Hodhac:
Qormadii ugu danbaysay waxaynu ku soo gorfaynay si balaadhanna ugu soo faaqidnay diyaarintii buugta ardayda wax looga dhigo ee iminka dalkeena JSL adeegsato, qormada 5aadna waxaynu ku eegaynaa gardaloolooyinka ka soo baxay ka dib markii wado qaloocan loo maray diyaarinta buugta, iyadoo aynaan dafirayn in la helo buug uu leeyahay qarankani oo ubadkiisu wax ka bartaan haddana waxaa meesha taala in la saxo dhamaan dhaliilaha kor hoganaya buugtaas.
Hadaba markaan arintan dhigahayga u qaato waxaa la soo saaray sanadkii hore ee 2016kii buugta laga barto maadooyinka kala ah
- Dugsiyada hoose/dhexe
- English
- Carabi
- Tarbiyada islaamka
- Cilmiga bulshada
- Sayniska
- Soomaaliga
- Xisaabta
- Dugsiyada sare
- Physics
- Geography
- Biology
- Chemistry
- Arabic
- Islamic studies
- Somali/suugaan
- Mathematics
Waxaan sanadkan cusub ee 2017ka lagu soo kordhiyey buugta laga dhigto maadada
- History oo markii hore keliya laga diyaariyey buugta labada fasal ee dugsiga sare ugu horeeya kalana ah form I iyo form II, waxaana iminka la soo raaciyey buugta lagu baran doono fasalada form III iyo form IV.
Hadaba waxaa weli la diyaarinayaa oo lagu hawlan yahay buugta laga baran doono maadada lagu baran doono afka English-ta.
Gardaloolooyinka buugta:
Ugu horayn waxaan leeyahay ma jiro arin aan qabyo lahayni ee waxaa arin kastaa u baahan tahay in loo guntado si meesha looga saaro dhaliilaha iyo gardaloolooyinka, hadaba waa sidatan guud ahaan gardaloolooyinka laga helay.
- Waxaa ugu horayn khalad ah in laga guuro madbacadii qaranka oo uu soo daabaco shirkad gaar loo leeyahay, iyadoo la heli lahaa dhamaanba waxyaabaha qabyada ka ah, midkaasi oo ay dabooli lahayd dhaqaalaha ubadka buugta laga siiyey
- Waxaa iyaduna qalooc weyn ah in la iibiyo buugta, oo ay ahayd in ardayda dhamaantood loo qaybiyo maadaama ay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho; midkaas oo uu u jideeyey ama xaq u siiyey dastuurkeena qaranka JSL
- Waxaa iyaduna khalad ahayd sidii loo xushay barayaashii diyaariyey buugtan oo aynu ku soo faaqidnay qormadii 4aad
- In Buugta qaarkood aanay is lahayn waxa casharada cinwaanka(tusmada) ugu qoran iyo waxa gudaha casharka loogu tegaayo, taasina malaha maaha aqoon la’aane ee waa hagardaamo.
- Waxaa iyana sidoo kale khalad ah in buugtan gebi ahaanba aanay war celin ka bixinayn dhamaan dhibaabaaha ina haysta
- Waxa iyaduna khalad weyn ah in shirkadii soo daabacday ay gobolada geyso iyadoo ay ahayd in wasaaradu kala wareegto oo ay wasaaradu gobolada u qaybiso shirkadana hanaankii lacagtooda loogu celin lahaa ay wasaaradu la timaado
- In shirkada soo daabacday ay iyaduna tiraahdo wixii khalad ah ee kazoo baxa anaga ha naloo celiyo si aanu u soo saxno
- In aan barayaasha wax laga waydiin wixii khalad ah ee kasoo baxa buugtan
- In buugtan aanay ku dhignayn dhamaan taariikhaha kala duwan ee kala danbeeyey ee Somaliland leedahay; sida
- Taariikhdii daraawiishta
- Taariikhdii madoobayd ee Somaliland kala kulantay dalkii ay la midoobeen 1960kii
- Taariikhdii xoogagii hubaysnaa ee SNM
- In taariikhda Somaliland laga bilaabay dhismihii 18kii May ee 1991kii lagana yimaado dhamaan wixii ka horeeyey
- In aanay guud ahaanba si toos ugu cadayn juquraafiyada guud ee Somaliland, taasoo ubadka dhaxal siin lahayd in ay si fiican u kala yaqaanaan dalkooda Somaliland iyo gobol kastaa waxa uu gaarka u leeyahay ee laga faa’iidaysan karo
- In dhinaca suugaanta ay ka muuqato dhinac keliya oo dhinaca bariga Somaliland wixii mucda lahaa ee suugaanta ahaa laga tegay, taasoo u eeg tii aynu Muqdisho kala kulanay
Gebagebo:
Gebageba ahaan waxaan usoo jeedin lahaa dhamaan reer Somaliland in arintan si mug leh looga hawl galo, si dalkeena aynu u saxno meelaha uu ka qaloocan yahay oo aynu bal mar uun u qaadno jihada rasmiga ah ee ay taalo himiladeenu. Sidoo kale waxaan talo bixin ku odhan lahaa waa in la hagaajinayaa dhamaan boogaha aan kor ku soo taabtay iyo kuwo kale oo maqanba; tan macnaheedu waa in la saxo dhamaan khaladada kor ku xusan.
ALLAA MAHAD LEH
Bare-Sare Maxamed Cumar Dhagax