Murtida Waqtiga (WT: Cabdirasaaq Sandheere)

Buuggu wax lala fadhiisto waa waxa ugu wanaaagsan, wax lala tashadana ugu weyn. Sidoo kale, waxla weheshadana waa waxa ugu dhaw. Dadka maankoogii ayaa ku qoran, Murtidii Falsafadyahannaduna way ku duugantahay. Sidoo kale, aragtidii khubarada, iyo miiddii tijaabooyinka ayaa ku xardhan. Dadka waxaa ugu wanaagsan qofka la noolaada buugaagta isaga oo fahmaya murtida waqtiga. Waxaanna dadka ugu shar badan qof ka madhan buugaagta ee ku qarqoomay waxa la yidhi, iyo wuxuu yidhi ‘ Yidhi baa la yidhi.’

Buugga waxaa ku qoran aqoon iyo murti. Aragti iyo khibrad. Tijaabo iyo werin. Dadka waxaa ugu haldoorsan qofka taga Maktabad si uu Kitaab faa’ido leh uga soo gato, ee khibradda ama tijaabada nolosha badiya.  Dadkana waxaa ugu liita qofka moloshiisa oo dhan ama inteeda badan aan waxba akhrin, ee la noolaadaa cid da’ ahaan, khibrad ahaan, iyo murti ahaan ka yar, ee qeyrkii la sinma. Oo markaa noloshu bilaa dhadhan u noqoto.

Buuggu nolosha ayuu dib u cusboonaysiiyaa. Hiraalka qofkana sare ayuu u qaadaa. Wuxuunna keenaa in qofku dhinacyo cusub wax ka eego, oo horumar naf ahaaneed oo kalago’ lahayn sameeyo. Dadkana waxaa ugu haldoorsan cidda nolosheeda ku cusboonaysiisa aragtiyo cusub, ee hammigeeda wax akhrisna kor ugu qaada aragtiyo cusub, misana nolosha dhinacyo badan oo cusub ka eega. Dadka waxaa ugu liita ama ugu shar badan qofka ka joogsata cusboonaysiinta. Waayo, waxa uu ka istaagay wax’akhriska. Waayo, noloshiisa oo dhani isbeddel la’aantaa ayay ku soconaysaa, oo uu la noolaanayaa, illayn  wax’akhris kuma cusboonaysiinayee.

Wax’akhriska waxa aan ka helay la saaxiibid dad qiimo leh. Sidoo kale, waxa waxa aan ka helay murtiyo maaneed. Bini’aadankuna adduunyada in badan ma noolaanayo. Balse, Cimrigu sida la wada yaqaanno aad buu u gaabanyahay (yaryahay). Noloshu waxa ay u baahantahay khibrad iyo murti. Balse, halkee ayaynnu ka helaynaa khibraddaa iyo murtidaa?

Bini’aadanku marka uu ku jiro loollan siyaasadeed, ka shaqayn dacwadeed, barbaarin Jiil soo kacaya iyo dadka ladhaqankaba waxa uu u baahanyahay khibradda dadka khubarada ah, xikmadda dadka xikmadyahannada ah, Falsafadda dadka Falsafadyahannada ah, hagidda siyaasiyiinta iyo khibradda barbaariyayaasha. Intaana heli maysid adiga oo aan kuwaa la saaxiibin (adiga oo kuwaa la saaxiibba mooyaane). Dhammaantood inaad markaliya la saaxiibtaa way adkaanaysaa, se waxaa kuu fudud inaad tab fudud oo ashqaraarle kula saaxiibto,  tabtaasina waa Wax’akhriska.’

Buugaagtu way kaladuwantahay. Ha isku deyin inaad akhrido buugaagta jeldigoogu qurux badanyahay, gudahooguna liito, waayo waqtigaaga ayay kaa luminayaan. Balse, isku day in aad akhrido buugaagta aad wax ka korodhsan karayso. Tirada ha eegin, tayada eeg. Aqoonta ku duugan eegoo ha eegin intuu buugga xajimigiisu le’egyahay. Gundheerida buugga eeg, oo ha eegin dushiisa, iyo muuqaalkiisa.

