Guudmarka buuga Option B (WQ: Khaalid Maxamed Cabdi)

Buuggan waxa qortay Sheryl Sandberg, waxana caawiyay Adam Grant.

Sheryl Sandberg waxa ay dhalatay dhammaadkii lixdameeyada sannadii 1969, waxa ay wax ku baratay waddanaka Maraykanka; kani waxa uu noqonayaa buuggeedii labaad oo hore waxa ay u qortay buugga Lean In sannadii 2013.
Sheryl waxa ay ka soo shaqayasay dhawr meelood, waxa ugu caansan shirkadda Google oo ay ka ahayd madaxa iibka online-ka ah. Imika waxa ay ka hawlgashaa barta aynnu ku wada xidhiidhno ee Facebook, waxa ay ka tahay COO [Chief Operating Officer].

Intaasi isbarasho ha ahaato e aan u soo noqdo buugeedan, Option B waxa ay ka qortay xasuuso jacaylkii iyada iyo saygeeda David Bruce Goldberg “Dave”.

Marka aan leeyahay “xasuuso jacayl” ma aha in uu buuggu ku koobanyahay noloshoodii jacayl oo keliya; waa u gundhig iyo sees waa se buug casharro nololeed ah oo ka hadlaya sida looga gudbo marxaladaha adag iyada oo samir, calool adayg iyo la qabsi la weheshanayo.

2004 ayaa ay isguursadeen Dave iyo Sandberg, waxa uu Eebbe siiyay labo ubad ah oo wiil iyo gabadh kala ah, waxa ay ku wada noolaayeen nolol farxad iyo kalgacayl hadheeyay, labadoodu wakhtigaa ay isguursadeen waxa ay ka kala hawlgalayeen Yaahoo iyo Google.

01 bishii 5aad 2015 ayaa uu si kadis ah u geeriyooday Dave iyaga oo dalxiis iyo nasasho ugu maqnaa Mexico. Markaasi cidi lama ay joogin oo lama gunaanadin; waxa uu keligii ku jiray GYM, hore markii ay u weyday Sandberg ayaa ay kaga dabo timi GYM-kii, waxa ay u soo gashay isaga oo dhulka yaalla, madaxiisana dhiig yari ku yaallo.

Sandberg waxa ay ku noqotay u qaadan-waa iyo lama filaan. Nafiba wakhti leh e waxa ay ku noqotay wax aanay xilligan u fadhiyin.

Kadib xaqiijintii geeridiisa iyo sagootintii maydkiisa waxa ay Sendberg leedahay “waxa aan galay noloshaydii kale, waxa ay ahayd illaa imikana tahay nolol aanan dooran marnaba doorteen, nolol aanan gebi ahaanba u diyaar garoobin, nolol aanan sawiran xitaa”.

Xaaladdaa kadib ayaa ay buuggan qortay waxa ay ka qortay awoodda iyo kartida maskaxda aadmaha si ay u adkaysato iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan si ay nafahooda iyo kuwa dadka kaleba u caawin karaan. Waxa ay ku soo bandhigaysaa kasoo kabashada dhacdooyinka iyo caqabadaha in dib loo helo kalsooni iyo farxad. Waxa ay ku soo aroorinaysaa hababka looga hadlo masiibooyinka iyo sida loo dejiyo dadka wakhtigaa dhibtu haysato. Waxa ay sidoo kale ku soo bandhigaysaa inta ay qaadanyso in la dhiso bulsho iyo shirkado adkaysi leh, loo koriyo ubad adag oo aan nuglaanin iyo sida dib wax loogu jeclaan karo.

Buuggani waxa uu guud ahaan ka koobanyahay 226 bog, marka laga yimaaddo hordhaca, mahad celinta, xasuuso kooban iyo tusmada buuggani waxa ku gudo jira 10 mawduuc oo shilis si qoto dheerna loo qoray.

Mawduuc kasta oo kamid ah 10kaa waxa ay ku soo qaadanaysaa tusalayaal iyo dhacdooyin nololeed oo dareen taabad ah isla markaana waxa ku ladhan qisadii nololeed ee iyada iyo Dave iyo ka soo kabashadii dhimashadiisa.

