Halgankii SNM qalbigu ma halmaami karro ( WQ: Ahmed Nur Guruje)

Sanadihii 1976-77 waxa wadanka Itoobiya kasoo qaxay malaayiin qof oo u dhashay qawmiyadaha Soomaalida iyo Orromada , kuwaasoo badankoodu degey Degmooyinka ,Hargaya , Gabiley iyo Boorame , sidoo kale waxay degeen Degmada Baladwayne ee Soomaliya.

Qiyaas ay samaysay haayadda qaxoontiga u qaabilsan Aduunku sanadii 1988 , Soomaaliya waxay noqotay wadanka Aduunka oo dhan uu joogo qaxoontiga ugu badani , kaasoo laggu qiyaasay in 4 qofba wadanka midi yahay qaxoonti.

Hadaba Taliskii waagaas ee Maxamed Siyaad , markuu ku qancay in aan la helayn dhulkii Soomaali galbeed , wuxuu qaatay siyaasad ah , in dhulka qaxoontiga la dejiayay ay la wareegaan qaxoontiggu , dadka degena lagga barakiciyo.

Siyaasadaa  iyadoo la fulinayo , qaxoontiyadii waxaa la dejiyay meelaha biyaha leh ee udhaw magaalooyinka waawayn , sidda:-

– Biya xidheenka hargaysa 

– Saba-cad .

– Agabar .

– Adhi cadays.

– Boorame iyo meelo kale oo badan.

Dadkaas waxaa loo sameeyey deegaamayn rasmiya , waxa loo sameeyey maleeshiyaad hubaysan , waxaa loo sameeyey daryeel ka sareeya ka magaalooyinka , waxa loo fuddeeyeyay qaadashada taysarooyinka iyo helista shaqooyinka.

10 sanno ka dib , waxaa la dejiyay qorshe laggu dejinayo qaxoontigaas , Sheekh , Oodwayne , Beer iyo Caynaba.

waxa kale oo la diyaariyay in Banka saraar lagga sameeyo saldhig wayn oo eeroobdh leh oo lagga difaaco qaxoontigaas.

Dadkii soo dhaweeyey qaxoontigga waxaa lagga joojiyay helista sahqooyinka hoose , qaxoontiga ayaana laggu wareejiyay.

Dhacdooyinkaas oo faahfaahsan waxaa lagga heli karaa , buuga sababihii burburka ( orromo) , taariikhdii kacdoonkii uffo , waraysigii Bbc Dr Gaboose iyo warqadii geerida ee uu qoray Gen Moorgan.

ugu danbayn iyado arrintu meel halisa marayso , ayuu dhacay dagaalkii 1988 SNM ku burburisay taliskii maxamed siyaad.

Hadii aan snm halgankaas naf hurista ah gelina , sidii qorshuhu ahaa maanta Hrgaysa , Berbera iyo Boorame dadka ku nooli fiise ayuu kusuu geli lahaa , sidaa darteed halganki snm ee ka badbaadiyay umadan in sidda falastiin la barakiciyaa maaha mid qalbigu halmaami karro .