Hadimo iima quudheen “sheeko mala awaal ah laakiin xaqiiqda ka turjumaysa” (W.Q: Saynab Xasan Axmed)

Sahra waa hooyo 26 jir ah, waxay ahayd muddo 6 sano ka hor markii ugu horeysey ee ay guursatay, iyadoo aad ugu faraxsan guurkeeda iyo saygeeda ay aadka u jeceshay ee Faarax. Sahra hadda waxay haysataa oo ay dhashay 5 caruura, saddex wiil iyo 2 gabdhood, waxay qoyska sahra ku noolyihiin guri kiro ah oo ka kooban 2 qol, madbakh iyo suuli. Sahra saygeeda Faarax wuxuu ku shaqeeyaa wasdaadnimo, wuxuu dhisaa guryaha, subaxdii 5 ayuu ka kalahaa gurigiisa, wuxuuna kusoo laabtaa 10 habeenimo.

Sahra waxay iibisaa oo ay gadaa khudaarta sida tamaandhada, basasha, baradhada, iyo khudaarta kale ee dhariga lagu daro. Waxay guriga kasoo baxdaa 6 subaxnimo si ay khudrad wanaagsan u hesho, caruurteeda waxa ugu wayn sakariye oo ah 5 jir, wuxuuna tagaa malcaamad u dhow guriga ay deganyihin. Sahra howlmaalmeedkeedu sidan tan ayuu u dhacaa.

Sahra subaxa hore ayey toostaa kadib salaada markay tukato waxay diyaarisaa quraacda carruurta, waxay kaga sii tagtaa carruurta inan shaqaale ah oo kasii war haysa iyo reer jaarkooda ah. Sahra waxay suuqa kasoo laabataa duhurka markay tahay si ay carruurta u qadeysiiso.

Kadib carruurta wey seexisaa iyaduna baylahda kale ee guriga ayey ku foofta sida dhar maydhis iyo wixii kolba baylah u taala, markay casar tahay ee carruurtu toosto waxay carruurta u diyaarisaa caano iyo shaah marmar buskud ayey ku siisaa carruurta marmarna caanaha iyo shaaha oo kali ah bay siisaa, kolba sida jeebkeedu yahay.

Intaa kadib waxay diyaarisaa cashada reerka, waxa kaloo nidaamisaa guriga, iyadoo qolka Xaajiga kolba nadiifisa oo uunsi iyo wixii ay udug hayso ugu shida, markay salaada maqrib tukato caruurta ayeey casheysiisa, kadibna gogoshooda seexisaa, laga reebo wiilka ugu yar reerka oo Mubaarak layidhaa oo jira 6 bilood oo isagu seexda qolka hooyadii iyo aabihii seexdaan.

Sahra waloow aay aad u daasho oo tabcaanto, haddana ma seexato, waxay bilowdaa markay carruurta seexiso in ay saygeeda Faarax oo saaka siduu uga baxay aan dib ugu soo laaban ama aanay xataa war ka helin u diyaariso cunto iyo caanoba, nafteeda ayay hagaajisaa oo xidhataa hadba dharkeeda kan ugu quruxsan, udug wixii ay haysatona marsataa si ay Faarax u qaabisho. Waxay kaloo ku mashquuli in ay naasnuujiso wiilkeedaa yar oo ay lasoo jeedo intuu isagu seexanayo, iyadoo daalan haddana wey is diidsiisaa in ay daalantahay, ninkii caqli badan lihi wuxuu arkayaa tacabka iyo daalka ka muuqda wajigeeda.

Faarax wuxuu soo hoydaa isagoo soo qayilay oo faromadhan aan reerkii uu saaka ka baxay waxba usidin haba yaraatee. Markuu albaabka kasoo galo wuxuu Sahra waydiiyaa cashadii isagoon waraysan siday ahaayeen maanta ama wixii kusoo kordhay, Sahra waa raaliyo, waa hooyo wanaagsan oo dhawraysa huga iyo sharafta haweenimo waxay siisaa cuntada iyo caanaha, kadib wuu seexdaa isagoo ku dardaaraya in ay wiilka yar ka aamusiiso intuu hurdo.

Sahra markay aragto ninkeedii ay raga ka dooratay oo ay nolosha wadaagayeen oo sidaa ula dhaqmaya way damqataa oo ilmeysaa, haddana ubadkay dhashay ayey eegtaa oo ay ku mabsuudaa, kolkaasey hoos u tiraah:

Inkiraada faarax,

Ubaxaa ku iloow,

Afxumadiisana,

Eebe uun u dhaaf.

