Habar baa isk haw haw lee heelada inoo tuma (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Dhegihii waansan ayaa waantooba, Bulshadu way qaylinaysaa! Xukuumaduna maqli mayso, xisbiyada mucaaradka ahi hadalka iyo qaylada bulshada qayb ka mid ah ayey maqlayaan! Balse bulshadu labada dhinacba way maqlaysaa, hadaba maxaa keenay in Xukuumadu in aanay maqlin bulshada dhawaqooda, sawaxnka, qaylada iyo buuqa ka yeedhaaya? Maxaa keenay in xisbiyada mucaaradka ahi ay hadalka bulshada qayb ka mid ah iyaguna maqlaan? Ma dhabaa se in bulshadu maqlayso labada dhinacba waa mucaaradka iyo muxaafidkee?

Nin deyaysani derigee marayaa?

Deyowgu ceeb maaha, weligeedba waa la anban jiray hase yeeshee marka la ogaado in la anbaday waxaa wax la waydiin jiray xeeldheerayaasha indheergaradka ah, dabadeedna iyagaa ciida iyo xidigaha midkood ama labada dheehan jiray kolkaasna sheegi jiray jihada loo socdo, maanta tii ma jirtee xagay qabatay? Ma dadkeedii noocaas ahaa ayaa idlaaday? Mise waxa loogu jawaabaa HUS iyo naga aamusa waxba garan maysaane! Amankaag weeyaan warku. Deriga aad maraysaa hadii uu kaa khaldamo wax baa lays weydiiyaaye miyaa layska sii jaqaafiyaa? Xeeladda (Siyaasada) Soomaalidu berigii hore waxay ku xidhnayd dhaqankeeda sidaasaana wax kasta loola dhaqmi jiray, midkan iminka heelka timid waa Doo loo waa laynoo soo tacabiriyey markaasaynu iska la boodnay inagoon odhan waa sidee ama maxay inoo haysaa? Ka diba waxaa ka curtay in aynu deyooyno oo aynuba garan kari wayno meesha aynu u sii heetinayno, miyeynu weligeen iska naawilaa halka aynu u sii jeedno oo waxaynu aragnaa maalinba hooska aynu ku sii nasanayno?

Xeeladi ma sheekaa?

Xanta maanta taaliyo

Ma Xayuubi dayrkaa?

Xadhiggii barbaartiyo

Xogta aan ka qarinaa

Kuwa xaday dalkaygooy

Horta mee Xadiiskaad

Xoolahayaga ku boobtaan?

Ma qardhaas la xidhanyaa?

Ileen Xeerkii diidee

Xoog miyaad cuskanaysaan?

Adigaa Xurmada tiray

Markii aad Xaraashteen

Xidigtii dalkeenaba

Xigmad yare dalkaagii

Xeedhadaada moodaye

Suugaanta Xaradhka leh

Maalmo way ku Xusayaan!

Ninka Xumaha dedayooy

Horta mee Xiskaagii?

Miyaad Xoortay waa hore?

Xaragada naftaadiyo

Xiisuhu ku qaadyee

Xaraash xoolo jaban baad

Maanta soo Xer geysee

Xagee baad u socotaa?

Haddaba waxaa mudan in wax badan layska waydiiyo maxay ujeedaan raxantan dalkeena marinka habowga ah la martay ee markay deyoobeen dadkii, dalkii iyo duunyadiiba baabinaaya? Mise toodu waaba nin deyaysani derigee marayaa?!

Heeladda inoo tuma:

Wax la yidhi reer aroos iska tumanaaya oo ciyaartii meel fiican marayso ayaa waxa soo dhex galay nin tuug ah oo heeladii iyo hawraartii ka qayb qaatay, isagoo weliba heeso aad loogu bogay ka tumay raarta ciyaarta lagaga heesaayey, waxaa dareentay oo fahankeedii wanaagsanaa ku cabirtay in aan ninkani ahayn oosha ama degaanka ee uu yahay nin dool ah oo dan gaar leh, una yimid inuu dantiisa iyo toogadiisa gaadho. Habartii waxay tidhi inaga hubiya ninka heesaaya! Balse ciddi kama dhegaysan isna wuxuu ku jawaabay HABAR BAY ISKA HAW HAWLEE HEELADA INOO TUMA; waa kelmeda aan cinwaanka u soo qaatay!

Si kastaba ha ahaatee hadalka iyo dhawaaqa bulshada ka soo yeedhaaya wuxuu la mid yahay hadalkii loogu jawaabay habartii wax dareentay ee ahaa Habar bay iska haw hawlee heelada inoo tuma! Waxaa soomaalidu hore ugu maahmaahday ‘miidaamo dhego ma leh haduu malag dhawaaqee’ waxa kale oo soomaalidu ku maahmaahday ‘Hashu laaca aragtee laaga ma ogtahay’ ‘nin soori kaa qaaday waa nimay seefi kaa qaaday’ murtidani waxay si mug leh waxa uga sheegaysaa hab-dhaqanka maanta dalkeena yaala ee aan bulshada iyo xukuumadeedii is ba maqlayn.