Iyada oo inta aad buugga akhriyayso aad dhex mushaaxayso dareenno kala geddisan oo farxad, murug, boholyow iyo kacaa-kuf ah haddana waxyaabaha sida gaarka ah aan farta ugu fiiqi karo waxa ka mid ah, sidii ay ugu nafisaysay in ay wax qorto, maalin kasta nafteeda xasuusiso wax mudan in lagu farxo ayna ku bogaadiso nafteeda si ay in uun isu dhaafiso xasuusaha maqnaanshaha Dave ee shaqo kasta, hadal kasta iyo dhacdo kasta ku ladhan.

Waxa kale oo ka mid ah meelaha aan ka xusi karo buugga geerida wehelkii Sandberg iyo ubadka aabbahood kadib waxa guriga ku xeernayd tacsi iyo tiiraanyo badan, bilihii u horreeaya dhammaantood waa ay wada ooyi jireen, maalin ka mid ah maalmahaa ayaa uu wiilki u sheegay hooyadii in ay xanuujiso murugna geliso marka uu arko hooyadii oo ilmaynaysa, hooyadiina waxa ay go’aansatay in ay ka qariso murugada iyo xasuusaha ay la nooshahay isla markaana marka ay dareento murugo waxa ay xidhan jirtay qolkeeda halkaasina ku dareen dhammaysan jirtay. Maalmo kadib iyada oo hooyadi sidaa uga qarinaysa ubadkeeda boholyowgeeda ayaa uu isla wiilkeedi waydiinayaa su’aal u dhignayd: “intaa in ka badan Aabbo uma xiisaysid miyaa? Waa labo xaaladood oo kala fog qarshada murugada ee hooyada si ay u ilaaliso qalbiga ilmaha iyo su’aasha ilmuhu; maalintaa wixii ka danbeeyay waxa ay go’aansatay mar kale in aanay ka qarin dareenkeeda ubadkeeda.

Mar kale iyo maalin kale iyada oo uu ku dhowaad sannad ka soo wareegay geeridii Dave ayaa ay galab wiilkeeda u raacday dugsiga si ay madal ugala qayb gasho, arday badan ayaa Aabboyaashood la socdeen oo la qoslayeen, waxa ay taasi xasuusisay waxa ay wayday iyo waxa ay ubadkeedu waayeen oo ah wehelkeedii nolosha iyo aabbihii ubadkeeda, xasuustaasi waxa ay hurisay maankeeda; maalintaa waxa sugaysay in ay martigeliso oo xidhiidhiso madal casho ah oo ay lahayd shirkadda Facebook, dadki waa ay wada yimaaddeen martida ahaa iyadina waxa ay ka soo degi kari la’dahay dusha, wiilkeedii ayaa wehelinayay waxana ay u sheegtay in ay doonayso in ilmada iyo oohinta dhammaysato si ay u soo daadagto, inta uu gacanta qabtay ayaa uu ku yidhi: ” Waa in aad daadagto Hooyo, waa wax caadi ah in aad oydaa, cid waliba waa ay ogtahay waxa inagu dhacay” waxa uu intaa ku daray ” Hooyo, dadkaba waa ay haystaa wax ay ka ooyaan, kaliya naftaada ahow adigu”. Waxa ay leedahay Sandberg “waxa uu i baraayay wixii aan isku dayayay in aan isaga baro”.

Buugga kuma soo koobi karo qormo iyo labo aniga oo ka digtoon in qormadu dheeraato biyo dhaca buuggani waa sida loo waajaho adayga iyo xanuunada nolosha, sida loo dhiso samirka iyo adkaysiga iyo sida loo helo farxad.

Qof walba si ayaa ay sheekadani u taabanaysa waa se sheeko ku dhisan iskaashi, iscaawin, kalgacayl iyo is farxad gelin, waa dareenno aan kala maarmayn iyo nolol wadajir ku unkantay kuna dhisan daacadnimo iyo isu dhibirsanaan.
Markaasi ayaa ay wehel iyo lammaanenimadu micne samaynaysaa, noqonaysaana wax loo aayo xitaa haddii la kala tago.

Waa aan ku mahadinayaa qoraha buugga. Adigana waa aan kugu dhiirrinayaa in aad akhriso mar uun buuggan, runtii wax badan ayaa aad ka dheefsan doontaa. Haddii aad akhriday se maxaad ka xasuusataa ama micne gaar ah kuu sameeyay?

Buuggu waxa uu leeyahay degel iyo bog u gaar ah, waxa kugu martiqaaday qoraha buugga Sheryl Sandberg. Degelku waa optionb.org
Bogguna waa optionborg/sgfamilyfoundation.

Mahadsanid.

#OptionB