Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka wuxu iska casilay kooxda baadhitaanada ku hayaha eedahama faragelinta Ruushka ee doorashadii Madaxweynenimad

 

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa cadaadiskii saarnaa kaga jawaabay in uu faraha kala baxo dhammaan baadhitaannada ku saabsan in Ruushku uu farogelin ku sameeyay doorashadii Maraykanka, arrintaas oo ay wadaan waaxda dambi baadhista ee dalka Maraykanka ee FBI.

Laakiin Xeer ilaaliyaha Guud wuxuu sheegay in uusan been sheegin bishii January markii uu sheegay in uusan wax calaaqaad ah la lahayn Ruushka.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka dalbanaya in uu is casilo ka dib markii ay soo baxday in uu la kulmay safiirka Ruushka intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada Maraykanka ee sannadkii hore.

Eedaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay Maraykanka ayaa ku soo laalaabatay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Xeer Ilaaliyaha Guud isagoo cadaynaya in aanu ka mid noqon kooxda baadhaysa eedaymaha Ruushka loo soo jeediyey waxa uu yidhi:

Waxaan go’aansaday in aanan ka mid noqonin baadhitaannada hadda socda iyo kuwa mustaqbalka iman doona ee la xidhiidhka ol’olihii doorashada ee dalka Maraykanka”

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay waaxda cadaaladda ee magaalada Washington DC, ayuu ku sheegay in hadaladii uu horay u sheegay markii uu shaqada uu hadda haya uu raajicinayay ay ahaayeen kuwo daacadnimo ah oo sax ah, sida aan u fahansanaa markaas.

bandhige@gmail.com