Markaad u fiirsato dhinaca mucaaradka, iyagu waxay keliyoo ka maqlaan dhawaqa iyo odhaahaha bulshada ka imanaaya wixii ay ku jirto waanu soo diga roganey oo waa koox ooman oo tuban bacadka, halka ay u arkaan xukuumadu in ay tahay koox geedkii la wada hadhsan lahaa iyagu keligood ootay oo fadhiya, oo aan cidna wax uga ogolayn! Bulshadu waxay mararka qaarkood u haysataa in xisbiyada mucaaradka ahi u dhego nugul yihiin, waayadeed waxay mararka qaarkood uga dareen celiyaan dhawaqooda ay bulshadu kaga hadlayso ee ay rabaan in ay kula gartamaan xukuumada. Wax la yidhi ‘nimay meeli u cadahay meeli ka madow’ dhegaha mucaaradku waxay aad ugu haraadan yihiin waanu idinku soo biirnay oo xisbi xaakimka ayaanu ka soo digo roganay.

Bal aan dhan kale ka soo is taago wax la yidhi nin baa xoolihiisii aroorshay balse wuxuu ka tegay oo iloowayba yeelkii uu xoolaha ku waraabin lahaa qaar ka mid ah, tolow ma naadhadhkii buu hilmaamay oo ka tegay mise waaba wadaamihii; guulkiisii ma waraabiyey? Ilama aha! Hadaba xukuumadu markii ay mucaaradka ahayd waa tay inoo qaaday heestii beeshu way haraaday! Ma ina waraabisay, mise iyaduna yeelkii bay sii hilmaamtay?

Dabaal dega dib inoogu dhiga:

Sebenadii 70aadkii ama 80aadkii waxa dalka FILIBIIN (Philipines) ka arimin jiray nin la odhan jiray MARCOS, waa tuu dilay mucaaradka ninkii hogaaminaayey balse waa tii islaantii ninka la dilay buuxisay jagadii hogaaminta ee arimaha badani ay dhex mareen MARCOS, kacdoonadii iyo mudaharaadyadii lagaga soo hor jeeday ayuu u haystay in dadweynuhu isaga ku taagerayaan oo waa tuu lahaa ma gaadhin maalintaan kursiga fadhiisataye maxaa la dabaal degaysaan? Maanta hadalka, hawraarta, deyaanka, buuqa, sawaxanka iyo qaylada bulshada ka soo yeedhaaya malaa xukuumadu waxayba u aragtaa in loo dabaal degaayo maalinta xuska 18ka MAY xuska qaranimada Somaliland. Mise xukuumadu waxayba u aragtaa guulo ay niyada ku hayaan in loo sii dabaal degaayo.

Ileen geed la qabsadaana:

Nin reer hawd ahaa ayaa doon raacay markaasay bada la jibaaxday, kolkay amin dheer soconaayeen ayaa doontii la qara-qantay (degtay) dadku ileen dabaasha ayey yaqaaneene nin waliba siduu naftiisa ula baxsan lahaa ayuu u dabaashay, balse ninkan reer hawd isagu wax dabaal ma yaqaano mawjadaha ayaa hadba dhina ula roora oo u tuura wuxuu goor uu sii degaayey oo uu guudka sare ee biyaha bada u soo booday eegay hareerihiisa bal inuu helo in geed ama laan galool oo uu cuskado ama qabsado hase ahaatee halkaa kama helin wuxuu ku dhawaaqay ILEEN GEED LA QABSADAANA! Somaliland iminka heerkay maraysaa waa ninkaas dabaashay isagoo dabaal aqoon u lahayn, waxaynu qaadanay dimuqraadiyad balse ma naqaano sida ay tahay dimuqraadiyadu!

Muruqa laba suul:

Baa nin taajir ahaa hantidiisii uga tegay wiil uu dhalay, wiilkiina oon ayaa u hayey hantida aabihiis oo hawlo badan oo qabyo ka ahaa oo uu gaadhi waayey ayuu damcay inuu gaadho oo waaydan uu muftaaxa hayo dhamaysto, Arinku waa muruqa laba suul ninba si ku ah! Beri waa tay ahayd;

Mar haddii Muftaaxii

Maalkii adoowgaay

Midigtayda soo galay

Meeshii aan doonoba

Waa inaan mushaaxaa!

Wasiirada xukuumada ee loo dirtay in ay ahaadaan Adeegayaal bulsho waxayba iyaguna ku jiraan sida heesta sare ku xusan. Waqtiyada qaarkood waxayba tagaan debedaha si ay ugu soo dabaashaan harooyinka guryaha (sweaming pool) eek u yaala Yurub iyo Ameerika. Mararka qaarna malaa waxay b aka soo qayb galaan THRILLER SHOWS, iyaga heestoodu malaa waa:

Mar hadii muftaaxii

Maalkii dalkayguba

Midigtayda soo galay

Moosinkii aan doonoba

Waa inaan muquuraa!

