Gurrac (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Waxaan taagan nahay halka goolada ah labadda wadda ee sayladda iyo ta garoonka caalamiga diyaaradaha ee Cigaal ku kala baydhaan, waana isla halka  dayrka Dugsiga  Sare Maxamuud Axmed Cali dayrkiisu ka bilaabmo. Baabuurta taagan ee taraafikadu kala horayso ka sakow,waxaa jira dad iyaguna meesha ku buuqsan. Dadku waxay ku soo xoomeen oo ay ku urursan yihiin 19 nuqul oo ka mid ah buug dhawaan soo baxay oo la yidhaa “Gurrac” oo qoray Mudane Khadar Cabdi Cabdilaahi.  Ardayda, Macalimiinta iyo dadwaynaha urursan waxaa  weheliya dhir meesha buugta lagu gubayo ku taal oo iyadu wada hadlaysa oo ka xun buuga la gubayo.  Iyadoo anigu si gaar ah aan u xiisaynayo ayuu sheekadda dhirta  ayu  geed Galool ah oo saarnaa gaadhi xamuul Dhige-dheere ahaa taraafigu hakiyay. Haa  geed Galool ah baa gaadhi saarnaa!  laakiin isagoo dhuxul laga soo dhigay oo jawaano ku jira weeyi.

Galoolkaa dhuxusha ahi wuxuu ku biiray dooddii dhirta iyadu meesha ku taalay oo garan-waaa ka mid yahay. Wuxuu leeyahay baha-dhireedeey, oo waliba garan-waa iyo gundhocooy ma iyadoo agtiina ay taalo dhuxul oo anigaygan la igu sii wada suuqa dhuxusha si mar labaad la ii shito  ayaad buug la gubay  u  garowdeen. Way idiin gaadhay buu ku leeyahay. Wuxuu ku sii darayaa in xaashiyaha iyo jaldhiga buuga laftiisu markii hore laga sameeyay geedka gobka la yidhaa iyo dhir kale.

Galoolkaasi isaga oo aan dhamayn garnaqsigiisii, garan-waa, gucundho, miraa-miri, baxarasaaf iyo xayaabna aanay jawaab soo celin balse yaaban yihiin ayuu askari taraafikada ahi ku qayliyay dirawalkii gaadhiga galoolku saarnaa. Xawaare aad ah ayaanu ku dhaqaaqay inkasta oo Galool hadalkiisii sii watay wuu fogaaday. Waxa keliya een maqlayayna wuxuun buu ahaa guux aanan garan Karin !. Intaa wixii ka dambeeyay, waxa ka warami cid dhuxusha gaadhiga la saarnayd. Adiga ahaayaana mooyi?

Dhinaca kale buugga maan akhriyin. Maansadan Gurracna waxay ku salaysan tahay sheeko kale oo gurrac ah oo dhacdada buuga la baxay Gurrac ee la gubayay ka barbar dhacday (dhab uma dhicin balse waa khiyaal) balse aan indhaheenu ka gadaaman yihiin. Iyaddoo Gurrac ah oo deegaankii xaalufisay bay Gurrac gubaysaa……….. Waa wadda gurrac.

FG: Abwaan ma ahi. Waxaan filayaa inay I godlisay (Haddiiba godol jiro) dhacdada ugubka ah ee buuga lagu gubay magaalada Hargeysa ee sida wayn loo qoray iyo malaha buugaa magaciisa ayuun baan warbaahinta kala duwan iyo asxaab ka hadlaysa oo ka doodaysa la kulmay. Dabadeena Gidaarkayga Foolgaradka (Facebook) ayaan ku qoray 14 tuduc ee hore. Guuleed Axmed Axmed Cumar ayaa igu dhiirigeliyay inaan ka dhigo maanso dhamaystiran. Wuxu yidhi waad karaysaa, waan isku dayay isna wuu ila tiir-tiiriyay madaama uu iga abwaansan yahay.

 

Wuxuu Yidhi:

  1. Garan-waa hadlaa yidhi
    Gudin aan ku jiro baa
    Anigaba i goysoo
    Dadku igu garaacaan
    Gurrac toos ah baa jira
    Guray midiga baa jira
    Guur furid ah baa jira
    Gefaf caadiyaa jira
    Gabadho wiilalaa jira
    Geesi fulaya baa jira
    Dar guraan-guraa jira
    Gadh bidaar ah baa jira
    Gubitaanku waa maxay?
    Goormaad jabteenoo
    Ka go’deen aqoontii?

    Galool baa ku soo baxay
    Markaa gaadhi saarnaa
    Doodiina soo gaadh
    Waxse aanu wali garan
    Sheekadan gurracaniyo
    Buugga loo goleeyee
    Laga wada garaabee
    Dhamidood bah geedii
    Ka gar-naqayso idilkeed
    Gadaashoodna ay taal
    Dhuxushii la soo gubay
    Guluf buu ku qaadoo
    Garan-waa dabaalsii
    Su’aal gaamurtoo culus
    Wuxu yidhi garaad li’id
    Adi miyay ku goostaan?
    Gudinteed is aragteen?
    Gunta wali ma lagu jaray?
    Moofo intay ku galiyeen?
    Suuq may ku geeyeen?
    Gini may ku siisteen?
    Girgire may ku saareen?
    Anaa gaaridoodiyo
    Geesiba igu faanoo
    Gasiinkaan u kariyaa
    Gaajadaan ka bi’iyaa
    Iimana garaabaan
    Galabtana warkiinani
    Ka gun dheer intaasiye
    Garashaad se hadasheen
    Buugani halkuu galo
    Aan idiin gardaadshee
    Gunta weedhahaygaa
    Isaguba guyaal hore
    Gob la soo gumeeyoo
    Ged kaleeto loo dhigay
    Gidigiisu weeyaan.

    Gumareey nasiibkaa
    Haddii guban ilaa hawd
    Geyigii bilnaan jiray
    Garan-waa u mudanyoo
    Dhirta inan gumeedkiyo
    Gaagaab wax muda iyo
    keli noole gocoriyo
    Gucundho iyo xayaabiyo
    In kaloo guraanguri
    Gondahaaga joogaan

    Isagoo gunteediyo
    Wali gaadhin sheekada
    Halka ay ku gobo tidhi
    Ayuu Geelihii waday
    Dhuftay gaadhigiiyoo
    La galbaday warkiisii
    Guux buu se sii waday.
    Hadalkiina muu gu’in

 

Waxa qoray: Xamse Cabdiraxmaan Khayre

hamse.khaire@gmail.com