Ugu horrayn waxa aan hambalyo u dirayaa ardayda sannadkan u fadhida imtixaannada qaranka iyo guud ahaan bahda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee xilkasnimada u gudanaya waajibaadka qaran. Ilaahay dhammaantood ha guuleeyo.
Kal hore (2018) waxa aan ka faallooday sababta keenta in dugsiyadu ku kala horumaraan dhibcaha ay ardaydoodu ka keenaan imtixaannada qaranka, taas oo ka dhalata farqiga tayada waxbarasho ee ardaydu helaan. Iyada oo shalay 15kii Juun 2019ka la bilaabay imtixaannada qaranka ee fasallada 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare, waxa aan si kooban u guud mari doonaa inta aan ogahay hannaanka imtixaannada loo qaado, xafiiska hawshaas qaranka u qaabbilsan iyo aamminaadda aan ku qabo in shaqadan loo guto si hagar la’aan ah iyo in kale.
Sannadkii 1997kii ayaan u soo wareegay dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Cali Cismaan, aniga oo ka soo ka soo beddeshay dugsiga Cabdi Xaashi Guuleed ee Deegaanka Kaam Abokor ee Degmada Darroor, oo ka tirsan Dawladda Soomaalida Itoobiya.
Waxa ay wasaaradda waxbarshadu naga qaadday imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga hoose, waxa sidoo kale la qaadi jiray imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe. Laba sanno ayuu xafiiska imtixaanaadku qaaday jirrabka fasalka afraad ee dugsiga hoose oo kala ahaa 1997kii iyo 1998kii. Sawirka kowaad ee aan noloshada ka hayaa waa kii an u galay helidda oggolaanshaha gelista imtixaanka (roll number).
Waxay ahayd markii kowaad ee aan galo imtixaan ka sarreeya heer dugsi oo magaalo iyo dal gaadhsiisan. Haddii waayada hore weydiimaha samuuradda na loogu qori jiray oo ay koobnaayeen, doorkan waxa uu ahaa mid daabacan oo ka ballaadhan kuwii aan hore u arkay.
Wuxuu joogsaday markii 1999kii la bilaabay imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare, waxa aan filayaa in ay adkaanayso in imtixaan heer qaran ah laga qaado saddex lo doo kala geddisan. Wakhtiga aanu galnay waxa aan ku qiyaasayaa bishii Mey 1997kii, waa markii iigu horraysay aragtida Daauud Axmed Faarax Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka iyo Shahaada-bixinta Qaranka (Somaliland National Examination and Certification Board SNECB).
Markaas iyo xilliyo ka dambeeyayba waxa uu na siiyay tilmaamo ku saabsan hannaanka imtixaanka looga shaqeeyo, shuruucda jirrabka iyo jidka aanu ula jaanqaadaynno hal-xidhaalaha heerka qaran ah ee ka mugga weyn kuwii aanu geli jirnay ee heerka dugsiga ahaa.
2001 waxan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8aad ee dusgiga dhexe, kaas oo aanu ku galnay dugsiga Gacma-dheere ee magaalada Hargeysa. Waxa aan xasuustaa in aan markaas kaalinta labaad u galay fasalkii aan ahaa, sidoo kalena qofka lixaad ee dugsiga ayaan ahaa.
2005 waxan u fadhiistay imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sare, arday ku gashay Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf (Gacan-libaax) oo uu madax-laameed u ahaa Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif (Tulux) ayaan ku jiray. 10 maaddo oo aanu galnay waxa aan lix ka mid ah ku gudbay heerka ugu sarreeya ee kowaad (A), saddexna heerka labaad (B), hal maaddo oo aanan ku fiicnayn Xisaabta waxa aan keenay buundada ugu hoosaysa (E).
Inta aan ka shaqeeyay dhawr midh ayaan dhiibay warqaddii judhaba, waxa aan ogaa in aan ku gudbayo maaddooyinka kale. “A ayaan keenayaa, haddii kale B qasab ah” baan odhan jiray. Waxa mar walba saamigal qumman ahaa dedaalka iyo dhibcaha aan filanayo. Toban arday oo keenay A ayaan ku jiray, kuwaas oo ka mid ahaa 160 arday oo ka socday dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. Haddii dhicitaanku ceeb yahay taasi way iga hoostay. Ardaydana waxaan ku idhaahdaa “Maaddo walba kuma fiicnaan kartaan inta badan. Ka shaqeeya inta aad garataan, way is kabaan xiisadaha aad fiican tahay iyo kuwa aad liidataa”
Marba marka ka dambaysa waxa kobcayay hawlgalka iyo hannaanka imtixaan-qaadista. Sannadkaas 2005 waxa ilaaliyeyaasha fasallada laga dhigay laba, waxaana goob kasta/fasal walba imtixaanka ku wada gala 20 arday. Celcelis ahaan 10kii ardayba waxa ku qoran ilaaliye, waanay adag tahay in la kala eegto. Waxaannu ahayn lodkii lixaad ee ka baxa dugsiyada sare ee Somaliland.
Farsamada casriga ah ayaa curisa habab qallooca oo la isugu dayo in la eegto ama la fashiliyo imtixaanka, taasna waxa lagaga hortagaa feejignaan, fiiro iyo faaqidaad loo dhan yahay. Tani ma aha wax inagu kooban, waxa aad aragteen waalidiin Hindiya ah oo sallaanno u koraya inay carruurtooda qish u geeyaan ama imtixaanka uga shaqeeyaan. Waxa igu magaalo ah in Bangaladhaash laga joojiyay imtixaannada heer qaran ee dusgiyada, sababo la xidhiidha fashilkooda.
Somaliland illaa hadda waxa ay si fiican u waddaa imtixaananda heer qaran. Sannadkii horena waxa la soo kordhiyay in baraha bulshada la xidho saacadaha imtixaanku socdo. Maanta gelinkii hore ayay rag aan wada soconnay yidhaahdeen “Facebook wuu wareegayaa”. Waxan u sheegay in loo xannibay imtixaanaadka qaranka.
Xafiiska imtixaanaadku waxa uu gacanta ku hayaa sir qaran iyo aayihii ubadka Somaliland, mana aha aha wax fudud inaad kala saarto boqollaal iyo kumannaan qof. Ma aha meel laga macaasho ama dano la isku dhaafsado, waana ta keentay in ardaydu tartan u galaan gudbitaanka iyo guusha. Haddana waxa dhacda in qof ama dugsi gaabis ahi gedaafeeyo, weligeedna gari laba nin kama wada qoslin.
Wuxuu ka mid yahay xafiisyada ugu koboca iyo kaalin-qaadka badan ee wasaaradda waxbarashada oo aan mar arday ka ahaa 1997-2005, marna aan macallin iyo hawl-wadeen ka ahay 2005-2019. Mar uu dad kooban u xilsaarnaa iyo maanta oo uu kumannaan waajahayo labaduba waa jireen. Aayaha dhallaanka iyo barbaartu ma geyaan eex, gef iyo ujeeddo leexsan. Haddii aan ku kalsoonaan waayana, waxa waxba-kama-jiraan ah shahaadooyinka aan haysto.
La soco qayb kale…