Gorfeynta Buugga Qab Iyo Quudhsi: Halgankii Koombo (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

GORFEYNTA BUUGGA; QAB IYO QUUDHSI halgankii Koombo.

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

 

Buugga QAB IYO QUUDHSI halgankii Koombe waxa qoray Cabdi Faarax Juxa, wuxuu ka kooban yahay 192 bog. Waxa daabacday shirkadda Hiil press, waxa lagu daabacay Masar tarmintii labaad 2020.

 

Ugu horreyn aan cambaareeyo in buugga warqad inta laga soo goosto ama laga soo sawiro buugga oo dhan warqaddaas lagu xajiimeeyaa in ay edeb-darro tahay. In laga waantoobo na talada waan ku dari lahaa. Marka qofku buug akhriyo ee wakhti istaahil ku ah uu siiyo ayay u bannaan tahay in uu wax ka idhaa. Aniga laftaydu waan la qabaa dadka aaminsan in buuggu asluubkii qoraalka ka irdhoobay hasa yeeshee, waxa kale oo aanan asarraar gelin karin sheeko-xarriirnimada qoraha buugga oo waayo aragnimo gaamurtay oo gu’ tirsatay ka muuqato.

 

…Haddii aad maqli jirteen; Labaatan jir reer mudug ah Alle ba uma xil-qarin waa tan oo kale. Ereyga “dhillaysi,” isaga oo sifo, magac ama fal ah wuxuu buuggu ku soo noqnoqonayaa 47 goor wax ka badan. Halka wadarta ficillada xubnaha taranka ee buugga ku jiraana iyaguna ku dhaw yihiin tan aan kor ku xusnay. Si kasta ha ahaatee, ereyo badan oo afka aqoontu mal-dihi lahaa ayuu qoruhu callalka ka saaray, waxa aanay u eeg tahay in aanay xaggiisa ceebba ka ahayn. Hadda ba marka aan gees u dhigno saluuggayga anshaxa dhigaalka ee dhiganaha bal hoos ugu soo dego dulucda buugga.

 

Nooca buuggu waa sheeko faneed gaar ahaanna haybta loo yaqaan “Genre” oo qof waayo uu u soo joogay innuugu soo gudbinayo, waa wiil yar oo ku dhashay Nugaal qiyaastii 1965, magaciisuna yahay KOOMBE yaraan ayuu baadiye kaga imanayaa oo banderka ku soo geliyaa, waxa aanu halgankiisa ka bilaabayaa magaalada la yidhaa Qardho. KOOMBE isaga oo barbaar hano-qaad ah ayuu jabhadaynayaa, haddana isla jabhadda dhexdeeda ayuu suxufinimo u dallacayaa isaga oo furinta dagaalka inta uu ka tago Addis Ababa Warka ka soo tabinaya. Intaas kaddib deeq waxbarasho ayuu Yurubta beri ugu baxayaa…

 

Haddaan nuddaas qoraalka ah ku soo koobay buuggu sidii uu u socday aan haatanna uga gudbo, oogada buugga sawirka ku yaal oo ah laba orgi oo is dilaya oo midna dufaac ku jiro, oo addimada dhulka ku hayo, hasa yeeshee xeelad dagaal oo wanaagsan ka muuqato, in uu waxyar inta uu dib u baxay, haddana hore u soo dhaqaaqay. Halka kan kale na duulaan yahay, oo labada addin ee dambe dhulka ku hayo, labada hore na inta uu dhulka ka qaaday haddana laabay. Intaas marka aad la akhrido magaca buugga oo ah QAB IYO QUUDHSI iyo aragtida qoraha ee dagaalkii Soomaali Galbeed 1977, waxa kuu baxaysa in labada orgi kan weerarka ahi uu u taagan yahay calaamadda qabka iyo quudhsiga oo Soomaaliya ah, kan kale na u taagan yahay Ethiopia. Intaas haddaan ku soo dhaafo fahankaygii sawir-gacmeedyada oogada foolka hore jaldiga ka muuqday aan u daadago xogaha kale ee buuggu xambaarsan yahay.