Murtidaasi waa mid ay iyadu samaysatay oo ay niyadeeda ku dajiso kolka waayahu soo hormaro. Isla wada garaney nolol maalmeedka Sahra ee bal aan eegno nolol maalmeedka Faarax.

Faraax wuxuu gurigisa ka baxaa salaada subax marka uu tukado, isagoo qaata qalabkii dhismaha ayuu u jarmaadaa kolba meesha ay shaqadiisu maalintaa tahay, wuxuu ka quraacdaa dumarka haysta hudheelada wareega oo ah dumarka layidhaa “Daba-qablaysada”, kuwaas oo kolba buul yar oo ay wax ku kariyaan ka waabta halka  kolba guri laga dhisayo.

Marka uu Faraax quraacdo abaaro 9 AM wuxuu halkii kasii wataa shaqadiisa ilaalinta qadadu ka gaadheyso, intaa uu Faarax ku guddo jiro shaqada lama xidhiidho xaaskiisa Sahra kamana war hayo waxay ubadkii iyo ooridiisii oo saaka kasoo kalahay ku sugan yihiin, abaaro 12 PM marka uu salaada tukado wuxuu u dhaqaaqi in uu soo qadeeyo kadibna uu jaad u fadhiisto, intey ka gaadheyso 2 PM oo uu shaqada ku noqon doono, intaa uu qadeynayo ama qayilayo Faarax niyadiisa marna kuma soo dhacdo carruurtiisu in ay qadeeyeen iyo inkale, abaaro 4 galabnimo wuxuu ka faraxalan shaqo maalmeedkii uu ilaa saaka soo waday, kadib qayilaad ayuu u jilbajoogsadaa oo uu wadaa ilaa inta uu ka dhamaynayo mijintaa uu soo gatay oo laga siiyay qiyaastii 16000 shilin.

Marka uu dhamaysto qayilaada wuxuu haddana u fadhiisan fadhi ku dirir iyo sheeko aan macno badan lahayn oo uu raga qeyrkii ah la wadaago, abaaro 9 PM ilaa 10 PM ayuu ku laaban gurigiisa isaga oon reerkiisa waxba uga sidin lacagtii shaqada ee uu maanta shaqeeyay, Sahra hore ayey ugu daashey in ay weydiiso Faarax biil, kadib markii uu ku yidhaa anigaba imasoo dhaafto… CAJIIB..

Muxuu ugu talo galay ubadkan uu dhalay iyo ooridiisu iney quutaan, sideese qalbigiisu u siiyay inuu isaguna soo dhargo ubadkiisuna maalmaha qaar gaajo ku seexdaan waqtigaas oo aheyd kahor intii aaney Sahra bilaabin iney shaqaysato, waana ta ku kaliftey Sahra iney dibada u baxdo oo ay shaqo tagto si ubadkeedu aaneey gaajo dambe ugu seexan. Faarax marka uu debada joogo ee uu asxaabtiisa shaqada ama kuwa kaleba la socdo waa nin sheeko badan oo aad u furfuran oo ay asxaabtiisu aad u jecelyihiin la fadhiisigiisa iyo sheeko lawadaagiisaba, hasa yeeshee markuu gurigiisa soo galo waxaa ka muuqda waji gabax iyo cadho fara badan, markuu soo galo wuxu sahra usheegaa waa amar uun, sida ilmaha naga aamusi aanu idinka seexane, hadal ma rabee ha ila hadlin, iyo hadalo aad u adag oo ay Sahra ka murugooto maqalkooda. Maalinta jimcaha ama aanu shaqo haynin Faarax siduu habeenkii u seexdo wuxu hurdada ka kacaa 12 duhurnimo oo uu salaada duhur tukado kadib cuno qado diyaara oo aanu garaneyn si ay gabadhiisu ku keentayba, kadib wuxuu u baxaa qayilaad iyo fadhi ku dirir uu asxaabtiisii uu ka jeclaa reerkiisa la fadhiisto. Faarax sida uu u labisanyahay marka la eego waxa la gartaa in uu qabo gabadh fariida oo u ilaalisa labiska kana shaqaysa qurxintiisa. Faarax markuu maqaaxiyaha fadhiyo rag iyo dumar (waa qolooyinkan shaaha kariya ama jaadka ku iibiya e) waxay dhagaystaan oo kali ah hadalkiisa waxaana layidhaa walee naagta heshay nin heshay, mase oga inuu dhinaca reerkiisa ka yahay eber iyo waxba la’aan, ubadku aaney dareensaneyn iney aabo fiican leeyihiin, ooriduna aaney ka arkeyn faarax wanaag iyo karti midna, sababtoo ah kartida raga waxa laga gartaa hadba sida uu reerkiisa uga warhayo iyo sida uu uga adkaadey inuu nidaamiyo reerkiisa oo uu jiheeyo, aabaha wanaagsana waxa lagu garto kan ubadka xanaaneeya ee og waxay tabanayaan iyo waxa ka dhiman lana sheekaysta oo waqti siiya, balse faarax tilmaamahaasi maaha nin leh.

