuxuu ahaa dhalan-rog bulsho (Social Transformation)” ayuu Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan ku qoray buuggiisa “Somali History”.
Buugga “Xeebtii Geerida” waxa ku qoran in Siyaad Barre ay ku hareeraysnaayeen dad aqoon ahaan, caqli ahaan iyo anshax ahaaanba hooseeya. Dabcan waa maxsuulka laga dheefay dagaalkii aqoonta la la galay, kaasi oo isaguna gacan ka geystay burburkii laxaadka lahaa ee lagu waayay dawladnimadii Soomaaliya.
Guud ahaan buugga Galalaati waxa uu door laxaadkiisa leh ka qaadanayaa kobcinta aqoonta dawladnimada, fahankeeda iyo lafa-gurkeedaba iyada oo ku hambalyaynayo qoraaga iyo dedaalka badan ee uu galiyayba.
Dhaliilaha buugga
In uu dhaliil yeesho waxqabad uu qof la yimid macnaheedu ma aha inuu waxqabadkaasi xun yahay, waa se in cidda qabatay ay bashar tahay. Cidda qudha ee uu waxqabadkeedu dhaliil-tirnaan karaa waa Ilaahay.
Qoraagu wuxuu si isku mid ah u adeegsaday labada eray ee “Soomaaliya” iyo “Soomaallida” oo sharci ahaan iyo waaqic ahaanba aan isku si loo adeegsan karin – dabcan waxay kala yihiin dal qudha iyo qoomiyad shan dal ku kala filiqsan. Dalka Soomaaliya ma meteli karo qoomiyadda Soomaalida, sida aanay qoomiyadda Soomaalidu hal dal ugu aroorin.
Tobanka tiir ee buuggan lagu soo bandhigay in dawladnimadu ay ku dhisan tahay, qoraagu ma uu kala saarin inay yihiin toban tiir oo u gaar ah dawladnimadii Soomaaliya, iyo inay yihiin tiirar ay la wadaagto dawladnimada dunida oo dhami.
Tusaale ahaan, dawlado badan waxa ay ku dhaqmaan nidaamka Calmaaniyadda oo diinta iyo xukunka kala saaray, halka uu qoraagu tiirka labaad ee dawladnimada ka dhigay “Diin”.
Haddiiba ay tahay wax ay wadaagaan dawladaha oo dhami, sidee ayay dawladaha ugu awoodda badan dunida u jireen boqollaal sanno iyaga oo ku dhaqmaya nidaamka diin la’aanta?
Qoraagu wuxuu buugga ku xusay in heerka akhriska iyo qoraalka ay xukuumaddii Siyaad Barre gaadhsiisay 86%, bal se warbixin uu sannadkii 1990-kii diyaariyay ururka Qaramada Midoobay waxa uu ku sheegay in heerka akhrisa iyo qoraalka Soomaaliya uu gu’gaas marayay 24% oo ah boqollay ugu yaraan saddex goor ka yar ta uu qoraagu xusay.
Tiirka nabadda iyo sidii loo dumiyay kolkii uu ka hadlayay, qoraagu wuxuu xoogga ugu badan saaray dagaalkii 1977-kii isaga oo meesha ka saaray dagaalladii 1988-kii bilaabmay ee soo gaabiyay cimrigii xukuumaddii Siyaad Barre. Dabcan kolka ay tahay burburkii nabadda, dagaalladaasi waxa ay ku yeelanayaan saamiga ugu badan ee lagu waayay nabaddii Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Qoraagu waxa uu buugga ku xusay in aan Itoobiya la gumaysan. Sida runta ah, muddadii u dhexaysay 1935-kii illaa 1942-kii oo celcelis ahaan noqonaysa lix sannadood ayuu Taliyaanigu gumeysanayay Itoobiya.
Lixdaas gu’ ee Itoobiya la gumaysanayay haba yaraadaan e, waa lix sanno oo gumeysi ahaa oo aan marnaba taariikda laga saari karin, si kasta oo ay Itoobiya taariikhdeeda uga reebtana ma aha guyaal ka go’aya geeddi-socodka taariikhdeeda.