Nin Haraadani dhegba wax ka maqal:

Waxay Soomaalidu hore ugu maahmaahday NIN HARAADANI DHEG BIYO LA HEL AYUU KU MAQLAA DHEGNA LA WAA’ Bulshada Somaliland waxay ka dhigan tahay ninkaas haraadan ee dhegba war ku maqlaaya oo iyaduna waxay dheg ka maqlaysaa boobkii iyo musuq-maasuqii joogsay dhegta kalena waxay ku maqlaysaa Berbera gidigeed la iibi oo lacagtii waxaa lagu shubtay Bangiyada Carbeed, waxana iman doona UAE oo waa tii laga iibiyey.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland sanadkii 2005kii waxay dooratay xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland iyadoo lays lahaa iminkaa ka baxdeen dhibaatooyinkii hore u sii taagnaa oo la gaadhay toobiyihii hour-marka mar hadii qof kastaa uu xildhibaan geystay Golaha! Ma dhicin filashadii rayidku qabeen oo waa tay beri horeba irdhowday. Bulshadu iminka waxay qaadaysaa heestii Magool ee ahayd

Inamada la doortoow

Waa laydin aaminay

Idinkoo amaan mudan!

Hunguri wed ma arko:

Dhegaha Golaha wakiiladuse warkaas dheg uma jalaq siiyaan oo waxayba ku jiraan HUNGURI WED MA ARKO! Waxay bulshadu u ergootaa ninkii iyadaba dhibka u geystay ama qayb ka ahaa waayadeed waxaad maqlaysaa maye Golayaashii baarlamaanku, taasina waa

Nin dawee la leeyahay

Denbi uu badh leeyay

Inuu daaro ma ogola

Deebaaqda boogta leh

Wixii aan ahaan jiray:

Wax la yidhi dhurwaa ayaa karhay oo nacay magaciisa Waraabe oo damcay in magaca laga bedelo oo loo bixiyo waxaad ii bixisaan Aamin, ka dib ayaa nin jirabay isagoo magaciina ka aqbalay, wuxuu bireeyey neef adhi ah ka dibna miscirirta ayuu sii sudhay Aamin na wuxuu ku yidhi sii ilaali waa amaanadaadee, waraabihii wuu ku soo durkay wuxuuna judhadiiba dareemay uduga iyo carafta ka soo kankamaysa neefkaas la bireeyey, u soo dhowaa! Lagu soo korodh wuxuu ula tegay carabkiisa gacanta u ah haduu leef-leefayba goosay ismuu ogayn gooruu goostay wasladaha neefka balse waaba dhameeyey neefkii oo xataa ricir kama tegin. Goor danbe oo Aamin yahay denbiile ayuu ninkii soo noqday xili uu soo dhowaa ninkii ayaa waraabihii cararay wuxuuna ku sii dhawaaqaayey:

Waxaad igu ogaataan

Wixii aan ahaan jiray!

Markaa inagu maalinba koox ayeynu aaminaa markaasay isugu keen dhuftaan oo inagu yiraahdaan waxaad nagu ogaataan wixii aan ahaan jiray!

Fiintuba la ooydaa:

Maalmaha kala danbeeyaa mid ba warkeeday sidaa, qaar baa wadhi iyo wadeecooyin xanbaarsan, qaar kale ayaa iyaguna sida badhaadhaha iyo barwaaqada aan marna laga dhergin, maanta Somaliland wax aka jiraa waa arimo sahlan oo xal iyo maaro loo heli karaa, waa hadii loo maro marinkeeda iyo xeeladeeda. Hadiise sidaas loo sii daawado waa ay ka gudbi doontaa waayadeed biyahaan hortooda arkaa dabadoodu waa huubo, wax la yidhi shinbirta la yidhaahdo fiinta kama baqdo maalmaha ay markaas ku sugan tahay ee waxay ka ooydaa abaarta ama dhaxanta roobka ee ku soo fool leh; markaa dadkeenu waxay maanta ka hadlayaan oo si mug iyo miisaan leh u arkaan wadeecada, waxyeelada, walbahaarka, gabood falka iyo dhibaatooyinka aan isirka iyo abtirsiinayaha lahayn eek u soo socdo, ha ahaadaan kuwa uu keeni doono SALDHIGA Milateri ee Berbera looga yagleelaayo UAE balse aynaan ciidamada fadhiisinkoodu noqon doono garanayn.

Fiinyahay adaa ololayoo Oohin ciirsadaye

Hadii aanaan kuu iman Waad aamusi lahayde

Iska aamus waan kula qabaa uur ku taaladaye!

Isku soo wada xooriyoo bulshooy dalkeena nimankaynu wax u diranay inooma jeedaan oo nin bam eel dantiisu taalo ayuu jiraa oo u jeedaa, waynu hadalnaa balse laynama maqlaayo, hadii ay jiraan qaar ina maqlaayaa waxay inoogu warceliyaan HABAR BAY ISKA HAW HAWLEE HEELADA INOO TUMA! Is waydii yaa raarta ku jira oo ku heesaaya dhaantada dalka ka socota?

 

Maxamed Cumar Dhagax