Haddii aan Maayarka Hargeysa noqon lahaa (WQ: Maxamed Aadan Tarabi)

Waxaan daawaday Barnaamij loogu magacdaray haddaan Maayar noqon lahaa Hargeysa waxan baan ka qaban lahaa. Aad baan uga naxay runtii oo waxa ii soo baxday in Hargeysa ay sidaa sii ahaan doonto. In kasta oo laba saddex qof I rejo galiyeen.
Haddaan Maayar noqon lahaa anigu:
1. Waxaan samayn lahaa ciidanka ilaalada magaalada oo ku shaqeeya gawaadhi, Lug,  baaskiilado, isgoysyada qaar waxaan dhigi lahaa gaadhi Booliis si joogto ah.
2. Waxaan samayn lahaa qaybta ( Towing Department) waxaan waddooyinka ka qaadi lahaa gaadhi kasta oo yaalla meel khaldan.
3. Gaadhi kasta oo aan ka qaado ama ka jiido jidadka magaalada waxaan gayn lahaa Geerash mucayin ah, lacagta lagu soo qaaday, iyo ta ganaaxa ee dawladda hoose waxaan ka qaadi lahaa qofka gaadhiga leh. Haddii uu muddo cayiman ku bixin waayo ganaaxa dawladda hoose gaadhiga kasta oo sidan ah waan xaraashi lahaa.
4. Waxaan mamnuuc iyo lama arag ka dhigi lahaa Parking bilaasha waddo kasta parking keeda lacag baan ka dhigi lahaa aan baryo lahayn.
5. Waddooyinka magaalada waxaan dhigi lahaa Booliiska ( Traffic police) gaadhi kasta oo xawaare xoog leh ama ka badan ( City limit) waan ganaaxi lahaa.
6. Saddexda sannadood ee muddo xileedkayga ugu horreeya waxaan xoojin lahaa Degmooyinka magaalada waxaanan ku dedaali lahaa. In degmo kasta ay iska bixiso booliiskeeda, caafimaadkeeda, waxbarashadeeda, iyo dayactirka jidadkeeda. Ka maayer ahaan waxaan u samayn lahaa Isla xisaabtan dhab ah kaddib ( Kab dhaqaale oo Degmooyinka Caasimadda lagu kabo)
7. Mehered kasta, waxaan dhigi lahaa Qashin qub ay iyadu lacagta bixiso lagu qaadayo.
8. Waddo kasta waxaan dhigi lahaa Qashin qub dawladda hoose bixiso kharashkiisa ilaalisana nadaafaddiisa.
9. Waxaan samayn lahaa beero dadwaynuhu ku nastaan, ku jimicsadaan, ku ciyaaraan, amnigooda iyo nadaafaddooda dawladda hoose ayaa ka masuula.
10. Qof kasta oo Hargeysa guri hanti ah ku leh gurigiisa ama ha ku jiro ama ha kireeyo isaga ayaa ka masuula lacagta qashinka lagaga qaado.
11. Waxaan dhisi lahaa guryo dadweyne ( Public house) waxaan dejin lahaa dadka waayeelka ah, kuwa jilicsan ee aan shaqaysan karin, iyo qof kasta oo muwaadiniinta reer Soomaalilaan ah ee oo xaaladdiisa la caddeeyo inaanu kiro iska bixin karin. Maalintase uu shaqo helo gurigu uu ku lacagoobayaa.
12. Waxaan la dagaalami lahaa darbi jiifka anigoo ugu yeedhi lahaa ( Homeless) dadka reer Soomaalilaan ayaan tabarucaad u waydiin lahaa. Waxaanan u samayn lahaa afar iyo Shan dabaq oo ay saxeex ku seexdaan kagana baxaan. Tusaale: 6:pm illaa 5:Am inta kale umaan oggolaadeen dhismaha inay food soo galiyaan.
13. Waxaan cashuur dheeri ah saari lahaa Kambaniyada Qaadka keena, waxaan xaddidi lahaa goobaha lagu iibiyo.
14. Gabi ahaanba Caasimadda waxaan ka mamnuuci lahaa gawaadhida xammuulka ah inay dhex maraan.
15. Xafiiskayga waxaan ka dhigi lahaa (public office) qof kasta waxaan oggolaan lahaa inaan maqlo codkiisa iyo waxa uu rabo.
16.Biyaha, Korontada, Qurxinta, dhiraynta, iyo Qaabaynta magaalada waxaan ku bixin lahaa lacagta ugu badan ee miisaaniyadda dawladda hoose.
17. Qof kasta oo Caasimadda ganacsi ku haysta waxaan ka qaadi lahaa cashuur (City Tax)
18. Qof kasta oo u shaqeeya shirkad, dawladda, ama si mdax banaan u shaqaysta mushaharkiisa waxaan ka jari lahaa cashuur (Hargeisa City Tax)
19. Waxaan dagaal adag la gali lahaa tuugta magaalada, kuwa booba, iyo mukhaadaraadka anigoo dhisi lahaa ( City Police department) Hargeysa u gaar ah.
20. Degmo kasta waxaan ka samayn lahaa ciidanka Dab-damiska ( Fire Department) anigoo dhigi lahaa gaadiid iyo shaqaale ku filan 24-ka Saacadoodba. Sidoo kale waxaan la wadaajin lahaa goobtaas Ambulance iyo shaqaalihiisa 24-ka Saacadoodba.
21. Waxaan nidaamin lahaa Gaadiidka dadweynaha anigoo u samayn lahaa Commission gaar ah. (City Transportation) waxaan lacag sannadle ah ka qaadi lahaa gaadiidlayda iyo dareewallada.
22- Waxaan samayn lahaa basas gura ardayda dugdiyada hoose illaa ka sare.
23- Waxaan bixin lahaa cuntada ardayda iskuullada hoose dhexe iskuulka dhexdiisa.
24. Iskuul kasta waxaan ka shaqaalaysiin lahaa Neeras ardayda u adeegta.
25. Waddooyinka magaalada markaan calaamadiyo, waxaan muhiimadda koowaad siin lahaa ardayda.
26. Hooyo kasta oo Caasimadda ku nool oo dhaqaalaheedu liito bishii waxaan siin lahaa lacag ay Caano ugu geddo ilmaha ka yar 5-jir.
27- Dhulka Caasimadda gabi ahaanba waxaan ka joojin lahaa iibka anigoo dib u qiimeyn lahaa dhulka intaannu rabno iyo waxa aannu ka rabno.
28. Xafiiskayga marka aan joogo waxaan u istaagi lahaa Macallimiinta, Millatariga, Bilayska, iyo Dhakhaatiirta. Laakiin madaxweynaha iyo Wasiirrada fadhigaan ku salaami lahaa.
28. Dadka qaxoontiga ah ee sifada sharciga ah Wasaaradda arrimaha guduhu ku oggolaatay waxaan dammaanad qaadi lahaa amnigooda iyo sharafkooda inaan ilaaliyo.
29- Haddii aan arko inaanan fulin karin wixii aan ballan qaaday waan is casili lahaa si qof kale loo tijaabiyo.
30. Mushaharkayga cidna wax Kama siiyeen si aan u nabadgaliyo cashuurta magaalada.