Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, ayaan leeyahay guusha Taariikhiga ah ee Madaxweyne Muuse biixi iyo Waftiga uu hoggaminayay ka soo hooyeen Shirkii wada hadal ee Lagu qabtay Djibouti,iyo sida quruxda badan ee loogu midoobay mucaarid iyo muxaafidba.
Waxan dib ugu yara noqonayaa waxa la yidhi waagii SNM ay bilowga ahayd ee la joogay Ethiopia ayaa waxa olole ku soo qaaday jabhaddii SSDF waxay ku doodeen ha nala midoobaan SNM, Maadama aanu annagu ka soo horray nay ย isla markaana aanu isku hadaf nahay oo aanu la ย wada dagaalamayno Xukuumadda Siyad Barre,Lakin SNM waxay ku yidhah deen ilmaaderrayaalow idinkuna dhinaciina kala dagaalama annaguna dhinacayaga oo wixii kaalmo aynu isa siin karno aynu isa siinno lakin ogada ย idinku biiri mayno ee sidaas aan isku ogaanno
Hase ahaattee SSDF oo uu hoggaaminayay C/laahi Yusuf Axmed may hadhin Ethiopiana SNM ayay ku cadaadisay oo ay tidhi Xooggiina isu geeya oo midooba oo ku biira SSDF si aad wada jir ugu riddaan Siyaad barre
Hase ahaatee SNM halka ay ku socdaan iyo hankooduba way dheerayd waxayna ugu jawaabeen Madaxdi Ethiopia โJabhaddan SSDF kuwo sii jiraya maaha oo dhowaanย ayay Afweyne u tagi doonaan sidaas darteed ku biiri mayno sidii ayaanay noqotay markii danbe oo SSDF waa kuwii isu soo dhiibay xukuumaddii Siyad barre.โย
Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa haddana shir kale loo qabtay inay isugu yimaadan SNM iyo SSDF maal intaas ayaa SNM qorshe dhigtay raggii ergada ahaa ee SNM matalayay ayaa waxa lagu daray Dhowr nin oo lagu xaman jiray Dagaal badnaan iyo sharaarad lahaa waxa lagu yidhi marka shirka gashaan howshiinna waad garanay saan sadexdaas nin waxay kala ahaayeen 1-Ciise Curagte 2)Jaalle diid iyo 3)Cali hayaan.
Waxa la yidhi markii ay shirkii galeen inta aanay ergadii kale ee dhexda ahayd soo gelin ayay markiiba feedh ka dhex bilaabeen dagaal gacan ka hadal ah,miisaskii iyo biyihii oo la isku rogay ayaa dhacay waa lagu soo yaacay oo askartii ayaa gudaha soo gashay waana la kala kexeya y kolkaas xukuumaddi Ethiopia maalnitaas ayay tidhi waar qolo kastaay sidaada ula dagaalan Siyaad barre.shir danbena laysuguma keenin ( Xigasho Faysal cali sheikh).
Haddaba waxan uga socdaa nimankan reer Somalia isla keeni mayno dhamaan waynu ka dheregsanahay ee waxa n soo jeedin lahaa Guddiga farsamo ee la sheegayona ha loo howl galo sidii loo kala kicin lahaa xatta hadday feedh noqonayso si la mid ah sidii SNM iyo SSDF.
Waxa xusid mudan arrinta adkaata ayuu caalamku u garn aqaa ee dad wada hadlaya waxa loo arkayaa inay heshiis yihiin hadad u fiirsato arrimaha la xalliyaa waa kuwa la isku haya Sidii Yuguslavia,East timore,South Sudan iyo meelo kaloo badan.
Waxa kaloo xusid mudan inagu waxba u noqon mayno Raashin qamaddi iyo dawarsi (Humantarian Aid) inagu Somaliland ahaan waynu ka gudubnay waxaynu rabnaa waa Horumar iyo maalgashi taasna isma hortaagi karaan maanta ma nihin Umad Qamaddi u habratta oo duruufo badan oo ka qallafsan ayaynu u soo samirnay maantana Ilahay mahadi cidna Somaliland baryi mayso.
Waxan ku soo Ururin lahaa nimankaas walaalnimo ma ogola ee taagga kibir iyo faan ayunbaa ka muuqda dhinac ay u socdaanna lama garto,dowga iyo sida dad u kala baxo ma yaqaanan markaas la kulankoodu wuxunbuu kordhinayaa dadka oo kala shakiya oo ay been khayaali iyo brobagando hawada mariyaan oo ay yidhahdaan Somali ma kala maaranto iyo qaar dhalinyartaย ka mid ah oo ay woxoogay Adduun iyo Vissa Turkiga uga soo qaadaan oo ay kolba u gacan haadiyaan sidaas darteed waxan aad u jeclaan lahaa in farsamo ahaan la soo afjaro nooc kasta oo wada hadal ah.si loo waayo waddo ay soo maraan.
Waxan kaloon soo jeedin lahaa in dhalinyarta Somaliland la wacyi geliyo oo la baro waddaniyadda hadday tahay Radio,TV iyo warbaahinta social media loona sheego halka aynu ka nimid,halkaynu marayno iyo halka aynu u soconno.
Allaa mahad leh.
Rashiid Odowaa
063-4101213