Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dalbaday in muwaadiniinta Maraykanka lagu amro in ay Visa ku galaan Yurub.
Golaha Midowga Yurub ayaa laga dalbaday in tallaabadaasi uu dhaqan geliyo.
Haddii amarkaas uu meelmaro, qofkastoo haysta baasaboorka Maraykanka waxa laga doonayaa dal ku gal inuu ku tago Yurub.
Waxa uu baarlamaanka Mdiwoga Yurub meel mariyay qaraar amraya in go’aanka lagu meelmariyo laba bilood guddahood.
Dhanka Yurub marka la eego, muwaadiniinta shan dal oo Midowga Yurub ka mid ah ayaa laga rabaa dal ku gal, ka hor inteysan Maraykanka u safrin.
Balse dhammaan muwaadiniinta Maraykanka waxay hadda u kala safri karaan dhammaan dalalka Midowga Yurub iyagoo aaan haysan dal ku gal ama Visa.
Golaha Midowga Yurub ayaa laga doonayay in tallaabadan uu qaado bishii April ee sanadkii tagay.
Go’aanka ayaana soo baxay markii la ogaaday in dalal ka mid ah xubaha Midowga aysan Maraykanka u safri karin fiise la’aan.