Qabyaaladdu waa hadh aan lahayn meel loogu soo hagaago (WQ: Ahmed Nur Guruje)

Qabyaaladdu waa hadh , hadhkuna sidiisaba cabir wax laggu cabiran karo maaha , maxaa yeelay meel hadhku istaago iyo meel uu dhamaado midna ma jirto.

Tusaale waxaa kuugu filan , Dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud , ololaha ugu wayn ee laggu hayay wuxuu ahaa in uu kasoo horjeedo dhismaha maamul goboleedka Juba land , dadka u ololaynayay dhismaha maamul goboleedkaasina guud ahaan way isku raacsanaayeen taageerida dhismaha maamulkaas.

Maanta maamul goboleedkii Juba land waa dhisan yahay , waxaanu ka kooban yahay 3 Gobol oo kala ah ,Labadda Jubba iyo Geddo , Booskii Xasan Sheekh Maxamuudna waxaa fadhiya Farmaajo.

Sidaa markay tahay , hadii Xasan meesha ka baxay , maamulkii Jubana dhismay arrinti halkaas maku dhamaatay?

Maya , maxaa yeelay Gobolka Geddo maamulka Juba kama taliyo mana hoos yimaado , Madaxwayne Farmaajo oo gobolkaas kasoo jeedaana kuma qasbin in ay maamul goboleedka Juba land si buuxda ula shaqeeyaan.

Dhinaca kale ,maamulkii Juba land iyo xukuumada farmaajo iyanaga waxaa ka dhex taagan khilaaf iyo is marin waa cilinkiisa la saari waayay.

Tusaale 2aad

Gobolka Doolo ee Maamulka Soomaalidda Itoobiya gebi ahaanba waxaa degen hal beel , beeshaasina waxay nasiib u heshay in maamuladii kala danbeeyey ee dawlad deegaanku siiyaan Gobol iyo 7 Degmo , iyadoo maamulkii ugu danbeeyey ee Cabdi ilay habeen keliya wada magacaabay 3 degmo ee kala ah , Daratoole , Gal-xamur iyo yucub-lehel.

Hadaba gobolkii sidaa ahaa , waxaa dhawaan loo magacaabay maamul ka kooban Gudoomiye Gobol iyo saraakiil la shaqaysa  , kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeda deeganadaas , hadana habeen iyo maalin waxaa ka taagan buuq iyo qaylo ku saabsan dhismihii gobolkaas.

Waxaana ugu sii daran Magaaladdii Wardheer ee xarunta u ahayd gobolkaas , oo qalalaase wayni ka jiro.

sidaa markay tahay waxaa kuu muuqanaya in qabyaaladuba tahay hadh aan lahayn meel loogu soo hagaago.