Guuldarradii Khaliif Sh. Maxamuud Ee Silsiladdii Miimley (WQ: Axmed Iid Aadan)

Silsilad maanso waxa lagu qeexi karaa dood maanso oo laba gabyaa iyo wixii ka badan dhex marta, taas oo ay kaga doodaan arrimo ay ku kala aragti duwan yihiin, mid bana uu u arko si ka duwan sida ay cidda kale ee doodda kula jirtaa u aragto. Suugaanta Soomaalidana waxa laga heli karaa silsilado badan, waxana silsiladahaa kuwa ugu caansan ka mid ah Guba, Siinley, Miimley, Deelley iyo Alifley.

Khaliif Sheekh Maxamuud oo markaa ahaa gabyaa tirinta maansada ku cusub, oo aanay Soomaalidu gabayga ku aqoon, ayaa waxa uu sannadkii 1978kii curiyey gabayo uu kaga horjeedey xukuumaddii markaa Soomaaliya ka jirtay ee Maxamed Siyaad Barre. Gabayadaasi waxay markii danbe noqdeen silsilad, raggii Khaliif u jawaabayna waxa ka mid ahaa Xasan Cabdi Cumar (Dhirbaaxajin), Cali Cilmi Afyare, Maxamuud-Dheeg iyo kuwa kale. Abwaan Maxamuud-Dheeg oo gabayadiisii in ay Khaliif gaadheen aanan hubin mooyee, raggaa kale tixahoodii wuu ka soo jawaabay, waxanu uga falceliyey sidii ay isaga la ahayd.

Ujeeddooyinkii uu Khaliif gabayadiisa ka lahaa waxa ugu muhiimsanaa laba ujeeddo oo kala ah in ay bulshadu kacdo oo ay Maxamed Siyaad Barre xukunka ka tuurto iyo in Khaliif qabiilkiisu helo fursadda uu qabiilka Maxamed Siyaad haysto oo ah in ay la wareegaan talada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

Arrimahaasi Khaliif waxay hordhigeen imtixaan weyn oo aan la dhayalsan karin, kaas oo ahaa sidii uu ummadda Soomaaliyeed u qancin lahaa. Waxyaalaha ugu ad’adag ee imtixaankaa ku jiray waxa ka mid ahayd musiibada qabyaaladda oo halisteeda aynu wada garanayno.

Khaliif waxa uu heli karayey in uu ka hadlo arrimo badan oo ay in badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ahi ugu garaabi lahayd. Waxa uu ka doodi kari lahaa kelitalisnimadii halista ahayd ee dalka ka jirtay, musuqmaasuqii, caddaalad darradii, maamulxumadii, dilkii iyo cadaadiskii shacabka iyo ciidammadii dalka lagu hayey iyo guud ahaan falalkii gurracnaa ee nimankii talada dalka xoogga ku qabsaday ay ku kici jireen, ummaddana ku kala qaybin jireen.

Arrimahaas iyo wax kasta oo qaddiyad guud ah,bulshaduna ay wada leedahay ayuu gabayadiisa ku soo qaadi kari lahaa. Isaga oo maansadiisa cudurka qabyaaladda ka ilaalinaya ayuu ka digi lahaa waddadii qaloocnayd ee lagu taagnaa, waxanu sheegi lahaa haddii inta ay goori goor tahay aan wax la hagaajin in la eedi doono! Haddii uu Khaliif Sh. Maxamuud sidaas yeeli lahaa dooddiisa waa loo bogi lahaa, koleyna dad taageera ma uu waayeen.

Khaliif gabayadii oodda ayuu ka qaaday, hase ahaatee hawshii sidaas ahayd iyo imtixaankii hor yaallay midna kuma uu guulaysan. Markii ay gabayadii sii socdeenna xilkasnimadii ay arrintu uga baahnayd inta uu ismoogeysiiyey ama iska illaaway ayuu caytamay. Guuldarradaa abwaan Khaliif ku dhacday xukuumaddii uu mucaaridka ku ahaa way ka faa’iideysatay. Waxa kale oo iyaguna si weyn uga faa’iideystay nimankii abwaannada ahaa ee ay Khaliif doodda maansada isku hayeen, kuwaas oo fallaadhihii maansada si naxariis la’aan ah ula dhacay!

Aakhirkii Khaliif waxa uu ku danbeeyey silsiladdii uu isagu bilaabay in uu jihayn kari waayo; in uu taageero maanso hal gabayna ha ahaadee uu bahda suugaanta ka heli waayo;  iyo in sida la sheegey dad isaga ku dhowaa ay ka codsadeen in aanu mar danbe nimankii ay is hayeen u jawaabin maaddaama aanay gabayadiisu mashruucoodii waxba ku soo kordhinayn.

Waxa la sheegey in uu mudane Khaliif, Alle ha u naxariistee, ahaa abwaan dabeecad wanaagsan, laakiin cadhadii uu Kooxdii Oktoobar u qabay ay ka tan badatay. Hawlgalkaa suugaaneed ee uu Khaliif bilaabay haddii uu hagaagi lahaa waxtar weyn buu yeelan lahaa, laakiin nasiibdarro waxa uu noqday mid aan midha-dhalin!

 

Qalinka: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com