Hab maamuus madaxweyne meel ay kaga jirtaa ma jirto kalmadda “Huuno” (WQ: Rashiid Odowaa)

Taariikhda protocolku “Hab maamuusku” waxay ka soo bilaabantaa Griiggi Hore Markii geedkii  “papyrus plant”ugu horreeyay la beeray geedkaas caleentiisa waxa  loo adeegsaday In wax lagu qoro,isla markaas marka la duubo qoraalladaas ka kooban calemo badan  si loo xafido qoraallada ayaa waxa la sameeyay Xabag isla geedkan laga tuujiyo in la  isugu dhejiyo duubkii kastaba xabagtaas oo ahayd sida Super Glue da oo kale markaas habkaas  ayaa loo bixiyay “Protokollant”

Qarnigii 15 aad waxa loo adeegsaday kalmaddan protokool in laga dhigo halka lagu Ururiyo waraaqaha iyo dukmentiga sharciga ah sida Arkiifiyada oo kale haddana   Qarnigii 19aad waxa loo adeegsaday kalmadda Protocool hab maamuuska Madaxda waddamada  iyo cid kastoo meeqaam sare lagu soo dhoweynayo mar kasta oo shir ama munaasibad lagu kulmo sidaas ayuuna noday wax casrigana la jaan qaada qarniga 20 ilaa 21aad

Borotokool muxu yahay? Waa talaabooyin nidaam sharci oo ay Hay’adha dowladda iyo wufuudda caalamiga ahi u kulmaan ama la isu soo dhoweeyo lakin maha sharci qoran ee waa waxyaabo la isla qaattay faham ahaan.

Borotokoolku muxuu faa’iido ka yahay?waxa uu faa’iido ka yahay habka (Saystemka) ayuu dhowraa wuxuna ilaaliyaa kasta meeqaamka uu leeyahay iyo halka ku habboon ee la fadhiisinayo  in wax kastaba,waxay ka dhigantahay haddii la waayo Borotokool waxay la macno tahay Fowdo inanay jirin Dowladnimo.sidaas darteed waxan odhan karnaa Borotokoolku waa xabagta isu haysa dhamaan habka sharciyada loo fuliyo,hay’daha qaranka iyo xidhiidhka caalamkaba.

Muxuu ka koobanyahay Habmaamuus (Borotokool)? waxa uu ka kooban yahay dhaqamo ,caadooyin badan oo aan qornayn lakiin Adduunyadu isla fahamtay inta badan.matalan Roogga cas “Red Carpet” waxa markii hore isticmaashay Gabadh ka hinaastay ninkeda oo ahaa Mayorka magaalada “Athens” wuxu booqasho ku tagay Magaalada “Sparta”waxay maqashay war sheegaya inuu magaalada kale ku guursaday markaas gabdhii iyadoo xanaaqsan ayay u dhigtay roogga Cas ninkeda markii uu soo noqday waxa la ogaaday inaanu jirin guurkaas kale.rooggii casaa sidaas ayuu ku hir galay oo uu noqday wax caalamku isla qaattay gaar ahaan 30kii sano ee ugu danbeeyay.

Borotokool xumadu Ciqaaab ma leedahay? Maya ma laha!!! ciqaab toos ah lakiin waxay leedahay Ceeb aad u wayn haddii qofka la marin waayo meeqaamka uu leeyahay waxa ka dhalata fadeexad dowladaha xidhiidhkooda ayaa hoos u dhaca.waxa kaloo yaraada xukuumadda ama qaranka xidhiidhka caalamiga ah.ee ay la leedahay dunida kale.

Haddaan u soo noqonno Madaxweyne habkuu u soo galo Baarlamaanka waxa loo sameeyaa Soo dhoweynta ugu sarraysa,waayo waa madaxii ugu sareeyay qaranka isaga ayaa xaq u leh soo dhoweynta ugu mudan,waxa soo dhoweynta M/weynaha qaabilsan waaxda Protocoolka ee Aqalka wakiilada iyo Guurtida xilliga ugu muhiimsan ee madaxweynuhu yimaddaa waa xilliga qudbad sannadeedka iyo mar ay jirto xaalad gaar ahi,markaana Guddoomiyaha Golaha baarlamanka ama guurtida ayaa warqad casuumad ah u gaynaya Madaxweynaha,marka uu soo galo madaxweynaha Sarkaalka ama taliyaha Police ayaa ku dhawaaqaya inuu soo galay m/weynuhu Roogga cas ayaa loo dhigayaa Salaan sharaf ayaa la siinayaa waana loo saro kacayaa.

Haddaynu soo koobno ma jirto hab maamuus madxweyne meel ay kaga jirto “Huuno” iyo “walaal” ee waa nidaam caalamiya oo innagu Somali ahaanna aynu Haddaynu hab maamuuska Borotokoolka waa macquul lakiin waa inay noqotaa wax dhacdo ku dhisan iyo aqoon oo la inala qaatto.

Tixraac;

Buugga Tusmada xildhibanka ee uu qoray Rashiid Odowaa

Rashiid Odowaa

rashidsalan@gmail.com

063-4101213