Wariye Coldoon waxyaabaha lagu soo eedeeyey waxa ka mid ah dugsiga Abaarso oo uu la xidhiidhiyey Anderson Cooper.
Anderson Cooper waa nin xumaanta qomu-luudnimadu ay u tahay hab-nolloleed, waxu ku faanaa kunaa baaqaa sidii dhaqankaasi dunida ugu faafi lahaa, wuxu ka soo jeediyaa CNN barnaamijkiisa caanka ah ee 360*, inta badan dalalka muslimka ah ma gali karo looma na ogola in uu uu soo booqdo. Ninkani wuxu Soomaalilaan wuxu yimi 2017 isagoo u socda in uu barnaamij ka soo sameeyo dugsiga Abaarso oo ay waxka bartaan caruur da’doodu ka yartahay 18 jir.
Markuu ninka noocan ahi soo booqanayey Abaarso School yaa fiisaha/dalku-galka soo siiyey? Waxa siiyey xukuumadda Siilaanyo oo dalka u soo fasaxday, kow. Laba, madaxweyne Siilaanyo ayaa waliba la soo horfadhiisiyey oo wasiirkii Caddaani wuxu ninka khaniiska ah ku sheegay “nin Soomaalilaan Caalamka baraya maadaama uu wariye wayn yahay”.
Halkaa xukuumadii Siilaanyo waxay u gaftay Qodobka 5’aad ee Distoorka JSL, oo iyada ayey ahayd in lala tiigsado(xukuumada wakhtigaan) Distoor jabin. Nasiibdaro dadka dalkan lihi; Guurtodooda oo u xilsaaran “ilaalinta diinta/dhaqanka iyo nabadgalayada; aqooyhankooda iyo culimaddoda midna wacyi iyo xilqabnimo uma laha in ay si feejigan xukuumaddahoodu ugu la xisaabtamaan distoor jabinta, wali maad maqal muwaadiniin iskood intay isu xilqaameen arintan oo kale ku dacweeyey xukuumadda oo maxkamadda sare hor keenay!
Johnathan Starr, Cusmaan Bille iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa dugsiga Abaarso aasaasay. Markii dambena waatii buuq ka oogmay ee Su’aalo badan laga keenay, ee ay soo faragalisay ilaa hay’adda wanaag-faristu. Waxa la filayey in uu digsigaasi maamul ahaan maamulo qof Soomaaliyeed sida ka Sheekh ee SOS ay caawiso. Waxa mar walba gef inagu ah n uu dugsiga Abaarso maamulo oo uu gaar u yeesho qof ajinabi ahi, iyada oo la heli karayey qof Soomaaliyeed oo Muslim ah oo karti iyo aqoon ku filan u leh gudashada xilkaas, halkaasi waa qodob sadexaad oo ku foorora xukuumadda Siilaanyo maadaama ay dayacday waajibkeedii maamul iyo kormeer ee ka saarnaa dugsigan. Taasoo ka dhigan in dalkan cid kastaa dugsiyo ka furan karto iyadoo aan rulhsadooda loo raacin sharci iyo siyaasad barbaarineed oo dalka u dajisan. Aleylehe saxaafadda ayaa in badan bogaadin mudan marka arimaha noocan toojka ku ifiyaan ee ra’yil caamkuna uu ka falceliyo.
Dugsigan anigu waan booqday markii uu cusbaa waxan ugu tegay 15 qof(rag iyo dumar) oo dhalinyaro maraykan ah u badan oo da’doodu u dhaxayso 25-35, macalimiintaasi kuma jirin qof kaliya oo haysta shahaaddada macalnimadda, waxay ii sheegeen in ay yihiin dad tabaruc waxku baraya ardayda oo aan mushahar qaadanin. Johnathan maalintaa muu joogin dugsiga oo maan ka waraysan aqoontiisa, maalin kale oo aan munaasabad ku arkay ayuu isna ii xaqiijiyey in aanu ku takhasusin maamulida goobaha waxbarashada ee uu yahay nin ku shaqaysta arimaha maaliyadda. Markaan ka waraystay manhajka ay dhigayaan nooca uu yahay, waxay ii sheegeen in ay iyagu sameeyeen ama diyaariyeen mid lagu saameelay ka maraykanka. Aniga oo dhaka-faarsan oo su’aalo badan ka qaba dugsigan ayaan Abaarso ka soo noqday, dad badan oo aqoonyahan ah oo reer Soomaalilaan ahi na sidaasay ila wadaageen. Dugsiga Abaarso in uu Johnathan ku casuumo “Khaniis Cooper” lamaan yaabin oo isagu taa dhib ba uma yaqaano, ee waxan la yaabay kuwa lagu sheegayo guddida dugsiga iyo waalidiinta oo aan la maqlin iyagoo arintaa xitaa ka hadlay, markii imaantinkaasi buuqa wayni ka kacay 01/May/2017, xitaa waxba kama ay odhanin caruurtii uu ninkaasi isla sawiray isaga oo aan fasax ka haysan waalidiinta caruurtaas dhashay, taasina waa qodob afraad iyan eh sow ma aragtaan!