Sahra marmar waxay gashaa xusuus dheer oo ku saabsan hasaawihii iyada iyo faarax dhex maray iyo siduu markaa u ahaa nin wanaagsan oo aad u jecel, kana war haya, waxaaney is weydiisa waxa imika badalay, suaalaha maskaxdeeda kusoo noqnoqda waxa ka mid ah:

Wanaagii uu kuu muujin jiray markii aanad xaaskiisa aheyn muxuu ku iloobay, adigoo waliba shalay maanta kaga xaq mudan?

Dumarku miyay nolosha noocan ah wada qabaan oo raga somalida ayaa ah rag aan dun fiicneyn, mise toloow meel kaluu ninku soo sahansaday?

Iyo su’aalo badan oo faarax iyo dabeecadiisa la xidhiidha.

Sahra da’deeda iyo muuqeedu isma leeka isumana dhawa, muuqeeda markaad aragto waxaad moodeysaa gabadh 40jir ah ama ka badan, markaad se ogaato intey jirto waxaad dareemaysaa howlaha faraha badan ee ku xeeran ee uu ka mid yahay xurmo la’aanta kaga timi xilaheeda faarax.

Faarax ma aha nin aan dhaadaneyn murugada ka muuqata xaaskiisa balse waa mid la yaaban waxan ay tabanayso oo uba haysta inuu yahay rag kan ugu wanaagsan, wuxuu u haystaa in sida ugu wanaagsan ee dumar loola dhaqmaa tahay ad – adkaan iyo amar siin kali ah. Layaabse maleh oo diinta ayaanay waxba uga bilowneyn. Faarax maaha nin dhinacna ugu roon xaaskiisa iyo caruurtiisa midna, caruurtu wey ka cabsoodaan kolka uu joogana wey ka dhuuntaan oo ama hooyadood bay la joogaan ama jaarka ayeey u wareegaan.

Waxay inbadan fekarto Sahra oo ay hoos isu waydiiso waxa badalay faarax waxay maalin ku tashaneysaa iney la hadasho mar uu deganyahay oo bal si hoos ah ay isu xaal waraystaan. Maalin jimce ah ayeey ku tashanaysaa iney la hadasho maadaama uu inta kale maqanyey, habeenkii jimcuhu soo galayay ayeey ku odhanaysaa howl muhiim ah baan rabaa inaan kaala hadlo faarax ee bari galinka dambe jaadkaaga anaa qabee guriga fadhiso oo ku qayil. Farax oo yaaban ayaa ku odhanaya oo arintaad wadaa maxay tahay jaadkaad ii qaadaysaa ha dambeeyee? Sahra ayaa ugu jawaab celinaysa iyada oo si degan oo debecsan ula hadlaysa waa arin inoo wada muhiim ahe bari ayaad ogaan? Faarax kuye CAJAB. Caawana mataasaad la timi, naa warka iiga jac sii hadii kale anigu bari asxaabteydiibaa jaad ii qaado aan lasoo qayilayaaye. Intaa kadib Sahra ayaa kululaaneysa oo ku odhanaysa: Asxaabtu ma jaadkaan kuu qaadayo ku ka fiican ayeey kuu qaadayaan, maxaadse u diidi inaad ila fadhiisato oo ila hadasho? Faarax ayaa kalsooni u odhanaya: Ma ihi raga dumarka la fadhiista ee sheekadooda dhageysta ee hadalka iga yaree!. Sahra iyadoo aad u kulul bay ku odhaneysa: Anaa qaldanaa markaan ku guursanayee, wa abaalkay wixii I helaaba. Kolkaasey qolkii ay kula hadleysey ka baxaysaa iyadoo aad u murugeysan. Maalintaa ayeey tix yar isku toosisay ooy tidhi: halyeey hadaad ahaan lahayd,,,, anoo haweenaydaa ah,,, hantaaqo iima quudheene,,, hacoo iyo waxaa tahay,,, nin heeryadiisa cuna!!!.

Sahra wixii maalintaa ka dambeeyay waxay goaansanaysaa inaanay wax faa’ido ah ama guul ah ka gaadheyn la hadalka faarax, maadaama uu yahay nin adag oon rabin inuu iyada hadal la wadaago. Waxaaney ku goaansanaysaa iney ubadkeeda korsato oo bal eegto faarax iyo halkuu ku dambeeyo.

 

W.Q: Saynab Xasan Axmed