Hagar-laawe (1984) Waa maanso iyadoo nool maanta taagan Ceel-afweyn (WQ: Cabdi Caawiye)

 

AHUN Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa maansadan tiriyey xili laga joogo 33 sanno ka hor wuxuuna ka hadlaayey shaqaaqo ka dhacday meesha la yidhaa HAYE-BARI oo laba reer oo isku deegaan ah dab la dhexdhigay oo laysku direy.

Maantana waxa taagan tii oo kale oo Dad walaalo ah laysku dirayo iyagoo ay ka dambeeyaan dad danno siyaasi iyo danno shaqsiba leh.

Hal madaw araar iyo maanso

Harawaati roob iyo mawjad

Murti iyo higgaad nabad-doon ah,

Waayahan haddeer ku salaysan

Ahna diirad keebka hagaysa

Berritana nin nool u hal-hays ah,

“Haye cala salaa” mar kaleeto

Dhoodaanna heestu ha gaadho.

 

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?

Ma og tahay habaaska dalluumay?

Ma og tahay hor-weynta la qaaday?

Ma og tahay in Hawd laga guurey?

Ma og tahay gabdhaha wada heermay?

Ma og tahay rasaasta habawday?

Ma og tahay hoggaanka la eeday?

 

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?

Ma og tahay “hiraay”da “wiraay”da?

Hadhaciyo bardaha laga caagay;

Haradiyo biyaha godobaysan;

Naylaha haraaryadu laysay;

Shimbiraha dhirtii hadhsan waayey;

“Hiih”diyo “hayaay”da baxaysa.

 

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?

Ma og tahay nacaybka la huurshay?

Ooryaha asayda hagoogtay;

Hooyada baroorta naf moodday;

Aanada ilmaha ku hadaaqay;

Dhalashiyo hablaha dhaxdin seegay.

 

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?

Ma og tahay habaarka dhisaalan?

Halasaha dagaalka sokeeye

Dhallintiyo halyeeyada le’eday;

Gacalkiyo hilbaha is-xasuuqay.

 

Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!

Habbisada dadkayga la saaray

Haan-haanta loo kala soocay

Ma-huraanka laysku lisaayo,

Hurdankiyo gabaaro-gurdayska

Halaq baa ku raad-gadanaaya.

 

Isagaa hubkaysugu dhiiba;

Hanadada sidaa ku shidhaysta;

Dabadeed hamuunta ku reeba.

Isagaa habeen iyo maalin

Godobtiisa reer huwinaaya;

Hadba shaadh qabiil u tolaaya.

Hindhisyaana saa qasab weeye

Dadku waa inuu hargab qaado,

 

 

Wadhi wadhi hoheey cukuyeey hoh!

Qoriyahaw hubsiino-la’aanta,

Qoriyahaw hawaawi-dhacaaga,

Qoriyahaw hinaase-la-boodku,

Jugtu waa waxaan la hagaasay.

 

 

Meeshiyo Hargeysiyo Juubba

Qoriyahaw halkaad cuskataaba,

Waa haar korkayga ku taalla;

Waa meel jidhkayga habaysa;

Dhaawaca anaa u hafeefta;

Giddi waa halboowle i qooman.

 

 

 

Wadhi wadhi hoheey cakuyeey hoh!

Umalkiyo naftayda hadraysa,

Hammigiyo sidaan u tol beelay,

“Hiq”du waa anoo ladi waayey.

Haybtaydi baa is-cuneeysa;

Garabkaygi bays wada heeray;

Maradaydi baygu huraysa.

Kugu-dhimayo-kaa-dhimay waa huq;

Rati heeryadiisa cunaaya

Hungo waa sidaan ahay maanta;

Dhanna hee dheh iima fayooba.

 

 

Anigaa colaadda ku hoobtay

Wiil iyo walaalba ka hoogay;

Anigaa hugaygu i diiday.

 

Iminkana haddaan la heshiinin

Hibashada haddaan la dawaynin

Hebel-yaa-lahaa la illaawin,

Himilooy wallee gabbalkaa dhac;

Talo-faro-ka-haaddaay mooyi;

Calanyahaw waxaad tahay loo-hadh.

 

Anigana hadhaw iyo faallo

Halistaa inaan ka afeeftay

Oo weliba hiif iga gaadhay,

HAGAR-LAAWE ii geli buugga

Taariikhda aan wax hilmaamin.

Qalinkii Cabdi Cawiye

+2524115877

Shaywaal12@gmail.com