Su’aasha iswayddiinta mudani, waxa ay tahay Jiilka hadda nooli maxay akhrinayaa? Maxay yihiin Buugaagta hadda Maktabadaha taallaa?

Maktabadaha Buugaag badan ayaa yaalla. Basle, caqli soo jeeda ayay u baahtahay si loo doorto buugga faa’idada leh. Buugaagta ugu wacan ee waqtigan arkay waxaa ka mid ah; Mudaakarooyinka Mufakeriinta, Siirada Culimada iyo dadka calculus, iyo taariikhda caqliga Bini’aadanka. Ha ka noqnoqon in aad akhrido buugaagtaa. Waa ilbidhiqsiyo aan innaba caadi ahayn oo ay suurtageltahay in aad waxbadan ka korodhsataa. Alla, immisa ayaan akhriyay  Mudaakarooyinka Nelsan Mendela; halyaygii ama halgamaagii Afrika! Alla, maxaan ku celceliyay Mudaakarooyinka Mufakerkii waynaa Cabdiwahaab Al Masiiri. Immisaan ku celceliyay Mudaaraadka Cali Bayjuufiitash. Waxa aan kala kulmay aqoon, xikmad iyo Falsafad.

Qofka in badan wax akhriyaa, wuxuu ka xoroobaa inuu aragti kaliya la keliyoobo, iyo inuu addoon u noqdo feker kali ah. Wuxuuna ka baxaa deyrka adeg ee ku hareeraysan caqlihgiisa ee uu inta badan la noolaa. Sidaa umuu arkayn kaladuwanaanshaha fekerku inuu quruxleeyahay weligii. Balse, akhriska badan wuxuu kaga baxaa shabagga fekereed, iyo jeelka fahanka. Wuxuunnak caqligiisa ka xoreeyaa inuu cid u xidhxidhnaado.

Daldalka fekereed iyo adkaanta fahaneed, waxaa lagaga bixi karaa uun wax’akhriska. Wax akhri. Haddii aad tahay aqoonyahan, daaci, musaqaf, ama Fannaan, xataa haddii aad tahay Siyaasi, wax’akriska waxba ha ku baddelan. Qofka aan waxba akhriyini kelidii ayuu noolaadaa, qof ka se wax akhriyaa dadka ayuu la noolaadaa meelkasta iyo xilli kasta oo ay joogaan ba. Wixii uu wanaag u arko ee anfaca ayuu ka qaataa, wicxii aan la jaanqaadi karayn waqtigiisa iyo meesha uu joogana wuu iska daayaa. Wax lamataabtaan ahi ma jiro, marka laga reebo Kitaabka Ilaahay iyo Waxyiga keliya.

Wax’akhrisku waa xalka ammintan. Balse, su’aash iswayddiinta mudani wax ay tahay; maxay tahay, waase noocee wax’akhriska la iska rabaa? Ma waxaynnu wax u akhrinaa akhrin kaliya? Markaa wax’akhriskani wuxuu noqonayaa dhibaato. Wuxuu u eegyahay adiga oo wax u baranaya barasho uun kaliya.

Qof baa wax akhriyaya, waliba waxbadan ayuu akhriyayaa. Balse, akhriskii qofkiiwaxba kama baddelayo muddo badan. Sababtu waxa ay tahay qaabka wax’akhriska, oo qofka wax akhriyaya ayaa iska dhigaya inuu wax akhriyayo isaga oo aan sidii la rabay wax u akhriyayn.

Goormaynnu xoroobaynnaa? Xalku waa wax’akhriska wata naqdinta, dhegaysiga, iskudheellitiran ee waxbadan koobsanaya, ee deggan.

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir

W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Juun 14, 2019.