 

โ–ช Waxa aan qoraha ku bogaadinayaa sida kalsoonida badan ee uu uga hadlayo gefefka ka dhex dhacayay gudaha furinta dagaalka ee jabhadda SSDF iyo loolanka afkaarta hoggaanka. Waxa aanu sawir hagaag u muuqda ku muujinayaa asbaabta loo tallaabi jiray oo uu ka xusay;

Kuwa musuq iyo wax is daba marin lagu qabtay oo sidaas ku tallaabay. Sid oo kale qoruhu wuxuu qalinka ku xajinayaa in aanay jirin ahdaaf jabhaddu lahayd oo la hiigsanayay. Waxa aanu sheegayaa in uu Addis ugu tagay kooxo, hanti-goosi, hanti-wadaag iyo Islaamiyiin mayal-adag oo seef la bood ah iskugu jiray in ay hoggaanka xagga sare ku loolamayeen.

 

โ–ช Wuxuu qoruhu ka garaabay in jabhaddu wax kasta oo taliska Xamar ay ku dhalliisho ay iyadu samayn jirtay haddii ay kufsi haween, ย dil dad iyo dhac xoolo dad inta ba.

 

โ–ช Wuxuu sida oo kale xusayaa ilahii dhaqaale ee Jabhadda oo aan ka soo qaadan karo kuwa uu farta ku fiiqay, Liibiya iyo Suuriya.

 

โ–ช Ugu dambayn beentii dadweynaha jabhaddu waraabin jirtay oo uu isagu qiranayo in uu ka mid ahaa ragga hormuudka ka ah loona jiray Raadyow KULMIS ayuu geedi-socodkeedii ka warramaya. Inta aanan qodobkan ka gudbin aan qoraha mar labaad ku bogaadinayo inta uu ceebaha iyo dhalliilaha jabhaddii uu ka midka ahaa ee SSDF na la aadaagay, halka soddon sanno kaddib SNM jabhaddii la odhan jiray ay weli ceebka saliimka dhigayaan kuwa qalinka u qaatay ee ay runta uga sheegi la’ yihiin.

Khaladdada aasaasiga ah ee buugga ku jira waxa aan ugu horreysiin lahaa kan hooyada ah ee kuwa kale badankooda dhalay, kaas oo ah; Is-dhex galka fakerka qoraha iyo shakhsiyadda buugga macnaha jilaha waa ninka la baxay KOOMBE’O. Isku milanka labadaasi isku milmeen waxa ka dhashay gefef kani ugu roon yahay.

1. “… Laakiin aragtidadayda gobolku “Deegaanka Soomaali Galbeed” ma istaahilo mid dhiig laba dad oo walaalo ahi u daato, waa saxare xigeen oomane ah, oo adduunka ka go’an waa deegaan aasaaska noloshu ka maqan tahay, deegaan aan wax ba ku wanaagsanayn marka laga reebo daaqa xoolaha ee ku xidhan deeqda cirka iyo cawska dhulka.” kala-maan.”

Halkan waxa aan iska weydiiyay sidee qoraha oo siyaasi weyn, oo dhulka Soomaalida aad looga yaqaan ah, muddooyin kala duduwanna mansabyo siyaasaddeed oo heer qaran iyo maamul goballeed ba soo qabtay, ugu dhiiran karaa in uu dhulka bedkiisu dhan yahay; 32068km laba jibbaaran, dadka ku dhaqanna sagaalka Malyuun ku dhaw yihiin, ee carro-sanka dhul beeraadka ah, ee dhaqashada xoolaha iyo digaagga ba ku fiican. Ugaadha kala jaadjaadka ahina ku dhaqan tahay, gaaska iyo shidaalkuna ceegaagaan uu ugu tilmaami karaa; “dhul aan wax ba ku fiicnayn!”

Talo soo jeedintayda

1. Dhismaha Nudda “Sentance Structure” ayaa u baahan wax ka beddel

2. Gefef xagga higgaadda ah oo door ahina way ku jiraan.

3. Fakerka qoraha iyo shakhsiyadda jilaaga buugga KOOMBE labadaas na in made loo kala sameeyo ayaan soo jeedin lahaa.

4. Afka buugga ku qoran yahay in asturnaan yar lagu daro iyagana waan ku dari lahaa talooyinkayga.

DHAMMAAD

MAHAD ALLE.