Halkii ay ka ahayd in Dugsiga Abaarso dib loo eego(sidii ay hore ugu taliyeen dad kala duwan oo uu kamidyahay Dr. Axmed Ciise oo kamid ah sadexda asaasayaashe ee dugsiga), ama rukhsadaba lagala noqdo maadaama aanay ixtiraamaynin diinta iyo dhaqanka dalka, ayaa maanta la leeyahay nin wariye Coldoon la yidhaahdo ayaa ku eedaysan ka hadlida keenista “Khaniis Cooper”! Waxan hadda ba usoo jeedin lahaa qareenadda difaacaya kiiska Coldoon in ay markhaati ahaan ugu yeedhaan maxkamadda horteeda dadka ay kamidyihiin; madaxweyne Siilaanyo, Wasiirkiisii Caddaani, Wasiirkiisii Samsam iyo Taliyihii wakhtigaaa ee hay’adda socdaalka. Si ay ugu waydiiyaan maxkamadda horteeda wixii loo cuskaday in ninkaasi dalka loo soo fasaxo, kaasoo ka mamnuuc ah in uu galo 45 waddan oo Islaam ah, iyo sidoo kale waxa loogu ogolaaday in uu madaxweynuhu ninkaasi ku qaabilo xafiiskii qaranka ee uu guudkiisa sudhnaa “Calankii Tawxiidku”. Su’aalo kale na waxay tahay in ay maxkamadda ku horwaydiiyaan “cida bixisay fasaxa ah in uu Cooper caruurta la galo sawiro iyo muuqaalo”, bal si loo ogaado siyaasadda dugsiga ee ku aadan arimahaas.
In kasta oo aanan la dhacsanayn habka uu wax u naqdiyo ama habka uu warbixinihiisa u qoro wariye Cooldoon, dhowr jeerna an naqdin ka qorey, haddana ma ogi sharci u diidaya in uu dugsigaas ka faalaado ama ka waramo xaaladaha ay kamidyihiin “khaniiskaas isla soo sawiray caruurtii dhiganaysay dugsiga Abaarso”. Waan ku dhaliilayaa wariye Coldoon ; waanu ku gefsanyahay in uu dugsigaas dhaliil u soo jeediyey isaga oo aan xitaa arag maamulkiisa lana xidhiidhin waxna waydiinin. Waxay tani dhaawac wayn u keentay hufnaantiisa saxafinimo.
Si kastaba ha ahaatee, wuxu xaq u leeyahay wariyuhu in uu iska difaaco eedaha laga sheeganayo, horta waxaaba su’aal mudan “ninkan Coldoon yaa dhibane u ah oo ka eed sheeganaya; ma Cooper baa, ma maamulka dugsiga iyo Johnathan baa, ma waalidiinta ardayda dhalay baa?”. Xeer-ilaalintu eedaha ha soo oogto eh waxa muhiim in ay maxkamadda hortimaado cida dhibanaha ka ah dacwadani, ma aha sidii caaddada ahayn in qof lagu eedeeyo “eedo muhmal ah”!
Waxan is leeyahay dugsiga Abaarso marna dani ugu ma jirto in uu dacwada Coldoon daraf ka noqdo isaga oo aan wali iska dulfaydin su’aalaha badan ee dul meeraya hab-maamulkiisa guud. Waanan ka xumahay dhibta ay tirsanayaan waalidiinta caruurtoodu dhigato dugsigaas ee “ looga hadlayo sida tabban arimo aanay iyaga iyo caruurtooda midkood na wax mas’uuliyad ah ku lahayn”.
Sharcigu ha sareeyo